Hargeysa(GNA)-Wasiirka Madaxtooyada Somaliland ayaa lagu soo dhaweeyay Hargeysa.
Waxa uu xubin ka ahaa wefti madaxweyne Siilaanyo hogaaminayo oo safar ugu maqan dibada.
Lama garanayo sababta uu kediska ugu soo laabtay, isla markaana uga yimi weftiga intiisii kale.
Ilo-wareedyo ayaa Gobanimonews u sheegay in madaxweyne Siilaanyo u soo diray si uu Madaxweyne ku-xigeenka uga caawiyo arrimaha siyaasaddeed ee dalka ka taagan.
Xirsi ayaa ah Wasiir madaxweyne Siilaanyo Awoodiisa qayb ka mida ah siiyo, amase talada hogaaminta la waddaago labada masuul ee ugu sareeya.
Si weyn ayaa loogu soo dhaweeyay Madaarka Diyaaradaha ee Magaalada Hargeysa oo uu maanta ka soo degay.
Ka dib markii la soo dhaweeyay wuxuu la hadlay warbaahinta isagoo ka waramay ujeedka soo laabashadiisa iyo safarka madaxweynuhu ku maqanyahay.
Halkan ka dhegeyso:[audio mp3="http://www.gobanimonews.com/wp-content/uploads/Codka-Wasiirka-Madaxtooyada-JSL-03.02.2014.mp3"][/audio]