Hargaysa . (GNA)- Buug laga qorey taariikhdii dhaxal-galka ahayd ee madaxweynahii hore ee Somaliland Marxuum. Maxamed X.Ibraahin Cigaal, ayaa magaalada Hargaysa lagu soo bandhigay.
Buugaasoo loogu Magac daray Dhaxal-galka Gobanimada, uuna qoray Maxamed Faarax Qotti, ayaa lagu soo bandhigay Munaasabad daah fur oo ka qabsoontay hotel Impiral magaalada Hargeysa.
Munaasibadaasi waxa ka soo qayb galay wasiirka wasaradda shaqada iyo arimaha bulshada Md. Maxamuud Axmed Barre (Garaad), xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee Baarrlamanka, ,Madaxweyne ku xigeenkii hore ee somalilannd md. Axmed Yuusuf Yaasiin , murashaxa Jagada Madaxweynaha ee xisbiga UCID Md,. Jamaal Cali Xuseen , Qoraa Boobe Yuusuf Ducaale qaar ka mid ah ardayda jaamacadaha dalka iyo marti sharaf kale.
Wasiirka wasaarada shaqada iyo arimaha Bulshada Md. Maxamuud Axmed Bare ( Garaad) oo ka waramay taarikhdii marxuumka ayaa ku tilmaamay in uu ahaa shaqsiyad lagu yaqaano in aanu runta iyo xaqiiqada ka leexan isla markaana lahaa aragti fog kaas oo tan iyo markii uu siyaasada ku biiray ay ka go,nayd Qaran nimada Somaliland.
Oday Xaaji C/kariim Xuseen (Cabdi Waraabe). oo halkaas ka hadlay ayaa isaguna Mrx; Maxaned Ibraahim Cigaal, ku tilmaamay shaqsi balanka Oofiya hantida dadweynahana aan ku tagri falin, oo Somaliland dhidibada u adkeeyay .
Geesta kalan xaajigu waxa uu xisbiyada mucaaradka ah ee Dalka u jeediyay in ay ka shaqeeyaan nabad galyada iyo xasiloonida dalka kana fogaadaan waxii wax un dhimaya.
Wax kale oo munaasabada daahfurka buuga dhaxalgalka gobonimada oo uu taariikhdii Madaxweyne Cigaal ka qoray Maxamed Faarax Qoti ka hadlay wasiirkii hore ee wasaaradda warfaafinta Md. Boobe Yuusuf Ducaale, oo ka waramay taariikhdii siyaasadeed ee marxuum cigaal iyo wax qabadkiisii.
Waxa iyana munaasibaasi ka hadlay masuuliyiin iyo marti sharaf kale oo ka soo qayb galay Daah furka buugaasi.
Ugu dambeyn Qoraaga Buugan Maxamed Faarax Axmed ayaa halkaasi ku faah faahiyay nuxurka buuga oo uu ku tilmaamay khudbadihii Marxuun Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal fagaarayaasha ka jeedin jiray.
Buugan ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee laga qoray Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, madaxweynihii hore ee Somaliland, isla markaana ahaa Reysal-wasaarihii ugu horeeyay ee somaliya xiligii 1960-kii, waxaana ku duugan hadalo siyaasadeed oo uu yidhi Xiligii siyaasadda ku jiray.
Qoraaga Buugan ayaa si aad ah isugu hawlay sidii uu meel isugu keeni lahaa kelmado iyo Qoraalo marxuumka laga guntay wakhtiyo kala fogaa iyo marxalado la soo maray, kuwaasoo uu badankooda ka soo dheegtay khudbadihiisii intii uu Somaliland madaxweynaha ka ahaa.
Yoonis Jaamac
Gobanimonews
Hargeysa Office