Tuesday, May 13, 2014

Wasiir hore oo lagu dhaawacay Burco


Dr. Cabdi Yaasiin oo dhaawacyo gaadhsiiyay Dr. Cabdijibaar …




Dr. CabdiBurco(GNA)-Isuduwaha Wasaarada Caafimaadka ee Gobolka Togdheer Cabdi Yaasiin X.Saleebaan ayaa  weerar  gacan ka hadal ah ku qaaday mid ka mid ah Dhakhaatiirta Gobolka.




Dhakhtarkan oo hore Wasiirka Boosaha iyo Isgaadhsiinta Somaliland u soo noqday, ayaa Madaxa dhaawac ka soo gaadhay, kaddib markii uu Bakoorad la dhacay Isuduwuhu gelinkii dambe ee Maanta.




Dhacdadan ayaa timi, kaddib markii Dhakhtarka oo ku socday Gurigiisa uu gaadhi ka daba kaxaystay isu duwuhu, isla markaana gaadhi ku hor jaray gaadhigii uu dakhtarku watay ka dibna uu kala soo degay bakoorad  kuna Bilaabay.




Dr. Cabdijibaar oo dhaawac madaxa ka soo gaadhay, ayaa Gobanimonews mar ay la xidhiidhay waxa uu sheegay  waxa uu iheegay inuu kasoo raynayo nabarka gaadhay.




Lama oga sababta Isuduwuhu weerarka ugu qaaday Masuulkan hore, ahna Dhakhtarka Caafimaadka gobolka ka tirsan.




Noomay suurto gelin inaanu helno Isuduwaha oo aanu isku daynay inaanu dhankiisa wax ka waydiino dhacdadan.




Weerar daba socda Eedeyn hore




Hase ahaatee weerarkan ayaa loo aanaynayaa inuu daba socdo eeddo uu dhawaan Dhakhartku u jeediyay Isuduwe Cabdiyaasiin.




Eeddaasi ayuu ku sheegay in isuduwaha Caafimaadka Gobolku caqabad ku noqday hawlihii caafimaadka Gobolka.




Waxaanu sidaasi ku sheegay qoraal uu soo saaray dhamaadkii Bishii April ee aynu soo dhaafnay.




Kaasoo u dhignaa sidan: -




“Isuduwaha Wasaarada Caafimaadka ee Gobolka Togdheer wuxuu Caqabad ku noqday guud ahaan Adeegga Caafimaadka Gobolka, waxana ugu dambeeyey arimahayees Saamaynta ku yeeshay adeegga Caafimaadka ee laga dhaxlay dhaxlay Maamulkiisa Cabdi Yaasiin kuwan hoos ku xusan;




 




1. Arintii Xildhibaan Jaamac Xasan Aadan oo si xun u dhaawacnaa, oo uu Isuduwaha Caafimaadku u diiday in Madaarka lagu geeyo Ambalaaskii Cisbitaalka, arintaasi waa dembi weyn, waxanay dembi ku tahay Dakhtar-nimada, Qaranimada, meel ayaa lagaga dhacay Xildhibaanka iyo Muwaadin walba oo waxaas oo kale lagu la kaco.




 




2. Isuduwaha Caafimaadka Togdheer waxa uu sabab la’aan shaqada uga eryey Dhakhtaro, Kalkaaliye-yaal Caafimaad iyo Shaqaale kale, kuwaasoo laf-dhabar u ahaa habsami-u-socodka adeega Cisbitaalka Burco, balse ay qaarkood dib Debada shaqo uga doonteen kadib markii uu Isuduwaha Caafimaadku Caqabad ku noqday inay bulshadooda u adeegaan.




 




3. Hay’ada Medair oo adeeg balaadhan Gobolka ka haysay oo uu Carqaladeeyey, taasoo sababtay in hay’adu dalka ka guurto.




 




4. Hay’ada COOPI oo uu ku hayo hanjabaado iyo wada-shaqeyn xumo,




 




5. Hantida Adeega Caafimaadka oo la lunsado.




 




6. Shaqaalaha Cisbitaalka Guud ee Burco waxay bilaa Mushaharo yihiin laba bilood, kuwa Cisbitaalka Qaaxaduna (TP) waxay bilaa mushaharo yihiin Afar (4) bilood”.




Axmed Muuse Maxamed




Gobanimonews




Burco Office