Weerar yahanka xulka qaranka Sweden iyo kooxda PSG Zlatan Ibrahimovic ayaa kooxdiisa PSG markale guul ku hogaamiyay kadib markii uu laba gool oo daran doori ah u dhaliyay kulanka Finalka ee Super Cu-pka oo shallay ay ka qaaday kooxda Guingamp.
Kulankan ayaa ahaa mid dhinac kaliya kubbadu ka socotay iyadoo PSG ku gacan saraysay. Ibra ayaa goolka kowaad kooxdiisa u dhaliyay daqiiqadii 9 aad ee qaybtii hore ee ciyaarta, halka uu goolka labaad ka sii raacsaday daqiiqadii 20 aad ee isla qaybtii hore ee ciyaarta.
Guingamp ayaa ciyaarta dib ugu soo noqon gaadhay daqiiqadii 32aad, iyadoo loo dhigay rigoodhe balse nasiib daro Mustapha Yatabare ayaa kooxdiisa fursadaa ka khasaariyay.
PSG ayaa hadda u jeedsanaysa inay ka fikirto horyaalka France ee Liga 1 ka. Guingamp ayay xaaladu ku sii adkaatay ka dib markii Julien Cardy oo dhexda uga ciyaara uu dhaawac soo gaadhay.
Edison Cavani oo ciyaarta badal ku soo galay ayaa u dhawaaday inuu ciyaarta ka dhigo 3:0 balse taas may dhicin oo kulanka ayaa ku dhamaaday 2:0 ay PSG ku hanatay Super Cup-ka.