(GNA)-Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay in Dawlada Kuiwat lacag dhan Shan Milyan oo Dollar, ugu deeqday dhamaystirka dhismaha Dhabaha diyaaradaha ee Magaalada Hargeysa oo ay hore ugu maal-gelisay qayb ka mid ah $10 Milyan oo Dollar oo Dalkaasi 2010-kii ku caawiyay dhismaha Madaarkaasi, balse lagu lamaaneeyay dib u casriyaynta ka Berbera. Sarkaal ka tirsan Wasaaradda Duulista oo la yidhaahdo Cabdillaahi Axmed Caarshe ayaa Caawa warbaahinta ku saydhiyay war sheegayay in Wasiirka Wasaaradda Duulista Maxamuud Xaashi Cabdi caawa Saxeexay mashruuc kale oo ay Dawladda Kuwait ku kordhinayso Madaarka Hargeysa kaasoo lacagta ku baxaysa ay dhan tahay Shan Milyan oo Doolar. Sida uu sheegay lacagtaasi waxa lagu dhisayaa Hal Kiiloomitir oo lagu kordhinayo Dhabada Diayaaraduhu ka haadaan oo dhererkeedu gaadhayo ilaa saddex KM, balse hadana la sheegayo inaan sidii loogu talo galay loo dhisin. Sheegashada warkan ee dhinaca xukuumadda, ayaa ku soo beegmaya xili ay Maanta mar kale Asxaabta mucaaridka ahi dhaliileen dib u dhiska hore loogu sameeyay, dood aan wali dhamaanina ka taagantahay qaabka loo maamulay dhaqaalihii loogu talo-galay kordhinta Dhabaha diyaaradaha. “Maanta waxaanu kormeer xaqiiqo raadin ah ku tagnay Madaarka Hargeysa, waxaanan soo ogaanahay inaan run-wayga sidii loogu talo-galay loo dhisin”sidaasi waxa yidhi Yusuf kayse Cabdilaahi oo ah Xoghayaha Warfaafinta Xisbiga Ucid. “Wasiirka Duulistuna habeenkii dhaweyd ee uu yidhi waxaan la kulmayaa Bulshada, Arbacadii Maalinnimada ayuu dadka la balamay markii hore, hadana habeenkuu dad uu soo xushay ku qaabiley meel, intuu ka baxay kulankii uu Maalinta Iclaamiyay”ayuu hadalkiisa ku daray Yuusuf, isagoo ka hadlaya shir jaara;id oo ay ku qabteen Hargeysa isaga iyo xubno kale. Madaarka Diyaaradaha ee Hargeysa oo muddo sanad iyo dheeraad ah u xidhnaa mashruuc dib u dhis loogu samaynayo Run-wayga, ayaa maalmo yar ka dib markii Madaxweynuhu dib u furay, diyaarad Ethiopian Airline leedahay oo soo fadhiisatay si weyn u dhaliishay dib u dhiska lagu sameeyay, isla markaana duulimaadyadii ku joojisay maalintii koowaad. Dhaliisha Diyaaradda Itoobiya ka sheegtay tayada dhabaha Cigaal Airport, ayaa dood dheer iyo dareen musuqmaasuq ka abuurtay waddanka, taasoo xukuumaddu todobaadyo ka ledi wayday xumadii ka raacday, madaxweyne ilaa heer wasiirna Jawaab adag ka bixiyeen. Xukuumadda ayaa si ay isaga moosto eedeymaha looga soo jeediyay mashruucan, xubno wasiirro ah Itoobiya u dirtay, kuwaasoo muddo addis ababa ka soo sasabayay shirkadda, isla markaana ku soo guulaystay inay dawladda Itoobiya soo qanciyaan. Dawlada Itoobiya ayaa sheegtay inay sababo amni daro u joojiyeen Duulimaadyadii Diyaaradaha Ethiopia Airline, taasoo ah dayr la’aanta Madaarka iyo Run-wayga oo aan ahayd mid garantiin ah. Waa markii ugu horaysay ee wasaaradda Duulista laga maqlo in Kuwait lacag kale ugu deeqdo Madaarkan lagu eedeynayo inay musuqmaasuqday dhaqaalihii hore loogu bixiyay, walina ma cadda in warkan xaqiiq yahay inuu yahay Asqo eedeymaha Mucaaridka laga horgeynayo.
Gobanimonews Hargeysa Office Email:
editor@gobanimonews.com