Friday, August 1, 2014

Muqdisho: Maxaa fashiliyay weerarradii Alshabaab ee todobaadkan?warbixin


Booliska  oo 67 qof  oo Al-shabaab looga shakiyay gacanta lagu dhigay iyo Xukuumadda oo Guulo ka sheegatay Hawl-galo dhacay todobaadkii Naxdinta soomaaliya..maxase isbedelay. Warbixin




[caption id="attachment_92097" align="alignleft" width="300"]Golaha wasiirada Golaha wasiirada[/caption]Mogadishu, July 31, 2014—(GNA)-inkasta oo ay ahayd todobaadkii ugu naxdinta badnayd Bulshada Soomaalida, kaddib markii toogasho lagu dilay Duhur cad horaantii usbuucii hore Xildhibaan Saado Cali Warsame oo ahayd ka sekow xildhibaan Fannaanada caan ka ah Geyiga Soomalida dunida kale qaybo ka mid ah, hadana xukuumadda Soomaaliya waxay sheegtay in guullo laga gaadhay hawl-galo dhacay oo muqdisho laga fuliyay.




Dawladda ayaa sheegtay in 67 qof oo laga shakiyay gacanta lagu soo dhigay, kuwaasoo 13 ka mid ahi qirteen inay alshabaab ka tirsanyihiin, halka kuwa kalena gacanta lagu hayo, sida uu galabta sheegay Wasiirka amniga qaranka oo ka hadlayay Shirka khamiislaha ah ee Golaha Wasiirrada soomaliya.[caption id="attachment_92095" align="alignleft" width="300"]shirka Golaha wasiirrada oo warbixin ka dhegestay shirka Golaha wasiirrada oo warbixin ka dhegestay[/caption] 




Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa galabta isugu yimid kulankoodii caadiga ahaa, waxaana shir Guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed, iyadoo kulanka warbixin ku saabsan xaaladda ammaan ee dalka looga dhageystay Wasiirka Amniga Qaranka iyo Taliyayaasha Ciidamadda Xogga dalka, Booliska iyo Nabad Sugidda.




Golaha Wasiirrada ayaa ugu horreyntii waxay warbixin ku aadan Ammaanka ka dhageysteen Wasiirka Amniga Qaranka MKhaliif Axmed Ereg.




 “Howlgalo ay sameeyeen ciidamadda amniga oo kaashanaya shacabka Soomaaliyeed waxaa lagu soo qabtay 67 ruux oo la tuhmay, 13 kamid ah waa qirteen inay Shabaab ka tirsan yihiin, kuwa kalana weli baaritaan ayaa ku socda, sidoo kale waxaa la fashiliyay shabakaddo ka tirsan Shabaab oo ka dhisnaa degmooyin kamid ah Muqdisho, waxaa la dilay Saddex kuwa kalana gacanta ayaa lagu soo dhigay, waxaa laga hortagay qaraxyo la doonayay in lagu bartilmaameed sado xarumo muhiim ah” ayuu yiri Wasiirka Amniga Qaranka Somalia.




Shirka Golaha Wasiirrada ayaa todobaadkan waxa kale oo warbixin looga dhegeystay saraakiisha Ciidamada kala duwan ee xoogga dalka, sida Bilayska iyo nabad-sugida, oo xilalka haku cusboonaadeene la kowsaday weerraro hor leh oo halis badan.




Ra’iisu wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa boggaadiyay dadaalka ay sameeyeen ciidamadda ammaanku, waxaana uu sheegay in qorshaha ammaanka wax looga qabanayo uu yahay mid ay ka wada qayb qaadanayaan Ciidamada iyo daweynaha Soomaaliyeed si looga hor tago khatarta ay la imaan karaan kooxaha nabad diidka ah.[caption id="attachment_92096" align="alignleft" width="300"]reysal-wasaare sheikh oo qoslay reysal-wasaare sheikh oo qoslay[/caption]




 “Xukuumadda waxay xoogga saaraysaa in dalka laga xoreeyo cadowga isla markaana la sugo ammaanka, howlgaladii u dambeeyay ee Ciidamaddu Amnigu ka sameeyeen Muqdisho waxaa looga guuleystay burburinta goobo cadowgu iska soo abaabuli jiray. Tanani waxay marqaati u tahay gacanta aan ka helnay Shacabkeena Soomaaliyeed” ayuu yiri R.W Abdiweli Sh. Axmed.




Afhayeenka Xukuumadda Ridwaan Xaaji Cabdiweli oo kulanka kaddib Saxaafadda la hadlay ayaa sheegay kulanka in warbixino looga dhageystay Taliyayaasha Ciidamadda Xogga dalka, Booliska iyo Nabad sugidda.




“Waxaa laga hadlay tallaabooyinka xiliga ay ku howlantahay dowladda, waxaana warbixino laga dhageystay Taliyayaasha Ciidamadda Xogga Dalka, Booliska iyo Nabad Sugidda waxayna soo bandhigeen qaabka wax looga qaban karo amniga dalka iyo tayaynta Ciidamadda”




Ridwaan ayaa sheegay in dib-u-habayn lagu samayn doono ciidamadda Nabad Sugida si kor loogu qaado sugidda amniga iyo tayada Ciidanka, sidoo kalana Taliyaha Ciidanka Booliska ayaa tilmaamay in dhawaan ay ka filiyaan UN-ka tababar inay u furaan ciidamo ka tirsan Booliska.




Dood dheer ka dib waxaa la isku raacay in la adkeeyo amniga bacdamaa kooxda Al-Shabaab jab weyn loo geystay, lagana fili karo in ay fuliyaan falal argagax iyo dhib joogta ah u keeni kara shacabka Soomaaliyeed.




Ammaanka Muqdisho usbuucyo kaddib




Magaaladda Muqdisho oo Bishii Ramadaan ay ka dhacayeen qaraxyo, Weerraro joogto ah oo askarta dawladda iyo saraakiisha kale ee xilalka haya lagu beegsanayay, ayaa dhowrkii maalmood ee ugu dambeeyay waxaad moodaa in wax iska bedeleen amaankeedda.




Waxa yaraaday qaraxyadii laga fulin jiray goobaha dawladda iyo rayidku ku badanyihiin.




Dilkii Xildhibaan Saado Cali Warsame oo ay sheegatay Kooxda Alshabaab ayaa u dambeeyay weerar naxdin iyo anfariir keenay oo Magaalada ka dhaca.




Maalintii Ciida waxa la fashiliyey Weerar la doonayay in laga fuliyo Xeebta Liddo oo ay dad badan dalxiis u joogeen, halkaasoo ay dadku farxadii ciida isugu tageen.




Tani waxay imanaysaa xilli ay wakhti kooban xilalka hayeen taliyeyaasha Nabad-sugida, Booliska iyo Wasiirka amniga qaranku oo dhamaantood xilalka loo magacaabay bishan gudaheeda.




Isweydiinta taagan ayaa ah ma alshabaab ayaa laga adkaaday oo fursad weyday, mise waxa eeganayaan istaraatijiyadda cusub ee Masuuliyiinta cusubi wataan oo ay doonayaan in marka ay naqshaddooda helaan ay bartilmaameedsadaan meelaha ay weerrarada  u qorsheeyeen.




Labadan arrimoodba waa kuwo taagan Magaalada Muqdisho oo ay dareennada ka guuxaya Bulshadu u badanyihiin, waxaana muuqata in wali dhaqdhaqaaqa Alshabaab awood badan ku leeyihiin Magaalada Muqdisho iyo gobollada kale ee Soomaaliya.




Gobanimonews




Muqdisho Office




Email: editor@gobanimonews.com