(GNA) Waxaa la ogaaday in akhrinta buugaagta sheekooyin caruureedku aay sare uqaadaan garaadka caruurta iyada oo hadana qof walba uu alle uu ku abuuray in ku filan .
Waxaa la ogaaday inta aaney soo bixin aaladahan la daawado sida Tvga ama casrigan cusub ee cumputarad in in ay aad hoos ugu dhacday aqoontii guud ee da,yarta.
Marka ilmuhu da,ahaan gaadho ilaa 9 jir in ilmuhu khariirad ahaan wadanka uu ku nool yahay wadamada ay jaarka yihiin ee soohdintu udhaxayso uu waxbadan ka garanyo.
Cilmi baaris ay sameysay waaxda saxaafada ee jaamacadda Oxford University Press ayaa lagu garowsaday in ay hoos u dhacday waalidiinta carruurtooda wax u akhriya ama buugaagta ku madadaaliya ka hor in ta aanu ilmuhu seexan, waxaa haddii carruurta lagu madadaaliyo buugaagtooda iyaga loogu talo galay ee madadaalada ay u noqon doonaan mid fursad u siisa ilmuhu in uu maskax furan u yeesho cilmiga uu berito baran doono.
Cilmi baarista jaamacada Oxford ayaa sheegaysa in waalidku carruurtooda ku ababiyaan akhriska si ay mustaqbal iyo guul uga soo hooyaan waxbarashada,
Hadii aanu nahay umad islaam ah waa in aad ubadka ku barbaarisaa diinta islaamka waxa uu garan doonaa waxa uu xaq uleeyahay iyo waxa xaqloogu leeyahay.
Dunida guudkeedana waxa uu noqonayaa mid guuleysta oo fahankiisuna wacan yahay waxa uu ku barbaaray in buugaagta la aqriyo oo noqoneysa in uu buugwalba oo cilimi ah wax ka akhriya, garaadkiisuna ku soo barbaaray in waxla bartaa ay yihiin mihiin.
Ogow ilmaha inta uu yaryahay waxa aad uqaridid in aanu waligii iloobeyn halka dunidan danbe ay garaadkoodo la qabsaday waxa loo soo marinayo tvyada oo uu ugu horeeyo filimada musasalka ah loogu talagalay in umad dhan lagu fasahaadiyo oo noqoneysa waxa uu shaashadaha ka arko in ay noqon doonaan waxa uu bari sameeyo ama uu ku camal falo.
Waalidiinta waxa u haboon in ilmaha garaadkiisa lagu kobciyo akhriska.
Suuradii ugu horeysay ee alle nabi maxamed(NNKH) lagu soo dajiyay in ay aheyda IQRA
Diyaariye:Askar
Gobanimonews.com