Wednesday, May 14, 2014

Xukuumadda oo Joojisay Casuumad Boqor Raabi u sameeyey Wefti marti ah


 


“Reer Muqdisho waxay igu yidhaahdeen Ninka laydinka dilay afartii xabaddood ee lagu riday lacagtooda na siiya”Boqor Raabi oo Madal kula wada garnaqsaday xukuumadda Siilaanyo iyo Beesha Hawiye





BoqorHargeysa(GNA)-Dawladda ayaa shalay Joojisay Casuumad uu Boqor Raabi Yuusuf Cabdilaahi oo ka mid Madaxdhaqameedka Somaliland u sameeyay Wefti dhaqameedka Koonfurta Somalia ee Hargeysa ku sugan.




Dawladda ayaa hudheelka uu qado-sharafta ku sameeyay ku amartay inaanay wax cunto ah oo Casuumad Boqorku wato ah samayn, sida uu xaqqiijiyay Boqor Raabi oo maanta ka hadlay kulan Hargeysa ku dhex maray Salaadiinta Somaliland iyo weftiga.




“Hudheelkiibay amar ku siiyeen inaanay samayn Casuumada aan fidiya anigana waabay I raadinayeen oo inay I xidhaan ayay doonayeen”ayuu yidhi Boqor Raabi oo Gobanimonews la hadlay Shirka ka dib.




Waxaanu intaasi ku daray “ Mooyi ma garanayo sababta ay uga dan lahaayeen”.




Sarkaal xogogaal u ahaa joojinta casuumada Boqor Raabi ayaa shalay Gobanimo u sheegay inay talaabadan dawladdu qaaday, balse ilaa hada sababta ka dambeysa xukuumaddu kamay jawaabin.




Boqor Raabi Yuusuf Cabdilaahi oo ka hadlayay kulanka labada dhinac ayaa sheegay inuu aad uga xunyahay talaabada dawladdu kula kacday “Waxaan idinka tacsiyadeynayaa Casuumadii aan shalay idiin sameeyay oo dawladdu joojisay, waan idinka tacsiyadaynayaa arintaa”ayuu yidhi.




Dhinaca kale, isagoo ka waramayay dhacdo uu fajac ka muujiyay oo kala kulantay Muqdisho waxa uu yidhi “ Anigu Muqdisho markaan joogay Hawiyo oo dhan ayaan casuumay oo aan qadiyada Somaliland taala uga waramay. Waxaan aad ugu mahad celinayaa Beesha Mundule oo wixii aanu ka wada hadalnay jawaab igaga soo celiyay”ayuu yidhi.




Boqor Raabi oo ka garnaqsanaya dhacdada muqdisho kala kulantay ayaa yidhi “Waxa kale oo dhacday Nin ayaan nala dilay, Madaxdhaqameed, ayaanu ahayn, waxaanu kala hadalnay Ninka la dilay arrintiisa, waxay nagu yidhaahdeen Ninka la dilay afar ku dhacay. Afartaa  Xabaddood ee lagu riday lacagtoodii ayaanu idinka doonaynaa”.




Walaahi dhacdo nagu dhacday ayay ahayd, laakiinse idinka idinku odhan maayo ee waxay ahayd inay Maanta joogaan Odayaashii Hawiye ee noqday”ayuu hadalkiisa raaciyay.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com