Gaashaanle dhexe Cumar Siciid oo ka badbaaday Faddeexadii Jeelka Hargeysa ka dhacdayo todobaadyo ka hor!!!
Hargeysa(GNA)-Taliyaha Ciidanka Asluubta Somaliland Sareeye guuto Maxamed Xuseen Xiirane, ayaa hogaanka guud ee Xasbiyada Somaliland u magacaabay Gaashaanle dhexe Cumar Siciid Taliyihii haystay Jeelka Hargeysa dhawaan Markii Maxaabiistu ka daadatay.
Taliyaha ayaa la dalacsiyay muddo yar kaddib markii ay dhacday faddeexadii Xabsiga dhexe ka dhacday ee Maxaabiista Argagixisada iyo Budhcad badeeda u xidhan ay Jeelka ka daateen, kaddib markii ay rasaas ku weerareen askartii Ilaalinaysay, isla markaana hal askari dileen, dhawr kalena ay dhaawaceen.
Dhacdadan oo faddexad ku noqotay ammaanka Jeelka Hargeysa iyo kalsoonida lagu qabi karo Ciidanka Ilaaliya, ayaa Taliyaha xilka laga bedelay uu fasax shan maalmood ah ugu maqnaa Magaalada Boorama oo uu qoyskiisu degenyahay.
Ilowareedyo lagu kalsoonyahay ayaa Gobanimonews u sheegay in Taliyuhu ka hor intaanu fasaxa qaadan uu dhawr jeer Saraakiisha Ciidanka ka dalbaday in laga bedelo Askarta Jeelka ku qornayd oo uu walaac ka muujiyay, kana ashkateeyay Madaxda Ciidanka.
Ma jiro wax war ah oo Taliyaha Ciidanka Asluubta Somaliland ka soo baxay oo la xidhiidh Magacaabista Taliyaha dalacay, balse wariyeyaal ka tirsan Gobanimo oo xogta u kuur galay Saraakiisha Ciidanku u xaqiijiyeen in Taliyihii hore ee Jeelka la dalacsiiyay todobaad ka hor, shaqadiisa hogaanka xabsiyada uu si rasmiya ula wareegay.
Yaa lagu bedelay
Sida ay noo xaqiijiyeen Saraakiisha Asluubta Somaliland waxa Taliyaha Xabsiga dhexe ee Hargeysa loo magacaabay Gaashaanle Dhexe Qoorsheel oo wakhti hore haysan jiray Xabsiga Mandheera.
Sarkaalkan ayaa muddo dheer ku jiray Ciidanka Asluubta, isagoo xilal kala duwana ka qabtay intii uu joogay.
Dad dareen ka bixiyay
Dadka qaar xogogaal u ah dalacsiinta Sarkaalka ayaa talaabo lala yaabo ku tilmaamay, sababta Sarkaalka xabsigii uu haysta duhurka looga daatay loo dalacsiiyay.
“Ciidankii Jeelku way yaabanyihiin, Ninkii Jeelka haystay ee waxba ka qaban waayay dhacdadii ayaa la dalacsiiyay”ayuu yidhi Mawaadin la hadlay Gobanimonews.
Tiro askar iyo Saraakiil Ciidanka Asluubta ka tirsan ayaa wali u xidhan falkii Jeelka ka dhacay todobaadyo ka hor.
Saraakiishaasi ayaan ilaa hada inta la ogyahay Maxkamad la keenin.
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: editor@gobanimonews.com