Friday, May 30, 2014

Kulmiye: Xisbigii Sharka!!!Cabdiraxmaan Caddami


Inta inoo muuqatay Kulmiye waxa uu ahaa mid ka mid ah saddexda Xisbi qaran ee Somaliland laakiin wuxuu ka kooban yahay xisbiyo yaryar iyo kooxo kala aragti duwan ama kala ujeedo ah kaliya waxay ku bahoobeen Umbrella-da Kulmiye .




Markii ay mucaaridka ahaayeen heshiis waxay ku ahaayeen hal qodob oo qudha oo ahaa in si kasta oo suurto gal ah loo rido xukuumadii Daahir Rayaale sharci iyo sharci daraba.




Xisbiyada yaryar iyo kooxaha kulmiye inkasta oo aanay wax badan isku wafaqsanayn hadana waxay leeyihiin dabeecado (Charateristics) isku mid ah waana arrimaha isku soo jiiday in ay meel ka wada duulaan, dhamaantood ma aaminsana dimuqraadiyada xataa xisbiga dhexdiisa waa dambi in la soo hadal qaado in lagu tartamo mansabyada qaar ka mid ah.




Kulmiye mucaaridnimada waxa uu u yaqaanaa in maamulka la curyaamiyo iyo in lays hor taago mashruuc kasta oo ay dawladu wadato.




Ma laha iyagu aragti siyaasadeed oo fog ma arkaan warna kama hayaan waxa ka socda caalamka, gobolka iyo siday u saamayn karaan Somaliland iyaga waxa u mudan ama ay isku mashquuliyaan xifaltanka iyo dagaalka gudaha ama dhexdeena.




Xiliyada doorshada Istaraatijiyada kulmiye waxay ahayd in muran iyo khilaaf la abuuro si doorashadu dib uga dhacdo wakhtigi loogu talo galay si xukuumada loogu eedeeyo dadweynahana lagu jiheeyo waxa kaloo ka mid ahaa in la abaabulo mudaharadyo rabshado wata si dad badani ugu dhinto iyaga oo ku khamaaraya nabad-gelyada iyo xasiloonida dalka, waxay si qorshaysan uga sii shaqyan jireen sidii loo boobi lahaa codadka sanaaduuqada doorashada, Kulmiye wuxuu qoran jiray mutadawaciin rag iyo dumarba leh oo loo tababaray sida cododka loo khamkhamo ama loo xado sida khadka oo la masaxo, muraaqibiinta xisbiyada kale oo la laaluusho, shaqaalaha goobaha fogfog oo la cabsi geliyo iyo in muran la geliyo sanaduuqda meelaha ay ku badan yihiin taageerayaasha labada xisbi ee kale .




 




Maalamaha doorashooyinka reer kulmiye waxa caado u ahayd inay buuq iyo goolaftan ka sameeyaan gudaha iyo hareeraha xarunta dhexe ee gudida doorashooyinka qaranka.




 




Hab-dhaqanka kulmiye haddii aan ku tilmaamay xisbigii sharka ma danbibaa iga raaci.




 




Dagaalkii sokeeye wixii ka danbeyay Somaliland dhowr jeer ayay ku sigatay inay ka siibato salanka inta badana waxa u sabab ahaa masuuliyad daradii ragii madaxda ka ahaa kulmiye, muwaadin bal dib u milicso dhacdooyinkii ina soo maray:




 




1. Doorashadii Madaxweynaha ee 2003 isagoo ku xisaabtamay cododkii uu boobay iyo sanaaduuqdii aan cododkooda la tirin (Cancelled) ee Gudida doorashooyinka la marsiiyay waxay iskood ugu dhawaaqeen inay doorashadii heleen, malintaa Somaliland way sigatay




 




2. Saacado ka dib markii Gudidu natiijadii rasmiga ahayd ku dhawaqay in Musharaxii UDUB ku guulaystay kooxihii sharku waxay isku raaceen inay dagaal ka ridaan dalka malintaa Somaliland waxay ku badbaaday diidamadii Gudoomiyihii UmbrelLa-da oo ah madaxweynaha talada maanta haya




 




3.2005 Doorashadii shir-gudoonka Wakiilada cusub Kulmiye oo taageero ka helay UCID wuxuu xoog iyo sifo sharciga baalmarsan ku fadhiistay kuraasidii shir-gudoonka malintaana Somaliland waxay ku badbaaday bisaylkii iyo dulqaadkii xukuumadii Daahir Rayaale .




 




 




4.Dabayaaqadii 2009 iyo horaantii 2010 Somaliland waxay qarka u sarnayd inay burburto maalintaana waxa lagu badbaaday gurmadkii dawlada Itoobiya




 




5. lagama sheekayn karo wixii ka dhacay doorashadii ugu danbaysay ee Golayaasha Deegaanka —Waa Kudkii oo Kabo loo tolay, waaba kuwii oo boobkii dawlad u noqday, malintaana Somaliland waxay ku badbaaday dulqaadkii iyo samirkii Ururadii la tartamayay .




 




Si kastaba ah ahaatee kulmiye waxa ka dhex qarxay khilaafkii ugu cuslaa ee abid soo mara, maxaa se laysku hayaa ama laysku haystaa? Dalku wuxuu leeyahay Distoor, waxa la dajiyay oo jira xeerkii doorashooyinka, Xisbigu wuxuu leeyahay shuruucdiisa gaarka ah, in kasta oo qolo waliba cuskanayso qodobo sharci reer kulmiye ma aaminsana diyaarna uma aha in lagu kala bixi karo sharciga iyo qaynuunka dalka koox waliba waxay doonaysa in damaceeda ku gaadho si jujuub ah qiimo kasta iyaga oo aan waxba xeerin.




 




Lagama yaabo xisbi iyo xukuumadba reer kulmiye inay gartaan miisaanka xilka iyo masuuliyada saaran iyo in masiirkii ummadu gacantooda ku jirto, maba dareensan in haddii khilaafku sii socdo uu samayn ku yeelanayo midnimada bulshada iyo xasiloonida dalka.




 




 Akhriste Xisbiga markii uu ahaa mucaaridka masuul noqon waayay marka uu xukunka qabtana masuul noqon maayo.




Hadaba Somlialnd sharka kulmiye haddii ay dhowr jeer ka badbaaday maantaba ayaa ka badbaadin?

Photonews: Boqolaal Dhalinyaro ah oo Madal ku Taageeray Muuse Biixi


shittttttBoqolaal Dhalinyarada Gobolka Maroodi-jeex ah ayaa kulan balaadhan xalay ku taageeray Musharaxmimada  Muuse Biixi Cabdi, guuddoomiyaha Kulmiye.




Dhalinyaradan ayaa laga dareemayay shucuur dareen fariin diraya xambaarsan.




dhamaantood waxay siteen boodhadhka sawirka Guddoomiyuhu ku xardhanyahay.

Xaaska ku-xigeenkii hore ee amniga Somaliland: Ciidanka RRU-du Rasaasbay nala dhaceen”dhegeyso


Wasiir ku-xigeenkii hore ee amniga Somaliland oo xalay gurigiisa laga qafaashay isaga iyo 3 nin oo Ilaalo u ahaa +Sawirro  naxdin leh + xaaskiisii oo ka warantay sidii loo galalay




Magacyada saddex Nin ee lala xidhay oo midkooda dhaawac lagu qabtay..




Wasiir-Ku-xigeenka-amnigaHargeysa(GNA)-Wasiir ku-xigeenkii hore ee Amniga Somaliland ayaa xabsiga Magaalada Hargeysa loo taxaabay xalay saqdii dhexe, kaddib markii ay Kolanyo ciidanka Bilayska ahi Gurigiisa ku weerareen.




Cabdilaahi Abokor Cismaan, ayaa Bishan horaanteedii xilka laga qaaday, waxaanu ka mid ahaa Garabka Xisbiga kulmiye ee la safan Gudoomiye Muuse Biixi Cabdi.DSC03772




Xadhiga Masuulkan ayaa yimi kaddib iska hor-imaad wakhti socday dhex maray Ciidamada Ammaanka ee soo qabtay iyo Niman hubaysan oo gurigiisa ku ilaalinayay.




Israsaaseynta ayaa sida Gobanimonews u xaqiijiyeen qoyska Masuulka la xidhay waxa dhaawacyo ka soo gaadheen mid ka mid ah Raga ilaalinaya, iyadoo warar kalena ay sheegayaan Askari boolis ahina ku dhaawacmay.




Saleban Cumar Guuleed oo ah Ninka Dhawacu soo gaadhay, Ismaaciil Cumar Aw-cismaan iyo Cabdi Cumar Aw-cismaan ayaa lala qabtay Cabdilaahi Abokor Cismaan.




Bilayska ayaa Rasaas iyo Bombo Faal qurubyadeedu halkaasi yaaleen waxyeelo balaadhan ugu geystay Guriga, iyagoo sida ay qoysku sheegeen meel kasta xabadda ku ridayey guriga gudihiisa.DSC03767 DSC03768  DSC03770 DSC03771   DSC03774   DSC03777 DSC03778




Sidoo kale Caruur yar yar oo Guriga jiiftay ayaa la sheegay inay waxyeelo soo gaadhsiiyeen, kuwaasoo ka ka mid ahaa uun dadkii ay guriga ku galalafeen.xadhiga




Xaaska Cabdilaahi Abokor ayaa Gobanimonews u sheegtay in Odaygeeda loo xidhay eeddeymo uu dhawaan xukuumadda u jeediyay intii Khilaafka Xisbiga kulmiye aloosnaa.




Halkan ka dhegeyso Waraysi Sacdiya Maxamed Cali aanu la yeelanay:[audio mp3="http://www.gobanimonews.com/wp-content/uploads/Guriga-la.mp3"][/audio]




Masuulka hore ee la xidhay ayaa  saddex maalmood ka hor u jeediyey xubno ka mid ah golaha Wasiirrada oo uu ku tilmaamay inay xidhiidh la leeyihiin Ururri xag-jir ah oo doonaya inay xoog kula wareegaan hogaaminta waddanka.




“Golaha Wasiirrada waxa ku jira Koox guntigaab aanu u naqaanay qoladayada amnigu oo sheegta Ururr diimeedyo ilaa afar nooca oo magacyo kala duwan sita, sida al-islaax, Ikwaan, Shabaab iyo kuwo magacyo kale wata”ayuu ka sheegay shir jaraa’id oo uu qabtay Isniintii todobaadka dhamaaday.DSC03775




Waxaanu intaasi ku daray “ cida qaska dalka ka wada ee xisbiga kulmiye Inqilaabaysa maantu waa nimankaas oo doonaya inay qabsadaan siyaasadda dalka”.




Eeddeyntan oo ah tii ugu cuslayd ee ka soo yeedhay Masuul xukuumadda xil ka qabtay oo la eryey, ayaa dareen badan bulshada ka dhex abuurtay, isla markaana hadal heynteedu maalmihii la soo dhaafay socotay.DSC03776




Inkasta oo dadka qaarkii ku dhaliilayeen sheegida xogta xili uu xukuumadda ka baxay, oo ay ahayd inuu iftiimiyo wakhtigii uu xilka hayay, hadana dad badan oo xiisada siyaasaddeed xisbiga kulmiye qayb ka ah ayaa Taageero uu kaga helay dhaleecayntan, taasoo maalmahan sumcadiisa kor u soo qaaday.




Waxaanu dhinaca kale warkiisu badhitaar u noqonayey Dhaliilo mawduucan la xidhiidha oo uu maalin ka hor u soo jeediyay xukuumadda Sheikh Aayatule oo hore wasiirka Diinta uga soo noqday xukuumadihii dalka soo maray.




Jawaabta Xukuumadda




Iyadoo ay doodda ka dhalatay dhaleeceyntiisu sii qoyantahay, ayaa Wasiirka Madaxtooyada ee Xukuumadda Siilaanyo Xirsi Xaaji Cali oo la waydiiyey, aragtida xukuumadda ee eeddan, meesha ka saaray arrintan, waxaanu ku doodday in cidii warkaasi ka soo baxay ay caddeyn doonto.




“Wasiirro Al-shabaab ka tirsani Xukuumadda kuma jiraan, cida warkaa sheegtayna iyadaa caddeyn doonta”.DSC03773




Ilowareedyo madaxbanaan oo la xidhiidha xadhiga wasiirka hore ayaa Gobanimonews u sheegay inuu amray Wasiirka Madaxtooyada oo shalay dalka dib ugu soo laabtay.DSC03769




Gobanimonews




Hargeysa Office




La soco goor dhow sawiro dheeraad ah iyo Muuqaal

ku-xigeenkii hore ee amniga Somaliland iyo Ilaaladiisa oo xoog lagu qabtay +Dhaawac


Hargeysa(GNA)-Wasiir ku-xigeenkii hore ee Amniga Somaliland iyo saddex nin oo kale oo midi ku dhaawac yahay ayaa xalay laga soo qabtay Guri ku yaala xaafadda jig-jiga yare e Magaalada hargeysa.




Cabdilaahi Abokor Cismaan, ayaa Bishan horaanteedii xilka laga qaaday, waxaanu ka mid ahaa Garabka Xisbiga kulmiye ee la safan Gudoomiye Muuse Biixi Cabdi.




Abaarro 2:10 xalay, ayaa Ciidanka RRU-da iyo SPU-da Somaliland ku weerareen Gurigiisa oo ay ku sugnaayeen dhawr Nin oo ilaalo u ahayd, kuwaasoo ah shacab.




Ciidanka ayaa rasaas iyo Sunta dadka kaga ilmaysiisa u isticmaalay guriga uu degenaa oo ay ku noolaayeen xaas iyo afar caruur ah ka ugu weyni sagaal jir yahay, sida ay Gobanimo u xaqiijisay Sacdiya Maxamed Cali oo xaaskiisa ahayd.




Mid ka mid ah raga ilaalada u ahaa ayaa ciidanku ka qabtay isagoo dhaawac ah oo dhiigbayaxa Meel musqul dhexdeeda ah, kaasoo laba xabadood ku dhaceen.




Sacdiya Maxamed Cali ayaa Gobanimonews u sheegtay in Odaygeeda markii la qabtay uu ka badbaaday xabad askartu ku riday.




Dhawaaqa rasaasta lagu ridayey ayaa laga maqlayay darafyada Magaalada, taasoo cabsi ku abuurtay dadka xaafadda degen iyo kuwo ajaanib ah oo degen Hudheelka Maansoor oo dhawr boqol oo Talaabo u jira guriga lagu weeraray.




“Reerkan waxa loo galay si aan hore loo arag oo wax bino-aadam lagu sameeyo ahayn”sidasi waxa Gobanimo u sheegay mid ka mid ah dadkii jaarka la ahaa ee ku sasay xabadda.




Cabdilaahi Abokor Cismaan ayaa ka mid ahaa Garabka Hogaanka Xisbiga khilaafku kala jabiyay ee Kulmiye, dhinacaasoo uu hogaaminayo Muuse Biixi Cabdi.




Ma cadda sababta loo xidhay, hase ahaatee waxa loo aanaynayaa eeddeymo xukuumadda uu u soo jeediyay oo dareen xaasaasi ah dhaliyay, kaddib markii uu xubno ka mid ah Golaha wasiirrada ku eeddeeyay inay ka tirsanyihiin Urur-diimeedyo xag jir ah.

Daawo: Gudida Dhismaha Dawgacad Oo Ka Mahad celiyey Deeq Lacageed Oo ay Soo gaadhsiiyeen Ururka EAD


guddida dawgacad(Hargaysa GNA) – Gudida Dhismaha Jidka Dawgacad ayaa shirjaraid oo ay Ku qabteen Mansoor hotel ee Magaalada Hargaysa waxay kaga mahad celiyeen Deeq lacageed oo ay soo gaadhsiiyeen ururka Horumarinta Bariga Africa ee marka magaciisa la soo gaabiyo loo yaqaan EAD.




Gudomiyaha Gudida Dhismaha Dawgacad Eng.Cabdiqaadir Xaashi Cilmi Oo ugu horayn shirkaasi jaraaid ka hadlay ayaa u mahad celiyey Ururka horumarinta Bariga Africa ee Magaciisa Layidhaa EAD  Oo uu Sheegay in ay xilwayn iska Saareen Dhismaha Jidka Dawgacad,islamarkaana ay aad ugu mahadcelinayaan ururkaasi oo aan ukala hadhin buuyidhi rag iyo dumarba.




Eng.Cabdiqaadir Xaashi Cilmi Oo ka hadlaya Arimahaasi halkan Hoose ka Daawo.