Monday, February 3, 2014

Burco: Bilayska oo sii daayay 52 Dhalinyaro ah oo hawl-gal 3 habeen socday lagu soo xidh-xidhay


Dhegeyso:Taliyaha qaybta Bilayska Gobolka oo shaaciyay hawl-gal ka dhan Khamriga iyo qorshe dad shicib ah lagaga rarayo Dhul ka banaan xerada qaybta bilayska




vlcsnap-2014-02-03-19h56m39s67Burco(GNA)-Taliyaha Qaybta Bilayska Gobolka Togdheer ayaa faahfaahin ka bixiyay amaanka Magaalada Burco iyo guud ahaanba Gobolka.




Gaashaanle Cabdi Muuse Cabdilaahi  ayaa sheegaya inay habeenadii la soo dhaafay gacanta ku dhigeen 52 Dhalinyaro ah oo qayb ka ahaa Dhalinyaro xaafad xaafad magaalada isugu shiiday todobaadkii hore, kuwaasoo maalmo ka hor la sii daayay, ka dib markii waalidiintoodu damaanad ka bixiyeen inaanay dib ugu laabanayn falal amniga waxyeelaya.




Waraysi uu maanta siiyay Gobanimonews, ayuu sidoo kale Taliyuhu ku beeniyay warar  lagu baahiyay mid ka mida wargeysyada ka soo baxa dalka, kaasoo sheegayay in nabad-gelyada Magaalada Burco xumaatay, bilayskuna ku fashilmay sugiddeeda.




Warkan ayaa lagu sheegay in hawl-galo amaanka Gobolka lagu sugayo ay ka qayb qaateen Ciidanka Milaterigu, taasoo Taliyaha bilaysku meesha ka saaray “waxaan maanta oo Taariikhdu tahay 3/02/2014, aan doonayaa inaan beeniyo war ku soo baxay wargeyska Somaliland Today oo ciwaankiisuna ahaa “amaanka Gobolka Togdheer oo faraha ka baxay iyo Ciidanka Milateriga oo talaabo qaaday”, hadaba waxaan halkan ka cadeynayaa inaan wax amaan daro ah oo Gobolka ka jiraa aanu jirin, meesha ay ka heleena ay iyagu caddeyn doonaan.




Ciidanka Milaterigu waa ciidan qaran oo loogu talo galay inay dalka difaacaan, wixii ciidanka Bilayska awooddiisa ka batana ku gacan siiyo, laakiinse waxaan caddeynayaa inaanay Ciidan Milateri oo nagala hawl-galay jirin hawl-galo lagu soo qab-qabtay, dhalinyaro habeeno dhaweyd xaafadaha isku shiidayay”.




“Hawlgalkaasi wuxuu socday saddex habeen, waxaana lagu soo qab-qabtay 52 Dhalinyaro ah, kuwaasoo ciidanka Bilayska oo qudhi soo qabqabtay, markii dambena maamul ahaan Guddida nabad gelyada ayaa wax iska waydiinay, iyadoo macaal badhasaabku nala joogo, waana la saamaxay, iyadoo waalidiintooda laga qoray inay damaanad qaadayaan inaanu amni daro dambe ku kicin”ayuu yidhi Taliyuhu.




Waxaanu intaasi ku daray “markaa wax amni daro ah oo Magaalada Burco ka jiraa ma jiraan, iska daa Burco ee Gobolka aanu xukuno oo dhan ayaa nabad-gelyadiisu sugantahay, balaayo aanu Milateri u dalbanaana ma jirto, wax cabasho ahna lagama qabo nabad-gelyada, ciidan nagu filana waanu haysanaa”.




Taliyaha qaybta Bilayska Gobolka Togdheer ayaa waraysigan sidoo kale, talooyin ugu soo jeediyay laamaha kala duwan ee Bilayska Gobolka iyo saraakiisha Saldhigyada magaalada ka shaqeeya.




Isagoo ka jawaabaya su’aal laga waydiiyay waxa uga meel yaal isku dhacyada dadweynaha iyo ciidanka, xiliyada mudaharaadyada ama cabashooyinka salmiga ah, waxa uu ku jawaabay  “Waxaan ciidanka Bilayska u sheegayaa inay shaqadoodu tahay inay dadweynaha soo dhaweeyaan oo ay la shaqeeyaan, waayo saldhigyadu waxay u furan waa dadweynaha waxay u shaqaynayaan waa dadweynaha, markaa madaxda saldhigyada iyo saaxiibadayda kale ee Bilayska waxaan u soo jeedinayaa inay shacbiga si wanaagsan ugu shaqeeyaan oo hadii cabasho loola yimaado ay wax ka qabtaan.




Waxaanan u sheegayaa in waxa aynu heeganka u nahay hadh iyo Habeen ay dadweynaha tahay, markaa inay soo dhaweeyaan ayaan u sheegayaa”ayuu yidhi.




Waxaanu intaasi ku daray “maalin kasta oo wax dhacaan waayo aragnimo ayaanu ka dhaxalnaa, waxaana naga go’aan inaanu amaanka si fiican u ilaalino, hadii wax cabasho ahi dhacaana waxaa loo baahanyahay in laysaga dul-qaato”




 




Taliyaha oo wax laga waydiiyay dambiyada ugu badan ee Gobolka ka dhaca, waxa uu sheegay “Dambiyo badan way ka dhacaan Gobolka oo wuxuu kala simanyahay dalka, kiisasku way iska faro badanyihiin, Kufsigu wuu ka dhacaa”.




Gaashaanle Cabdi Muuse Cabdilaahi  ayaa geesta kale shaaciyay qorshe lagu xamaynayo Khamriga oo si dhiimasho ah lagu soo geliyo Magaalada Burco, kaasoo uu caddeeyay in magaalada Burco la soo geliyo, balse ay sida ugu dhakhsaha badan hawl-galo ugu qaadayaan.




“Khamrigu waa maandooriye dalkeena ka xaaraan ah inuu soo galo, waxa jira in meelo laga soo gel-geliyo magaalada, laakiinse waxa noo qorsheysan inaanu talaabo cad ka qaadno oo aanu ka joojino meelaha tuugada lagaga soo geliyo”ayuu yidhi.




Dhinaca kale, Taliyuhu wuxuu shaaca ka qaaday inay dhawaan ka rarayaan dadka shacbiga ah  ee degen Dhulka ka banaan ee Xerada qaybta Bilayska Gobolka, halkaasoo dadka degeni Guryo dhagax ah iyo Jiingado ah ka dhisteen, balse dhawr jeer laga joojiyay.




Gaashanle Cabdi ayaa degida dadka shacbiga ah ee Dhulka dawladda ku tilmaamay arrin Magaaladda oo dhan ka dhacday, waxaanu yidhi  “waddanka meel walba biliqo way ka dhacday xeryihii ciidamada ama eeriyada shacabka oo dhan  dadbaa ku habsaday oo wada degay  markii dalka la soo galay, laakiinse iminka waxa nooga qorsheysan  inaanu wixii hore  degey ka rarno, cid dambena aan loo ogolaan doonin”.




Halkan ka dhegeyso,Waraysi dheer oo Taliyaha aanu la yeelanay:[audio mp3="http://www.gobanimonews.com/wp-content/uploads/Taliye-qaybta-Bilayska-T.dheer9_.mp3"][/audio]