(GNA) Moobilkii ugu yara ayaa la soo saaray, isla markaana lagu xayeysiiyey meelo badan oo ka mid ah mareegaha adduunka, kaasoo cabsi ku abuuray qaar ka mid xabsiyada adduunka, gaar ahaan dalka Ingiriiska.
qaar ayaa waxa laga dhigay wax uu qofku sida flashta cumpurtarka le,eg taas oo uu qofku inta suumanka yar yar ee qoorta lasudho ku xidhan kara ama silliska qoorta lagu xidho taas oo ka dhigeysa in uu qofku xidhan yahay silis ama aalada qoorta lagu xidho ee sida aqoonsiga ama waxwalba oo qoorta lasudho.
Moobelkan oo lacag ahaan lagu baayacay $40 lacagta Ingiriiska ah waxa qarsan kara maxaabiista xabsiyada ku jira, arrintaas oo keeni karta in telefoonno sharci darro ah oo amniga waxyeela ay dirtaan.
Moobaylo aad u yar oo hore loogu arkay xabsiyo ku yaal dalka Ingiriiska ayaa sababay amni darro iyo in maxaabiis halis ah xabsiga ka baxsadaan.
Telefoonkan oo aad u yar wuxuu ka samaysan yahay biro iyo caag aan qalabka wax baadha hore u soo saarayn, waxaana dalka Ingiriiska qofka lagu qabto isagoo telefoon ku haysta xabsiga dhexdiisa uu ku mutaysta laba sanno oo xadhig ah amma ganaax aan xad lahayn.
“Waxaannu go?aan ka gaadhayna dhibaatada telefoonnada gacantu xabsiga ku sababaan, gebi ahaana waa mabnuuc in xabsiga lagu dhex haysto moobayl, balse moobaylkan cusub wuxuu keeni kara khatar ah in maxaabiista halista ah helaan telefoonno ay asaxaabtooda kula xidhiidhaan si ay hawlo ugu fuliyaan,” ayuu yidhi Wasiirka Xabsiyada Ingiriiska Mr. Jermey Wright.
Diyaariye:Askar
askars4@hotmail.com
Gobanimonews.com