Wednesday, May 7, 2014

USA iyo UK: “Waan weeraraynaa Boko Xaraam”


Dawladda Nigeria oo saddex Boqol oo kun oo Dollar abaal gud ku siinaysa cidii soo sheegta meesha lagu haysto Gabdho la afduubay




Nigeria's top military spokesman, speaks to people at a demonstrationMaraykanka iyo Ingiriiska ayaa walac weyn iyo baaqyo Caalami ah kaga jawaabay afduubka 257 Gabdhood oo saddex todobaad ka badan lagu haysto Nigeria.




Madaxweynaha Maraykanka Brack Obama ayaa shaaca ka qaaday inay dawladdiisu khubaro  u dirtay Abuja, si ay uga qayb qaataan sidii loo soo celin lahaa Hablaha la haysto.




Ingiriiska ayaa isaguna ku dhawaaqay inay gacan ka geysanayaan talaabo kasta oo lagaga shaqaynayo sidii Gabdhahan afduuban loogu soo celin lahaa gacanta waalidkooda.




Ku dhawaad 249 Gabdhoodh ayaa 15 April, ayaa laga afduubtay dugsi waxbarasho oo ku yaala Magaalada Bono oo ku taala waqooyi bari Nigeria.




Hogaamiyaha Ururka Boko xaraam ayaa Axdii todobaadkan si lama filaan ah u sheegay inay Kooxdiisu gacanta ku hayaan Gabdhahaasi, waxaanay taasi laba maalmood ka horaysay dhacdo kale oo shalay lagu afduubtay 8 kale.




Abubakar Shekow, ayaa bixiyay waraysi kooban oo uu ku sheegtay haysashada gabdhaha, laakiinse faahfaahin kamuu bixin meesha lagu hayo iyo Xaaladdooda toona.




Madaxweynaha Nejiga God Luck Jonathon, ayaa todobaadkan bilowgiisii dadka reer Nigeria u balanqaaday inay dawladu qaadayso wax kasta oo lagu soo celin karo Gabdhaha afduuban.




Dawladda ayaa haatan lacag gaadhaysa Saddex boqol oo kun oo Doolar abaal gud u siinaysa cidii soo sheegta meesha lagu haysto Hablaha la afduubay.




Lacagta ayaa qadar ahaan aad u yar, hase ahaatee waa talaabo horumar lagu sifeyn karo oo wax ka taraysa in raad la helo.




London iyo Newyork ayaa sida ay u hadlayaan waxa ka muuqda inay doonayaan inay talaabo Milateri kaga qayb qaataan arrintan, iyadoo madaxweyne Obama si cad inuu Ciidamo Kamaandoos ah u dirayo dalkaas, si ay weeraro ugu qaadaan Boko xaaraam.




Madaxweyne Obama ayaa sheegay inay Dawladda Nigeria aqbashay talaabooyinka uu doonayo inuu kaga qayb galo baad-goobka la haysteyaasha Dalkaasi u dhashay.




Boko xaraam ayaa ka mid ah Ururrada Islamiga ah ee lagu daray Liiska Argixisada ee xidhiidhka la leh Shabakada Al-qaacida.