Thursday, July 4, 2013

Sooyaalka Taariikhda iyo Macalin, Khadar Cabdi Macalin






In badan ayaa aan sameeyay qoraallo daadihinaya sifaha iyo kaalinta madhaafaan ka mid ah waayeelka iyo masuuliyiinta Somaliland oo aan aragtidayda ahaan ku xushay wanaag ay ummadda u tareen. Haddii la wado keliya faaqidaadda xuska jiilasha ka gudbay barbaanimada ee nool ama xijaabtay, miyaanay taasi taageero u ahayn odhaahda gurracan ee tidhaahda “raggu waa raggii hore, hadalna waa intuu yidhi”? Waxase weedhaas lagu dooriyay maahmaahda uu curiyay jaallay Abwaan Siciid Ibraahin Dool “Gurey” ee ah “raggu waa raggiisii hadalna waa ninkii hela”.




 Aniga oo taas ka duulaya laga bilaabo eegga waxa aan bilaabi doonaa qormooyin bulshada lagu gaadhsiiyo hanka, himilada iyo hawl-qabadka dar ka mid ah dhallinyarada dalka oo isugu jira bareyaal, abwaanno, qoraayo, siyaasiyiin,  bulsho daadihiyaal iyo qaybo kaleba, waxaanan ugu horreysiinayaa iftiiminta aqoonyahan ka mid ah kuwa loogu jecel yahay macallimiinta dhallinyarada ah ee wax ka dhiga Jaamacadaha iyo Dugsiyada Sare Ee Soomaliland magaciisuna yahay Khadar Cabdi Ibraahin  (SOS).




 Macallin Khadar waxa uu ku dhashay deegaanka Hargeysa sannadkii 1985-kii. Labadiisa waalidba waa nool yihiin haddii aan xusana hooyadii waa Ruqiya Axmed Muxumed, aabbihiina waa Cabdi  Ibraahin Xuseen oo ah macallin waayo-arag ah, sidaas darteena Khadar SOS waa abare ku abtirsada oo ay gardaadiyeen bahda waxbarashadu.Waxa uu la dhashay lix carruura oo uu isagu ugu weyn yahay kuwaas oo kala ah shan wiil iyo hal gabadh.




 Markii ay dagaallada dib u xoreyntu hadheeyeen waddanka gu’yaashii 1988-1991-kii waxa ay Khadar SOS iyo qoyskoodu u wareegeen dalka Itoobiya gaar ahaan Dulcad halkaasoo uu la galay tacliinta malcaamadda iyo dugsiga Hoose/Dhexe oo uu ka dhigtay illaa fasalka lixaad waayadii sooyaalku ahaa dabayaaqada qarnigii hore iyo bilawgii qanigan kow iyo labaatanaad ama  (1994-2000)




 Badhtamihii 2000 ayuu soo wareegay Hargeysa waxaanu ku biiray Dugsiga Naasahablood (Ex Waraabe Salaan) oo uu ka qalin-jebiyay laba sanno kaddib isaga oo markii uu u fadhiistay imtixaanka shahaadiga ah ee dhexe ka mid ahaa ardaydii u sarraysay dalka, sidaasna uga mid noqday facii koowaad ee dib loogu furo dugsiga sare SOS Sheekh, iskuulkaasi waa ka ay ka raacday naanaysta uu ku caanbaxay ee SOS waxaanu dhiganayay muddadii u dhexaysay 2002-2006da. Isla sannadkaa waxa uu ku biiray Jaamacadda Camuud ee ku taalla Boorama isaga oo ka mid ahaa bareyaal ku takhasusay maaddooyinka Physics-ka iyo Xisaabta Dugsiga sare waxaanu aqoontan gaar ahaan Cilmiga Physics ka gaadhay heer ah First Degree. Waxa xusid mudan inuu Khadar SOS yahay ardayga ugu dhibcaha sarreeya ee illaa hadda soo mara Jaamacadda Camuud isaga oo ku gudbay dhibco ah 4 GP, halkaasna kuma hakin aqoonta waxaanu isla jaamacadda Cammuud ka diyaariyaa shahaadada master oo uu qaatay manhajka. Hadda waa bare waxdhiga jaamacadda Camuud iyo dugsiyada sare ee Nuuradiin, 26 June June iyo Maroodijeex oo caasimadda ku yaalla. Horena waxa uu macallin uga noqday dugsiga sare Gacanlibaax oo uu shaqada ka bilaabay iyo Faarax Oomaar.




 Waxyaabaha uu shaqsi ahaan xiiseeyo waxa ka mid ah akhriska, xidhiidhinta bulshada iyo toosinta da’yarta. Macallimiintiisa uu aadka u qaddariyo waxa ka mid ah Aadan Muuse iyo  Maxamed Cali Barkhad ka tirsanaa dugsiga SOS Sheekh iyo  C/Laahi Sanyare iyo  C/Laahi Xaaji oo ugu hagar-baxay Jaamacadda Camuud




 Ardaydiisii waxa ka mid ah bareyaal wax ka dhiga Jaamacado, hawl-wadeenno iyo masuuliyiin ka hawlgala wasaaradaha, haayadaha, shirkadaha iyo goobo kale.




 Dhacdooyinka ugu farxadda badan ee uu la kulmo waxa uu Khadar SOS ka xusay “Qalin-jebintiisii Cammuud”, xilliyada ay ugu darnaydna waxa ka mid ahaa  caqabado ka horyimi xilligii uu Dugsiga sare u gudbayay oo ka hor istaagi gaadhay inuu tacliinta sii wado.




Macallin Khadar oo sheegaya qaar ka mid ah falalka naftiisu ku mafsuuddo ayaa yidhi “ Waxa ka mid ah dhammaynta hawl la ii diray iyo gudashada waajibaadkayga”. Mar aan weydiiyay higsiigsa timaaddada waxa uu ku tiraabay “Inaan wax ka beddel  togan ku sameeyo manhajka waddanka”. Weydiin kale oo ahayd dardaaranka uu ardayda uu jecelyahay in ardayda laga gaadhsiiyo ayaa uu kaga warceliyay “Inay la tartamaan dhiggood gudo iyo dibadba”.




Hal-doorka uu ku hirto kagana daydo dhanka barbaarinta iyo barista waxa ka mid ah




1. Alle ha u naxariistee Aqoonyahan Maxamed Aadan Gahayr oo loogu magac-daray Jaamacaddii Gahayr ee Muqdisho




2. Professor Saleebaan Axmed Guuleed oo ah Guddoomiyeha Jaamacadda Camuud oo ah tii koowaad ee Somaliland laga furo kolkii arliedrgu gobanimada dib u hantiyay hilaaddii ahayd 18/Mey/1991-kii iyo kuwo kale.




 




Siciid Maxamuud Gahayr




saedmgahair@hotmail.com