Sunday, June 1, 2014

Qarax kale oo ka dhacay Agagaarka Madaxtooyada Somaliland iyo qof la qabtay


Qarax loo addeegsaday Walax gacan ku samays ah, ayaa ka dhacay goor dhaweyd meel waxyar u jirta Aqalka Madaxtooyada Somaliland.




Qaraxan oo ka sanqadh yaraa kuwo habeenno sii horaysay ka dhacay Magaalada, ayaa waxa uu ka dhacay afaafka hore ee Wasaaradda Caddaalada, waxaana loo qabtay hal qof.




Goob-joogeyaal ayaa Gobanimonews u xaqiijiyay in qofka la qabtay dhaawac ka soo gaadhay wajiga , kaasoo la tuhunsanyahay inuu isagu fuliyay.




dad kale oo aan wali tiraddoodu sugnayn ayaa la sheegay inay dhaawacyo ka soo gaadheen.




"wuxuu ka dhacay laamida dhinaceeda oo u dhaxaysa Wasaaradda Cadaaladda iyo Taliska Asluubta, meel wax yar u jirta Inshaarada Madaxtooyada ee Isgoyska ah"sidaas waxa GNA u sheegay goob-jooge kale.




ma jiro wax war ah oo ka soo baxay laamaha ammaanka dalka, dhacdaduna waxay dhacday goor wakhti yar ka horaysay salaadii Maqrib.




Wariye ka tirsan Gobanimonews oo goobta ka agdhawaa ayaa sheegay inay Ciidamo tiro badan goobta la keenay, isla markaana dad tiro badan isugu soo uruureen.




Qaraxyo hore




Qarax shaani la mid ah kan ayaa habeen afaraad ka dhacay isla goobtan, kaasoo dayrka Wasaaradda Cadaalada waxyeelo gaadhsiiyey.




Ciidanka Ammaanka ayaa dad tiro badan u xidh-xidhay qaraxyada hore oo laba habeen oo isku xigta la fuliyay.




Siilaanyo oo arrimo siyaasaddeed ku xidhiidhiyey




Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo shalay ka hadlay ammaanka dalka ayaa ku hanjabay inay dawladdu gacan bir ah ku qabanayso dadka falalkan ku lug leh.




Madaxweyne Siilaanyo ayaa ku eeddeeyay dad uu sheegay inay hogaaminta dalka doonayaan iyo kuwo Hay’addaha amniga ka tirsan  oo uu aanu magacyo dhabin.




Waran cadde iyo Fadal oo Khilaafka Kulmiye u sibir -saaray




Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Taliyaha Bilayska oo iyaguna ka hadlay qaraxyada noocan ah oo lix sanno ka hor dhawr jeer Magaalada laga qarxiyay, ayaa sheegay inay la bilaabmeen Khilaafka xoogaystay ee Xisbiga Talada haya.




Dadka loo xidh-xidhay tuhunnada qarax shaaniyadan waxa ka mid ah xubno ka mid ah Taageerayaasha garabka Hogaanka Xisbiga talada haya.




Laakiinse Garabka Muuse Biixi ee Xisbigaas ayaa cambaareeyey, wax laga xumaadana ku tilmaamay eeddeymahan iyo xadhiga dad badan oo Khilaafka xisbiga arrimo la xidhiidha loo qabtay habeenadii la soo dhaafay.




Ciidamada ammaanka ayaa habeennadii ugu dambeeyay hawl-gallo dheeraad ah ka sameeyey Magaalada Hargeysa iyo Magaalooyinka kale ee waaweyn




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com




 

Mucaaridka oo dib u qoomammaynaya godobtii siyaasadeed ee ay ka galeen Rayaale.Daawo Video


Maamul xumadda iyo qaybinta siyaasaddeed ee xukuumadda Siilaanyo oo shacbiga dib u xusuusisay Midnimadii Dawladnimo ee Cahdigii  Rayaale..GNA




SiyaasiHargeysa(GNA)-Mucaaridka Somaliland ayaa u muuqda kuwo dib u qoomamaynaya godobtii siyaasaddeed ee ay ka galeen Madaxweynihii hore ee xukunka kaga  degay sida Dimuquraadiga  afar sanno ka hor, Daahir Rayaale Kaahin.




Tani waxay imanaysaa, xili duruuf siyaasaddeed oo xaasaasi ah dalka ka aloosantahay, taasoo saamaysay bulshada iyo dhinacyada Siyaasadda oo dhan.




Madaxweynihii hore ee Daahir Rayaale ayaa haatan ku sugan dalka Isutaga imaaraadka Carabta, waxaanu degenyahay dalka Faransiiska oo uu Qoyskiisa u raray, tan iyo markii uu xukunka ka degay bishii Jully ee sanadkii 2010-ka, xiligaasoo lagaga guulaystay doorashadii madaxtinimada ee dhacday 26 June.




Hogaanka Sare ee xisbiga UCID oo uu hogaaminayo Guddoomiyaha Xisbigaasi Faysal Cali Waraabe,ayaa kula kulmay Daahir Rayaale Magaalada Abu dabai, halkaasoo uu hada ku suganyahay.




Daahir oo tan iyo markii xilka ka degay, xisbigiisii UDUB-na bur-buray faraha kala baxay siyaasadda Somaliland ee gudaha, ayaa sawirro laga qaaday kulanka dhex maray hogaanka UCID, waxay muujinayaan Mucaaridka oo dib u qoomamaynaya godobihii ay ka galeen hogaamiyahan waddanka nabadda iyo midnimada ku hogaaminayey siddeeda sanadood, iyagoo ka walaacsan mushkiladaha laga dhaxlay hogaaminta Madaxweynihii bedelay oo afar sanadood talada haya.




Xubnaha Xisbiga UCID ee la kulmay Daahir Rayaale waxa ka mid ah Musharax Madaxweynaha ee xisbigaas Jamaal Cali Xuseen oo ay  isaga iyo Daahir Rayaale Axankii ugu dambeeyey ee Xisbigii uu Aasaasay Rug-caddaadigii Geeriyooday Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal dhawr iyo toban sano ka hor.




Bur-burka UDUB ayaa waxa laga saarayaa labadan siyaasi iyo kuwo kale oo uu ka mid yahay Wasiirka Arrimaha Gudaha ee xukuumadda Siilaanyo oo ay Jamaal Cali Xuseen isku qabsadeen Musharaxa Madaxweynaha ee Xisbigaas, si la mid ah xaalada maanta xisbiga kulmiye kala qaybisay.




Laakiinse waxaasoo dhan marka laga yimaaddo sawirrada ka muuqda kulamada dhex maray xisbiga UCID hogaankiisa iyo Rayaale, waxay iftiiminayaan in Faysal Cali Waraabe iyo Jamaalba yiqiinsadeen Maamul wanaaga Madaxweynahan xukuumadiisii lagu eeddeyn jiray Musuqmaasuqa iyo Maamul xumada.




Taasoo marka la bar bar dhigo ka Maamul wanaagsanayd, kana siyaasad hufnayd, nidaamka Maanta dalka ka taliya ee uu madaxda ka yahay Madaxweyne Siilaanyo oo lagu dhaliilayo kala qaybin iyo Maamul xumo isbarkan, taasoo ku sii siqaysa inay dalka khatar geliso.




Bulshada lafteeda ayaa saddexdii sanaddood ee ugu dambeeyay si joogto ah u luminaysay Kalsoonidii ay ku doorteen Madaxweyne Siilaanyo iyo  hogaaminta xukuumadda Kulmiye, taasoo si kedis ah Bulshada u ilowsiisay Kacdoonkii loogu coddeeyay iyo Jibadii Guusha, kaddib markii ay ku talaabsatay waxyaabo aan laga filayn oo ay qabyaalada iyo Musuqmaasuqu ka mid yihiin.




Waxaana xaqiiqo ah inay tani tahay waaqic jira oo gudaha dalka ka taagan marka hoos loogu daadego, loona dhabo galo,  dareenka shacbiga qabo, dooddaha siyaasiyiinta iyo Fagaareyaasha ay kaga faalooddaan falanqeeyayaashu.




Hees ka turjumaysa Dareenka Maanta ee Mucaaridka 2-aad ee Somaliland




Muuqaalkan hoos idiinka muuqan doonaa waa hees ay ku luuqaynayso Fanaannada Caddey Cali  oo ka tirsanaan jirtay Kooxdii Waxbarashada Ee Hobolladii IFTIN, taasoo ay warbaahintu ku lifaaqday Sawirrada Daahir Rayaale, Faysal Cali Waraabe iyo Jamaal Cali Xuseen.








Saleban Cabdi Cali




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: curad1986@gobanimonews.com

GUDIDA DIWAAN-GALINTA IYO ANSIXINTA ASXAABTU MA HAYSTAAN AWOODA XALINTA KHILAAFAADKA XUSBIYADA QARANKA


Masuuliyiinta Qaranka ee Dastuurku waajibiyay in la ansixiyo, si ku-meel gaadh ah xilka uma hayn karaan muddo ka badan saddex bilood




Qalinkii:- Garyaqaan Muuse Yuusuf Maxamed Hargeysa




 




 




Wixii ka danbeeyay Doorashooyinkii Golayaasha Deeganka Somaliland ee rubuc dhamaadkii sanadkii 2012 Waxaa Xisbiyada somaliland qaarkood La soo darsay xiligan khilaafyo ka dhexeeya kooxo iyo shaqsiyaad xil xusbiga u haya ama xil qaran ku haya magaca xisbiga, Sida Xubno ka mid ah golaha deeganka oo ka mid ah xisbiga Ucid oo Taageeradoodu ku biiriyay xisbiga kulmiye, Iyo Khilaafka La isku mari waayay ee la soo darsay xisbul xaakimka Kulmiye ee labada garab ka dhigay xusbigaan.




Hadaba  Arimahan oo u Baahan In Lagu xaliyo ama Lagu saxo Xeerka U yaala oo ah { Xeerka Nidaamka Ururrada iyo Axsaabta Siyaasadda X.LR 14/ 2000-2011}




 




Kani Waa Qodobka Sida Xooga ah ay ugu Muujisan Tahay Kala Xiliga Iyo Cida Ay Hoos Tagayso Xilka Adeegsiga Anshax Marinta Xusbiyada Qaran. 




 




Qodobka 25aad: Tayaynta iyo habaynta xisbiyada Qaranka




1. Xisbiyada Qaranka ee Doorashada ku guulaystaa waa in ay ku dhaqmaan maa-mul wanaag iyo dimuquraaduayad dhexdooda ah, waana in awooda loo siman yahay. Talada xisbigana waa in mar kasta lagu go’aan qaataa qaabka uu dhigaayo xeer hoosaadka.




2. Shirweynaha Xisbi Qaran waxaa la qabanayaa 5 (shantii sano) hal mar waxaana la baahinayaa lixdan (60) maalmood ka hor.




3. Shirka xisbi ee golaha dhexe waxaa la qabanayaa halkii sanaba mar waxana la baahinayaa 30 casho ka hor.




4. Shir waynaha xisbiga waxa lagu soo dooranaya.




b. Xubnaha hogaanka xisbiga iyo guddida fulinta




t. Xubnaha Golaha dhexe ee xisbiga




j. Waxaa lagu ansixinayaa barnaamijka iyo xeer-hoosaadka xisbiga.




5. Liiska xubnaha golaha fulinta iyo golaha dhexe ee xisbi iyo nuqul xeer-hoosaadkooda ah waxaa loo gudbinayaa xeer-ilaalinta, komishanka doorashooyinka qaranka iyo gudida diwaan gelinta mudo aan ka badnayn 30 maalmood shirwaynaha ka kib.




6. Hogaanka xisbiga, Guddida fulinta iyo xubin golaha dhexe waxaa xilka qaadistooda soo jeedin kara.




b) 1/3 xubnaha golaha dhexe ee xisbiga.




t) Gudoomiyaha xisbiga.




j) Is-casilaad.




Waxaana cod kala-badh iyo hal ku ansixinaya xubnaha golaha dhexe ee xisbiga.




7. Gudidda diwaangelinta Ururada Siyaasada iyo Ansixinta Xisbiyada Qaranka ayaa xisbiyada dhexdooda ku ilaalinaya Dimuqraadiyada, iyagoo war bixintooda u soo gudbinaya Golaha Wakiiladda marka loo baahdo.




 




8. Marka mudo xileedka Gudidda diwaangelinta Ururada Siyaasada iyo Ansixinta Xisbiyada Qaranka uu dhamaado waxaa shaqadooda la wareegaya komishanka doorashooyinka qaranka.




 




 




 




Xeerkani wuxuu awoodaas anshax marinta u siiyay laba hay'adood oo kala ah *Gudida Diwaan Galinta Ururada Iyo Asxaabta Siyaasad Iyo




*Komiishanka Doorashooyinka Qaranka




oo mid waliba ay xili go'an yeelanayso qabashada hawshan sida ku cad xeerkan gudihiisa Xeer No:14




 Halkaas Markaynu Marayno Waxaynu Eegayna Maanta Labadan Hay'adood Midkee Ay U Sugnaatay  Awooda  Anshax Marinta Asxaabtu?




XEER NO:14/ Qodobka 3aad: Faqrada 6aad.




Guddidu waxay xilka haynayaan muddo (2) labo sano ah oo ka bilaabanta maalinta ay Maxakamada sare xilka u dhaariso.
Madaxweynuhuna waa u cusboonaysiin karaa hadii loo baahdo, iyada oo muddo kordhintaasi cusub laga ansixin doono Gollaha Wakiilada.




*Waxa La Dhaariyay Xubnaha Gudida Diwaan Galinta 04-Oct-2011 Taas Oo Ka Dhigan Marka Xeerkan lagu sar-jaro In Mudo xileedkoodii Ku Eega 04-Oc-2013,




Muddo Dhaafkan ay ku shaqaynayaan Gudidani waxa uu ku ekaanayay Marka looraaco Dastuurka




DASTUURKA QODOBKA 114aad FAQRADIISA 3aad.




"Masuuliyiinta Qaranka ee Dastuurku waajibiyay in la ansixiyo, si ku-meel gaadh ah xilka uma hayn karaan muddo ka badan saddex bilood."




Waxa aynu halkaasi ka aragnaa in ay mudo xileedkii gudidan diwaan galintu ku ekayd  04/01/2014, Maadama oo aanay helin ogolaanshaha Golaha Wakiilada ee Xalaalayn lahaa Dalabkii Muddo Kordhinta ee uu U Sameeyay Madaxweynuhu, ee sumadiisa iyo taariikhdiisu ahayd




Xeer M/weyne  sumadiisu ahayd JSL/M/XERM/249-2108/102013, Ku Taariikhaysanaa14 Oct 2013.




{Waxaan go’aansaday In Guddida Diiwaangelinta Ururada iyo Ansixinta Asxaabta Qaranka u cusboonaysiiyo muddo xilleed dambe oo ah laba sannadood oo ka




 




Hada Waxa Inoo Muuqata Inay Xiligan aynu ku jirno ay tahay xiligii ay Komiishanka Doorashooyinku Lahaayeen Awooda Anshax Marinta Asxaabta Siyaasada,




Waxa Mudadaas Intii Intii Ka Danbeysay Soo Baxay Isqabsiyo Dhax Yaala Xusbiyada qaar ka mid ah oo u baahan in ay helaan Cidii kala saari lahayd




Waxaan ku soo uruurinayaa qoraalkan nuxurkiisa, Inaanay haba yaraate haysanin wax kalsooni ah iyo mudo xileed ay ku shaqayn karaan ama ay cid ku sixi karaan Gudida diwaan galinta iyo ansixinta asxaabta oo ay mudadoodi dhamaatay, Inay Shaqeeyaan Waxaa ay Meel ka dhac iyo Gaf ku tahay Dastuurka iyo xeerarka dalka.




Ugu Danbayn waxaan Xasuusinayaa Waaxyaha Iyo Golayaasha Qaranka ee Ay Khusaysaa Inay Cadeeyaan Xeerka U Xalaalaynaaya Inay Shaqeeyan Gudida Diwaan galintu.




Sidoo kale waxaan Komiishanka doorashooyinka Qaranka ugu baaqayaa inay Dhax galaan Khilaafka Xusbiyada Qaranka iyagoo Gudanaaya Waajibaadkooda Qaran  Raacayana {Qodoka 25aad Faqradiisa 8aad Xeerka Nidaamka Ururrada iyo Axsaabta Siyaasadda X.LR 14/ 2000-2011}, oo udhigan Sidan;




"Marka mudo xileedka Gudidda diwaangelinta Ururada Siyaasada iyo Ansixinta Xisbiyada Qaranka uu dhamaado waxaa shaqadooda la wareegaya komishanka doorashooyinka qaranka".




 




Si loogu helo maare iyo furdaamin khilaafyada soo noqnoqday ee Abuuray Xasilooni darada taagan oo wax kabadal




Guul iyo Gobonimo

Dadka Pakistan ka dhoofaya oo Shuruud Caafimaad lagu xidhay Safarkooda


Dadka ka dhoofaya dalka  Pakistan ayaa lagu xidhay Shuruud caafimaad oo ah Talaalka cudurka dabaysha (Polio), waxaana qof kasta oo dalkaa ka baxaya laga rabaa inuu wato Shahaado tilmaamaysa in laga talaalay cudurkan.




Shuruudan ayaa bilaabmaysa laga bilaabo Maanta oo Axad ah.




Amarkan ayaa dhaqan galay kaddib  markii ay Hay’addaha Caafimaadka Adduunka ee WHO  ku talisay sidan.




Xukuumadda Pakistan ayaa sheegtay inay Hal Milyan oo Shahaado qaybinayso todobaadkan.




67 Kiis oo cudurka Polio ah ayaa la helay sanadkan, marka la eego warbixin ay soo saartay Qaramada midoobay, tiradaasoo 8 ka  mid ah laga helay Pakistan.




Ururka Daaliban ee ka dagaalama gobollo ka mid ah dalkaasi ayaa carqaladeeyey hawlaha talaalka, kaddib markii ay dileen Lixdan ka mid ah Shaqaalaha Talaalka.




Cudurka dabaysha ayaa ka mid ah Xanuunnada dadku isu gudbiyaan ee isaga talaabo qaarad ka qaarad.




 

Maayarka Magaalada Borama Oo kulan balaadhan la qaatay Jaaliya Reer Awdal e Ku Nool Sweden Gaar Ahaan Magalada Stockholm


Stockholm(GNA).Maayirka magaalada borama Md:Saleebaan xasan xadi oo maalmihii ugu danbeeyay ku sugnaa Sweden kana mid ahaa wafti maayiro iyo xogahayaal ka kooban ayaa waxa uu kulan balaadhan la qaatay jaaliya reer awdal ee ku nool Sweden gaar ahaan magaalada stockholm.




http://youtu.be/y-CCy9hYJ0o




Xafiiska wararka ee Gobanimo news




Sockholm