Hargeysa(GNA)-Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabiley Safiirka Somaliya u fadhiya dawlada Netherland oo booqasho ku yimi Hargeysa.
Kulanka Madaxweynaha iyo Safiirka oo ay goob-joog ka ahaayeen xubno ka mid ah Golaha Wasiiradda ee Xukuumadda, waxa lagaga wada hadlay qodobo dhawr ah oo ku taxaluqa mucaawimooyinka dhinaca horumarinta ee ay Holand siiso Somaliland iyo sidii loo sii kordhin lahaa,ugana saacidi lahayd dhinacyo kale oo Waxbarashadu ka mid tahay.
Dawlada Netherland ayaa Somaliland hore uga fulisay mashaariic horumarineed oo ay ka mid yihiin Dhismayaasha Baarlamanka oo ay qayb ka qaadatay iyo kuwo kale oo koob-kooban, waxaanay hada dawladu waydiisatay inay kordhiso taageerada dhaqaale ee ay ka hesho.
Wasiirka arrimaha Dibada iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland Maxamed Biixi Yoonis oo markii kulankaasi dhamaaday Warbaahinta la hadlay, ayaa sharaxay waxyaabaha ugu muhiimsan ee madaxweynuhu Safiirka kala hadlay “waxaanu kala hadalnay sidii ay dawlada Netherland u balaadhin lahayd Mashaariicda horumarineed ee ay Somaliland ka waddo, hore waxyaabo badan ayay u qabteen oo dhismayaasha Baarlamanku ku jiraan,waxaanan doonaynaa inay balaadhiyaan mashaariicdaasi, oo Deeqo waxbarasho iyo mashaariic kaleba waddanka ka qabtaan”ayuu yidhi Maxamed Biixi.
Ambasador Joost Reintjes oo isaguna Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in waddankiisu diyaar u yahay taageerada umadda Reer Somaliland, kana saacidi doonaan baahiyaha muhiimka ah ee ay wax kala qaban karaan “shacbiga iyo dawlada Netherland, waxay bulshada Somaliland la leeyihiin xidhiidh aad u qoto dheer, waxaanan diyaar u nahay inaanu sii wadno taageerada bulshada reer Somaliland, haday tahay kuwii hore iyo waxyaabaha hada ay u baahanyihiin, sida deeqaha waxbarashada”ayuu yidhi.
Codsiga Deeqda Waxbarasho ee Somaliland waydiisatay Holand, ayaa ah mid aad u muhiim ah oo ay baahi weyn u qabaan hadii la aqbalo dadka waxbarashada ku foogan ee reer Somaliland, waxaanay suurto-galnimadeedu noqonaysaa waddankii labaad ee midowga yurub ka mid ah ee Deeq waxbarasho u fidiya Somaliland.
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: editor@gobanimonews.com