Shaqaalaha Caafimaadka Buuhoodle baahiyaha adeegyada Caafimaadka ka dhergiyay iyo Jawaabta uu ka bixiyay Wasiirka oo kulan yeeshay..
Buuhoodle(GNA)-Wasiirka Caafimaadka Somaliland Saleban Ciise Axmed (Xaglo-toosiye), oo wali ku sugan Magaalada Buuhoodle ee Gobolka Cayn ayaa maalintii labaad maanta u kuur galay xarumaha Caafimaadka iyo dadka shaqeeya.
Saleban Ciise ayaa maanta kulan la yeeshay Shaqaalaha Caafimaadka ee Gobolka, kuwaasoo uu ka xogwaraystay xaalada adeegyada Caafimaadka ee Magaalada iyo degmooyinka hoos yimaada.
Kulankan ayaa daba socday kormeer uu shalay Wasiirku ku tegay Cisbitaalka TB-da ee Magaaladaas, kaasoo uu indh indheyn ku sameeyay adeegyadiisa kala duwan.
Wasiirka oo hore u sheegay in Mashaariicda ay Buuhoodle ka hirgelinayso wasaaraddiisa uu ka mid yahay Dugsi lagu tababarayo Kal-kaaliyeyaasha Caafimaadka, ayaa maanta shaqaalaha xarumaha Caafimaadka ee Magaalada kula dardaarmay inay guntiga dhiisha iskaga dhigaan sidii ay bulshada ugu adeegi lahaayeen habeen iyo Maalinba .
Xubno ka mid ah hawl-wadeenada Caafimaadka oo halkaa ka hadlay ayaa Wasiirka uga waramay baahiyaha gaarka ah eek u gedaaman hawl-gudashadooda, haday tahay xaga aqoonta iyo agabka ay ku shaqeeyaan.
Waxay tilmaameen in la kordhiyo goobaha Hooyada iyo Dhalaanka iyo aqoonta shaqaalaha oo kor loo qaado.
“uma layn Maayo in qaar badan oo idinka mid ahi aad filayseen inaan sidan oo kale idiin soo horfadhiisan doono, laakiinse maanta waan idinla joogaa, waanan dhegeystay baahiyaha aad soo jeediseen”ayuu yidhi Wasiir xag-toosiye oo ka jawaabayay warbixinta Bahda Caafimaadku siiyeen.
Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “waxaan balan qaadayaa inaan baahiyaha aad sheegteen iyo wax ka badanba qabto inshaalah.
Anigu Buuhoodle xog badani igumay seeganayn oo meesha aan ka soo jeeddo, waana deegaan Colaad iyo dib u dhac isu barkadeen, markaa waxaan ku dedaali doonaa inaan adeegyada Caafimaadka soo gaadhsiiyo halka gobollada kale marayaan, maadaama aan ahay wasiirkii Caafimaadka”ayuu yidhi Xaglo-toosiye.
Halkan riix oo ka Daawo Muuqaal:
https://www.youtube.com/watch?v=VGtrQqorqgY
Najiib Cabdiwali
Gobanimonews
Buuhoodle Office