Muqdisho(GNA)-Shir-guddoonka Baarlamanka Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa Ganaax lacageed ku soo rogay Xildhibaanada aan joogtada uga soo qayb gelin fadhiyada Golaha.
Fadhiga golaha Baarlamanka ayaa maanta u baaqday koorom la’aan, taasoo sababtay in la ganaaxo dhamaan Xildhibaanadii maqnaa.
Baarlamanka ayaa maanta u balansanaa cod u qaadista Xeerka Bangiga dhexe.
Prof. Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) oo hadlay ayaa sheegay inay xil gudasho la’aan tahay xildhibaanka Muqdisho jooga ee ka maqnaada fadhiga Golaha.
“Xildhibaan ahaan haddii aadan xilka gudan karin waxaa wanaagsan inaad xilka iska wareejisaa, waxaa la heli karaa dad kale oo shaqeynaya” ayuu yiri Prof. Jawaari.
Guddoomiyaha ayaa intaasi ku daray isagoo fariin u diraya xildhibaanada “Xildhiabannadii ka maqnaaday kulammada saddex maalmoodl, waxaan u diri doonnaa warqado digniin ah, kuwii toddoba maalmood maqnaadayna waxaan u diraynaa digniin iyo ganaax lacageed, kuwii maqnaada wax ka badan toddoba cisho waxaan ka jaraynaa mushaarkooda bishiiba shan meelmood meel oo ah 600 oo dollar, waxaana u diraynaa anshax-marinta, haddii ay intaas ka badan sii maqnaadanna ganaax kale ayaan dul-dhigaynaa”.
ayuu ka sheegay Jawaari kulankii aan qabsoomin ee baarlamaanku uu maanta yeeshay.
Tallaabadan ayaa noqonaysa tii ugu horreysay oo uu guddoonka baarlamaanka Soomaaliya ka qaado xildhibaannada kulammada baarlamaanka aan imaanin, iyadoo tani ay digniin u noqonayso xildhibaannada maqnaanshaha caadeystay.
Guddoomiye Jawaari ayaa sheegay in maalinta berri ah cod loo qaadi doono xeerka bankiga horumarinta Somalia oo maanta codeyntiisu baaqatay.
Guddoomiyaha baarlamaanka ayaa dhinaca kale sheegay in heshiiskii ay kala saxiixdeen Soomaaliya iyo Taliyaaniga ee shalay su’aalaha laga weydiiyay wasiirka gaashaandhigga loo gudbinayo guddiga difaaca baarlamaanka, illaa Axadda soo socotana ay jawaab ka sugayaan si ay u soo turxaan bixiyaan.
Gobanimonews
Muqdisho Office
Email: editor@gobanimonews.com