Madaxdhaqameedka Somaliland: Wali waxbaa idiinka dhiman inaad gaadhaan Nabad hadii aad wali ku fikiraysaan Midnimo”
Dawladda: ilaa 18 May way joogayaan Weftiga Reer Muqdisho”
Weftiga Reer Muqdisho: Somaliland waxaad tihiin Dayax 13 jooga Sacab laguma qarun karo”
Hargeysa(GNA)-Shir saddex geesood ah oo Maanta ka dhacay Magaalada Hargeysa, ayaa goor dhaweyd la soo gabagabeeyay, kaasoo ay wada yeesheen Madaxdhaqameedka Somaliland, Hogaan dhaqameedyo ka hadhay weftigii Kontonta Oday ahaa ee Beryahanba ku sugnaa Somaliland iyo Masuuliyiin ka socda dawladda Somaliland oo loogu magac daray Xidhiidhiyayaasha labada dhinac.
Kulanka ayaa ku bilaambay abaaro 12:30-kii duhurnimo ee Maanta qado sharafeed nusa saac qaadatay oo ay dhamaan Dhinacyadani albaabada isu xidheen, Saxaafaduna dibada ka joogtay, waxaan intaasi ka dib furmay shir saddexda dhinacba u isaga daba mareen hadalka.
Xidhiidhiyayaasha laba madax-dhaqameed
Guddoomiyaha Hay’adda Abaabul ka saarka Qaranka Somaliland Jamaal Caydiid oo madax u ahaa guddida farsamo ee xidhiidhinayay kulamada Weftiga Koonfurta Soomaliya ka yimi iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada Somaliland oo halkaa ka hadlay ayaa sheegay inay weftiga Koonfur dhamaysteen ujeedadii ay Somaliland u yimaadeen.
Jamaal Caydiid ayaa sidoo kale caddeeyay in Kooxdii maalin saddexaad baxday ee weftiga ka midka ahayd ay u tageen arrimo ka soo kordhay Muqdisho “Odayaasha baxay umay bixin Khilaaf ee waxay u baxeen hawl, intii ka hadhayna wali sidiibay Marti inoogu yihiin”.
Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Somaliland Maxamed Shugri Jaamac oo ah ahaa Xoghayaha Kooxda Xidhiidhka Odayaasha Reer Soomaaliya iyo Somaliland ayaa isna sheegay “Weftiga inoo yimi ee Somaliya inooga yimi waxay u sheegeen ujeedadii socdaalkooda Madaxdhaqameed Somaliland. Waxay soo arkeen dareenka Shacbiga Somaliland iyo mawqifkooda gooni isutaaga”ayuu yidhi.
Waxaanu intaasi ku daray “18 May ee Maalinta Qarannimada Somaliland way inala joogayaan”.
Wefti dhaqameedka Koonfurta Soomaaliya
Afar xubnood oo u hadlay Weftiga Koonfurta Somaliya ka yimi xubnaha Hargeysa kaga hadhay ayaa sheegay inay Somaliland ku arkeen waxaanay filayn oo fajac ku noqday, waxaanay dhamaantood meel iska wada taageen inay dadka Reer Somaliland u arkaan kuwo ku dhegsan oo aan meelna looga dhaqaajin Karin rabitaankooda gooni-isutaaga.
Wallow ay ku dooddeen inaanay wali Xukuumadda la kulmin, doonayaana inay la kulmaan.
Sidaasoo ay sheegeen dhamaan xubnaha u hadlay weftigu waxay xaga dambe kaga ladheen hadalkooda in Midnimada Soomaaliya iyo inaan la kala googo’ina ay Muqadas tahay, in Somaliland Madaxbanaani la siiyaana muhiimad weyn leedahay.
Waxa kale oo intaasi raaciyeen inay fariinta ay qaadayaan kula noqonayaan marjaca cida ay wefti ahaan metelaan oo aanay carabka ku balaadhan, balse ay si guud u sheegeen umadda Soomaaliyeed ee ay hogaan dhaqameedka u yihiin.
Suldaan Cabdicasiis Cumar Daad (Bayle) oo ka mid ahaa Hogaan dhaqameedka halkaa ka hadlay ayaa yidhi “waxaanu umada Caalamka iyo Umadda Somaliyeed u sheegaynaa inay Dadka Somaliland waxay siisanayaan jirin gooni-isutaagooda iyo xoriyada”ayuu yidhi.
Waxaanu intaasi ku daray “Waxaan jeclaan lahayn inaanu dawladdana aragno si aanu u ogaano inay la qabaan waxay noo sheegeen Ururada Bulshada iyo Golaha Guurtida Somaliland”.
Digil iyo Midhifle Milaakh Cabdikariin Ibraahim Ibroow ayaa isna yidhi “ Somaliland gooni-isutaag ayay ku dhegsantahay, annaguna midnimo ayaanu ku taaganahay
Imaam Odowaa Shihaad Maxamed ayaa isna sheegay “Annagu xanbaanu haynay, laakiinse xaqiiq ayaanu ogaanay maanta. Ma qarin doono waxaan aragnay , waxaan maqalnay, waxaad samaysateen”.
Maxamed Axmed Barre oo ka mid ah Odayaasha ayaa yidhi “Bil 13 joogta sacab laguma qarin karo, Somaliland waxay qabsatay sacab laguma qarin karo”. – ““waxa isii iyo hoo iskuma xigaan”dadka Somaliland taladu iyagoo dhanbay ka go’daa,annagana talo soomaaliyeed cidbaa nala leh”ayuu yidhi.
Waxaanu intaasi raaciyay “Maalintii ugu horaysay Warkii aad noo sheegteen waxaan balanqaadaynaa inaanu kula noqonayno dadkii aanu ka nimi.
Annaga Dawladda Somaliland namay keenin ee waxaan ka codsanay inaan dalka so galno.
“Waxaad tihiin bil afar iyo toban joogta waxaad qabsateen lama qarin karo”.
Boqor Faarax Cabdi Guure Beesha Makane oo Guddoomiye u ah xubnahan Weftigan Hargeysa kaga hadhay weftiga Muqdisho ayaa sheegay inay Somaliland wanaag iyo walaalnimo kala kulmeen, isla markaana ay ku arkeen wax daah badan ka saarnaa.
Hogaan dhaqameedkan ayaa sheegay inay Somaliland joogayaan ilaa 18 May “waxaan rabnaa inaan idinkala qayb qaadano sanad guuradiina”
Madaxdaqameedka Somaliland
Salaadiinta Somaliland ee Shirkaasi ka hadlay ayaa dhamaantood u mahad naqay dhigooda Soomaaliya, waxaanay kula dar daarmeen inay fariintooda gaadhsiiyaan cida wax ka go’aan ee Soomaaliya.
Salaadiintan ayaa intaasi ku daray in si Gobanimo ku dheehantahay loo ambo bixin doono Odayaasha weftiga.
Suldaan Cismaan Suldaan Cali Suldaan Madar oo furay hadalka dhinaca Salaadiinta Somaliland ayaa ka mahad celiyay dareen celinta Odayaashan, waxaanu intaasi ku daray “ Gobanimo iyo Milgo ayaa laydunku ambo bixinayaa. Waxaan idin leeyahay wixii aad soo jeediseen guddoon wanaagsan, ilaa Madaarkaa aad ka baxaysaana waan idin garab taaganay waanad mahadsantihiin”.
Suldaan Axmed Nuur Samaale oo ka mid ahaa xubnaha halkaasi ka hadlay ee Somaliland ayaa yidhi “hadii aad 23 sanadood wixii aad indhaha ka qarsanayseen maanta tidhaahdeen xaqiiqo raadin ayaanu idiinku nimi wixii aad jawaab ka bixiseen waanu idinka guddoonay”.
Wuxuuse hadalkiisa ku daray “Wali waddadii walaalnimada iyo wanaaga aad ku helayseen waxbaa idiinka dhiman mar hadaad Midnimo ku ki fekeraysaan”
Suldaan Ibraahim Jaamac Samatar ka soo jeedda Beelaha Samaroon (Awdal), ayaa isna yidhi “ aad iyo aad ayaan idiinka mahad celinaynaa dareenka aad ka bixiseen wixii aad Somaliland ku aragteen”.
Suldaan Yuusuf Muxumed Xiiray oo ah Afhayeenka Salaadiinta Somaliland ayaa isna sheegay inay Somaliland gooni-isutaageedu muqadas yahay.
Suldaan Xiiray ayaa Madaxweynaha Somalia ka dalbaday inuu aqoonsado Somaliland.
Suldaan Naasir oo isna halkaasi ka hadlay ayaa yidhi “Odayaashiinan waxaan idinka codsanayaa inaydaan sidii Siyaasiyiintiina markay nala joogaan hadalka wanaagsan nagu yidhaahda markay xagaa tagaana luuqada kale ku hadla noqon ee aad gaadhsiisaan fariinta aad somalialnd shacbigeeda ka qaadaysaan meel kasta oo taladiinu ka go’do”.
Xubno kale oo Salaadiin ah iyo boqorro isugu jira oo dhanka Somaliland ka soo jeeday ayaa halkaasi ka hadlay, kuwaasoo dhamaantood ku nuuxnuuxsaday inaanay Somaliland dib ugu noqon doonin Midnimo.
Shirka ayaa qaybtiisii dambe markii ay Madaxdhaqameedka Somaliland la wareegeen u muuqday Garnaqsi iyo fariimo kulul madal laysku dhaafsanayo.
Madaxtooyada Somaliland
Saraakiil ka socday Aqalka Madaxtooyada Somaliland iyo laamaha kale ee dawladda ayaa madasha shirka ku sugnaa.
Weftiga ayaa lagu siday dhawr Gaadhi oo aqalka Madaxtooyada Somaliland leeyahay, kuwaasoo ah Gaadiidka loogu talo galay Wufuudda Caalamiga ah ee dalka yimaada.
Saleban Cabdi Cali (Kalshaale)
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: curad1986@hotmail.com