Friday, August 1, 2014

Geddo: muxuu Xasan Sheikh ku soo arkay Garbahaaray maanta?Warbixin+sawiro


Garbahaaray siyaad bare kaddib Madaxweyne Soomaaliyeed muu tegin




xasan Sheikh oo baaq ka soo saaray xaaladda bina-adanimo ee ka taagan gobolka gedo + sawiro




[caption id="attachment_92081" align="alignleft" width="247"]xasan3 Xasan oo xero ciidan jooga[/caption]Muqdisho, 31 July 2014-(GNA)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud,  maanta booqday degmada Garbahaarreey ee Gobolka Geddo.




Xasan Sheikh Maxamuud  ayaa sheegay in xaalad nolol xumo ay soo wajahday dadka gobolkaasi ku dhaqan, isla markaana ugu baaqay Umadda Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamku in ay gargaar beni’adamnimo la soo gaaraan dadkaasi.




Degmooyin badan oo ka  mid ah Gobolka Gedo ayaa bishii June looga qaxay Abaar iyo biyo yaraan soo waajahday, taasoo sababtay inay boqolaal qoys ka baro-kacaan dhulkii ay ku noolaayeen.




Madaxweynaha oo ay socdaalkiisa ku weheliyeen xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka, ayaa socdaal maalin ah oo uu ugu kuur galayo xaaladda bino-aadanimo ee gobolka Gedo wuxuu ku tegey magaalada xarunta ah ee Garbahaarreey, ka hor intii aanuu Muqdisho ku soo laaban galabta.




Madaxweynaha oo si weyn loogu soo dhaweeyey Garbahaarreey wuxuu kulamo la qaatay maamulka degmada, saraakiisha ciidamada, odayaal dhaqameedka, haweenka, dhallinyarada iyo dhammaan bulshada qeybaheeda kala duwan.[caption id="attachment_92081" align="alignleft" width="247"]xasan Xasan oo xero ciidan jooga[/caption]




Xasan sheikh ayaa socod ku soo maray qeybo magaalada ka mid ah, isagoo dhinaca kalena soo kormeeray xero ay ku jiraan askar kun kor u dhaafaysa oo ka tirsan ciidamadda xoogga Dalka Soomaaliyeed oo halkaasi fadhigoodu yahay.




Madaxweynaha ayaa  ku ammaanay sida ay uga adkaadeen kooxaha nabadda ka soo horjeeda iyo sida ammaanka gobolka ay uga shaqeynayaan ciidankaasi.




Xasan Sheikh ayaa ugu baaqay guud ahaan umadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan in ay u gargaaraan walaalahood abaartu ay la soo deristay.




 Sidoo kale waxa uu  Hey’adaha samafalka caalamiga ah iyo kuwa maxalliga ahba ugu baaqay inay gargaar soo gaarsiiyaan dadkaasi oo ay roob la’aantu saameysay, isagoo tilmaamay in  si kasta oo ay ku soo gaarsiin karaan, gurmad deegaamada Gobolka geddo u baahanyahay.




Xasan Sheikh ayaa noqonaya Madaxweynihii labaad ee booqda Degmada Garbo-haaray tan iyo dawladdii Milteriga ahayd ee Somalia.




Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa isla galabta ku soo laabtay Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya, halkaasoo uu saaka ka ambo baxay.




Deegaan Colaaddo ragaadiyeen




Gobolka Geddo ayaa abaaraha ka sekow, waxa Bilihii la soo dhaafay ka dhacay Dagaallo ehli ah iyo kuwo siyaasaddeed oo u dhexeeyay Maamulo isku hayay gacan ku haynta degmooyin gobolka hoos yimaada.




Colaadahaasi ayaa dhawaan xal nabaddeed laga gaaray inkasta oo ay khasaare badan isu geysteen dhinacyada ay u dhexeeyeen.




Inkasta oo warka dawladdu ka soo saartay booqashada Madaxweynaha ee geddo aad u koobanyahay oo aanu lahayn ujeedo cayiman oo uu salka ku hayay, hadana fasilaada laga bixiyey Booqashadaasi waxay badantahay inay la xidhiidho.




Halkan ka Daawo Sawiro [caption id="attachment_92081" align="alignleft" width="247"]xasan2 Xasan oo xero ciidan jooga[/caption]  [caption id="attachment_92081" align="alignleft" width="247"]xasan4 Xasan oo xero ciidan jooga[/caption] [caption id="attachment_92081" align="alignleft" width="247"]Xasan oo xero ciidan jooga Xasan oo xero ciidan jooga[/caption] [caption id="attachment_92081" align="alignleft" width="247"]xasan6 Xasan oo xero ciidan jooga[/caption] [caption id="attachment_92083" align="alignleft" width="237"]madaxweynaha oo la kulmay odayaal madaxweynaha oo la kulmay odayaal[/caption] [caption id="attachment_92084" align="alignleft" width="300"]xasan sheikh oo walaac ka muujiyay xaalad nololeed xasan sheikh oo walaac ka muujiyay xaalad nololeed [/caption]




Gobanimonews




Muqdisho Office




Email: editor@gobanimonews.com