Hargeysa(GNA)-Guddida qabanqaabada Shirweynaha 5-aad ee Ururka Solja ayaa lagu dhawaaqay maanta oo Khamiis ah, sida laga soo saaray kulan ay isugu yimaadeen Guddida falinta ee Ururkaasi.
Shirweynaha ayaa lagu dooran doonaa hogaan iyo Guddifulineed oo ururkaasi yeesho oo saddexdii sanoba mar la doorto sida uu dhigayo xeerka Ururku.
Kulanka Guddida fulinta ee Wakhtigoodu dhamaaday ayaa qoraal lagu shaaciyay Magacyada Guddida qaban qaabada iyo waajibaadkooda shaqo laga soo saaray, kaasoo u dhignaa sidan:
KU: Dhammaan xubnaha ururka SOLJA
OG: Gudoomiyaha SOLJA
OG: Guddoomiye ku-xigeenka SOLJA
OG: Xoghayaha guud ee SOLJA
UJ: Guddida Qabad qaabada Shirweynaha shanaad ee SOLJA (preparatory committee of SOLJA General Assembly)
Mudanayaal, Marwoyin,
Gudiga fulinta ee ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA iyagga oo tixraacaya qodobka lixaad ee dastuurka Solja faqradda (b) oo sheegaya in shirweynaha ururku qabsoomo sadexdii sanaba hal mar, islamarkaana fullinaya Qodobka Lixaad faqradihiisa C iyo Q oo ku waajibiyay hawshan. Waxaa ay shir ay maanta 30/7/2014 ku yeesheen xafiiska guud ee ururka SOLJA Hargeysa ku magacaabeen kuna ansixiyeen cod gacantaag ah guddida qabanqaabada shirweynaha 5aad oo ka kooban shan xubnood.
Magacyada Guddida:
1. Maxamed Ahmed Jamaca (Caloolay) SOLJA
2. Maxamed Aw Adan Cabdi – Freelance
3. Maxamed Siciid C/laahi -SOLJA
4. Maxamed Xusen Jamac Geeska Afrika
5. Ahmed Xussen Warsame SLNTV
Waxaanu ka rajaynayaa xubnaha guddida qaban-qaabada ee kor ku xusani, in ay ugadan doonaan hawshan sida uu waajibiyay distoorka ururka SOLJA, si aynu hore ugu sii socono qabsoomidda shirweynaha oo wakhtigiisii joogo.
Waxa halkan ku lifaaqan hawl-maalmeedka guddida qabanqaabada shirweynaha.
Hawl-maalmeedka Guddida Qaban-qaabada shirweyaha 5aad ee SOLJA
1. Guddida qaban-qaabadu waxay mas’uul ka tahay dhammaan hawlaha la xidhiidha qabsoomidda, iyo Habsami u socodka shirweynaha
2. Masuuliyada hagida shirweynaha intaan la dooran shir-guddoon
3. In ay fidiyaan martiqaadka ergooyinka rasmiga ah iyo goob-joogayaasha shirka
4. In ay magacaabaan SHARCI YAQAAN soo naaqisha iyo talo bixina ka keeno dastuurka ururka SOLJA, Shirweynaha ka Hor
Cayimaada Shirweyneha Ururka SOLJA ayaa meesha ka saaraysa hogaankii hore ee ururka oo wakhtigiisu dhamaaday, kaasoo mudadii uu soo shaqaynayay kaddib wixii hada ka dambeeya ka mid noqon doona u tartameyaasha hogaanka cusub iyo ergooyinka shirweynaha.
Ururka SOLJA ayaa saddexdii sanaddood ee ugu dambeeyay waxa uu waajahayay caqabaddo badan oo ka dhan ah Suxufiyiinta Madaxabanaan, kuwaasoo xadhig, tacadiyo iyo cabudhin dawladda kaga imanaysay oo aad u badan la kulmayay.
Waxaana saddexdii sannadood ee ugu dambeeyay dawladdu xidhay suxufiyiintii ugu badnaa ee Somaliland lagu xidho, iyadoo sanadkana tiraba laba wargeyska albaabada loo laabay.
Ururka ayaa si uu wax ka qabashada dhibaatooyinkaasi u waajaho isedel hor leh iyo hogaan cusub u baahan, maadaama madaxdii hore wakhtigu ka dhamaaday.
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: editor@gobanimonews.com