Berbera(GNA)-Agab isugu jira Marawadaha Kulaylka iyo Buugaag waxbarasho ayaa lagu wareejiyay Dugsiyada Waxbarashada ee Magaalada Berbera , kuwaasoo ay ugu kala deeqeen Dawladda Hoose iyo Ururo bulsho oo dibada ka dhisan.
Dawladda hoose ayaa 83 Marawaxadood ugu deeqday Dugsiyada, maadaama xiligii Kulaylku soo dhawyahay, sida uu sheegay Maayirka Degmada oo wareejinta deeqdan hormuud ka ahaa.
Ururka Cumar ku-joog Foundation ayaa iyaguna Buugaag waxbarasho ku wareejiyay Maamulka waxbarashada ee Gobolka Saaxil. Halkan ka Daawo: