Hargeysa(GNA)-Maayirka Caasimadda Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco) ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay Eedeymo looga soo jeediyay Golaha Deegaanka Dhul ku yaala Galbeedka Caasimada Hargeysa oo la sheegay inay doonayaan inay boobaan.
Sidoo kale wuxuu Ganacsatada iyo dadka Tujaarta ah ugu baaqay inay bixiyaan Cashuurta ku waajibtay si wax loogaga qabto Baylahad Magaalada taala.
Waraysi uu siiyay Warbaahinta Dawlada Maanta oo Isniin ah, waxa kale oo uu ku sheegay inay Cashuurta bixiyaan oo qudha Dadka masaakiinta ah, balse kuwa Hantida badan haysta aanay waxba bixin.
“Dhulka Galbeedka Hargeysa waxaanu ka wadnaasixid,laakiinseannagu wax dhul ah kama rabno”ayuu sheegay.
Sidoo kale waxa uu sheegay “dadka cashuurta bixiyaa waa dadka danyarta ee aan waxba haysan, laakiinse dadka Hantida badan haystaa,kuwa Fooqyada Dhaadheer leh iyo kuwa Baabuurta wata, ee waddooyinka u baahan, ee Dab-damiska u baahani cashuur ma bixiyaan, markaa waxaan ugu baaqayaa inay dadku cashuurta bixiyaan si aanu wax ugu qabano”ayuu yidhi.
Guddoomiyaha Golaha deegaanka Caasimada Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid , isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu sheegay “annagu Lacag maanu wadan ee waxa naloo soo doortay inaanu cashuurta dadka laga qaado umadda wax ugu qabano, markaa tujaarta waxaan leeyahay waar cashuurta bixiya oo waliba bishaa ramadaan si wax loogu qabto bixiya”.
Waa markii ugu horaysay ee Maayir Soltelco ka hadlo arinta dhulka Galbeedka Hargeysa oo beryahanba muran ka taagnaa, waxaanu ku cel-celiyay inay dhulkaasi wixii ka khaldan saxayaan laakiinse aanay iyagu ka doonayn waxa uu ku tilmaamay “Findhicil”.
Gobanimonews
Hargeysa Office