Burco(GNA)-Maamulka Gobolka Togdheer iyo xildhibaano ka tirsan Golaha Deegaanka Degmada Burco ayaa shalay ku baxay soo afjarida xiisad laba beelood ka dhexaysay oo ka taagnayd deegaanka Beenyo Macaan iyo Ceel-dheere oo ku yaala Buuralayda Waqooyiga Gobolka Togdheer.
Khilaafka ayaa salka ku hayay muran ka dhashay Berked nooca biyaha lagu keydsado ah oo mid ka mida labada dhinac ka qodatay deegaanka Ceel-dheere, sida ay Gobanimonews u sheegeen xubno ka mida Bulshada deegaankaasi “wuxuu khilaafku ka dhashay Berked mid ka mid ah labada beelood ay ka qodatay Ceel-dheere, dabadeed waxa soo dhex galay Maamulka Gobolka iyo laamaha amaanka, wax dhibaato ahina ma dhicin”ayuu yidhi mid ka mida waxgaradka oo arrinta ka hadlay.
Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Maamulka gobolka oo la xidhiidha xalka laga gaadhay murankan, hase ahaatee Taliyaha qaybta Bilayska Gobolka Togdheer Cabdi Muuse Ducaale oo Gobanimonews wax ka qaydiisay arrintan, ayaa sheegay inaanay ahayn arrin sidaasi u sii culus, lana soo afjaray “arrintaasi waxay ahayd muran yar oo laba dhinac ku dhex maray Berked biyaha laga cabo oo qolo qodatay, qolona ka soo horjeesatay, markaa way iska dhamaatay, wax dhib ahina kama jiraan”.
Odayaasha labada beelood ee xiisaddu ka dhex curatay, ayaa shalay la keenay Magaalada Burco, halkaasoo arrintooda Maamulka dawladdu ku soo afjaray.
Xubnaha dawladda ee kala dhex galay ayaa Hoolka Shirarka dawlada hoose kulan kula yeeshay Odayaashaasi,waxaana kulankaasi oo aanay saxaafaddu goob-joog ka ahayn warar ka soo baxay oo Gobanimonews heshay lagu tibaaxay inay labada dhinacba ku qanceen xalinta arrinkooda.
Gobanimonews
Burco Office
Email: editor@gobanimonews.com