Wednesday, May 14, 2014

Sudan: Haweeney Diinta Islamka ka baxday oo dil lagu Xukumay


Khartoum (GNA) -Maxkamad ku taala magaalada Khartoum ee caasimada wadanka Sudan ayaa haweeney wadankaasi u dhalatay u muddo 2 cisho ah u qabatay inay ka laabato go’aan ay diinta Islamka uga baxday haddii kale la dili doono.




Gudoomiyaha maxkamada Khartoum ayaa ugu baaqay haweeney 27 sanno jir ah oo la yiraahdo Maryan Yaxya Ibraahim inay tan iyo maalinta Khamiista ay uga laabato go’aan ay ku sheegtay inay Islamka uga baxday.




Haweeneydaan ayaa dhawaan shaacisay inay diinta Islamka iskaga baxday oo ay kirishtan noqotay guursatayna nin masiixi ah.




Gudoonka maxkamada ayaa Maryan u qabtay illaa maalinta Khamiista ah haddii ay diidana maxkamadu waxay amartay in la dilo.




Dadka wadanka Sudan waxay u badan yihiin Muslimiin Suniyiin ah.