Hoos ka daawo Waraysi lala yeeshay Mulkilaha RAMAD Business center oo ku yaalla Xaafada jig-jiga yar
[caption id="attachment_92105" align="alignleft" width="300"] Mulkilaha xarunta RAMAD [/caption] Mid ka mida Dukaamada casriga ah ee laga furay magaalada hargeysa ayaa waxa lagu iibiyaa Baddeecadaha kala duwan ee Daruuriga ah, sida macmacaanka kala duwan ee Sharaabka, Khudaarta iyo cuntooyinka fudud ee qalalan oo ay buskut iyo Cack-gu ka mid yihiin.[caption id="attachment_92105" align="alignleft" width="300"] Mulkilaha xarunta RAMAD [/caption]
Xamse Cabdilaahi Xuseen ayaa dhawaan Xaafadda Jig-jiga yar isgoyska Laamiga Xero-awr iyo ka jig-jiga yar isugu yimaadaan ka furay Goob ganacsi oo isugu jirta, Dukaamo casri ah, sida Shoping center, qaybta Macmacaanka iyo qayb kale oo dhawaan lagu kordhiyay oo ah Makhaayad Shaaha, sharaabka iyo Cuntooyinka fudud lagu iibiyo, ay dheer tahay Hoolal nasasho oo gaar ah iyo qayb madaddaalada dhalinyarada loogu talo-galay oo lagu ciyaaro Kubadda Ciyaaraha Gacanta lagu maamulo ama (play stations-ka).
Xarunta ganacsi ee fikirka casriga ah lagu aasaasay ayaa magaceeda la yidhaahdaa RAMAD Restaurant, cafeteria and Shopping centre, taasoo muuq ahaan iyo mushtari ahaanba ka duwan inta badan goobaha nooceeda ah ee ku yaalla Magaalada hargeysa.
Ninka goobtan Ganacsi furtay oo aad u da’yar ayaa sheegay in ujeedada uu meheradaha u furay ugu weyntahay laba arrimood oo da’diisu aanay hore uga fikirin. “ Meheradahan waxaan u furnay inaanu marka hore waddanka maal-gashano oo aanu wax soo saar ka samaynayo iyo inaanu keeno wax cusub oo casri ah maadaama aanu dhalinyaro nahay inaanu keeno wax dalkii ku cusub.”ayuu yidhi xamse Cabdilaahi Blacki oo uu dhalay Xildhibaan ka tirsan Golaha Wakiillada Somaliland.
Dhalinyarada fikradaha cusub ee shaqo la soo kacaya ee dalkooda aaminsan ayaa beryahan dambe ku soo badanayay Somaliland, siiba caasimada dalka, iyadoo ay taasi ugu wacantahay shaqo la’aanta oo badan ayay qaar ka mid ah jiilka cusub ee wax bartay nolosha ka raadinayaan xoogsiga noocan ah, halkii ay camal la’aan la joogi lahaayeen.
Laakiinse Dhalinyaradu ma helaan inta badan Maal-gelin Bangi hadiiba qaar badan oo aan awoodin inay helaan dhaqaale ay wax ku bilaabaan jeclaystaan inay xoogsi ganacsi ama wax soosaar kale oo noocan ah sameystaan, taasoo ah mid ka mid ah caqabadaha horyaalla dad badan oo muhindisiin ah, kuwaasoo dheef badan dalka kala soo bixi lahaa.[caption id="attachment_92105" align="alignleft" width="300"] Mulkilaha xarunta RAMAD [/caption]
Halka ka daawo Waraysiga Xamse Cabdilaahi: