Sawirkan xukuumaddu Dusha kaga Sawirtay Buugga Golleyaasha loo qaybiyay, ma loo turjuman karaa Somaliland oo qaadatay Midnimo? Akhri doodda iyo dareenka Shacbiga
Hargeysa(GNA)-Golaha Wakiillada Somaliland ayaa Maanta loo qaybiyay Nuqullada Buug, laga diyaariyay wadahadalada Somaliland iyo Somalia, waxyaabihii lagaga wada hadlay iyo heshiisyadii ay wada galeen.
Buuggan ayaa waxa dusha kaga sawirnaa Calamada Somaliland iyo Soomaaliya oo lagu muujiyay, waxaanay noqonaysaa markii ugu horeeyay ee Macluumad calamada labada dal ka muuqdaan.
Guux badan iyo dood ayaa ka dhalatay arrintaasi, waxna lagama waydiin Madaxweynaha oo xildhibaano badan oo Golaha fadhiyay fursad lama siin.
Laakiinse hadal hayntu waxay sii korodhay markii fadhiga laga soo dareeray.
Madaxweyne Siilaanyo
Madaxweyne Siilaanyo, ayaa isagoo mudaneyaasha labada aqal kala hadlaya waxa uu yidhi “Mudaneyaaal wixii ka soo baxay wadahadalada Somaliland iyo Soomaaliya waxay ku qoranyihiin buuggaa hortiina yaala ee laydiin qaybiyay”ayuu yidhi.
Buuggu waa ka xaasaasiyadda iyo doodda Jeldigiisa sare abuuray, iyadoon hoosba loogu daadegin, dadka qaarna waxaabay ku fasileen in la middeeyay labada calan ee labada dal, waa kuwa Somalilandnimadu dhiigooda raacday.
Asxaabta Mucaaridka ah ayaa dareenka ugu weyn ka bixiyay markii uu dibada u soo baxay Buuggu, waxaana qaarkood ku tilmaaneen arrin fajiciso ku noqday.
Dareen celinta Shacbiga Somaliland
Dadka rayidka ayaa caawa si weyn ugaga doodaya Muuqaalka buuggaas iyo ujeeddooyinka ku lamaan boggaga bulshadu ku xidhiidho.
Cabdiraxmaan Cismaan oo ah Suxufi ka hawl-gala Magaalada Hargeysa, ayaa Barta Facebook soo dhigay Sawirka Buuggan , waxaanu sheegay inay xildhibaannadu maanta aad isu weydiinayeen.
Mawaadin kale oo Magacan ku isticmaala Facebook, ayaa yidhi “Qalbiga Samray Ku Suga Hayaaay “hayaaay maaha macquul taasi”.
Maazim Ahmed Awalleh “alle ha inaga qabto kama filayo arinkaa madaxweyne Silanyo oo ah Nin mabdi,iisu cad yahay lkn ilaa saaka warkan ayaan ku arkayay meelaha qaar waan liqi laayahay taas ayaan idiin weydiiyay”
Cabdirahman Cismaan Isbatoore ayaa yidhi” Labbadan Calan waxay ku soo beegmen Wakhti maanta madaarka hargeysa ay ka Soo degen 45 Odeydhaqameed oo beesha hawiye ka soo jeeda oo wadda Midnimadii 1960 kii oo kale oo ay leeyihiin idinku 1960 ayaad Dawlniamdiini noo keenten anaga imikanu idiin wadnaa kkkkkkkkkkkkkkkk”.
Raxma Abdi Raxmaan ayaa tidhi “wixii dhib wadaba ilaahy ha inaga qabto.qaarba waxyaabaha ka nusaaradsada ee waa dheg kamaqal takalana ka sidaaa qalam kkkkk”
“Waxaad moodaa in labada Calan la mideeyay oo laysku daray”ayuu sidoo kale sheegay Wiil Dhalinyaro ah oo Gobanimonews la hadlay.
Wadahadalada sii socda
Wadahadala Somaliland iyo Soomaaliya u dhexeeya ayaa wali sii socda.
Dadka aaminsan siyaasaddii ka xidhxidhnayd arrimaha Somalia ee xukuumaddihii hore, ayaa inta badan ku tilmaama wada hadalada kuwo aan Somaliland dani ugu jirin.
Heshiisyo dhawr ah oo la kala saxeexday intii ay socdeen ayaan wax badani ka fulin.
Qodob ka mid ah Heshiiskii ugu dambeeyey ee Turkiga lagu galay ayay jabiyeen labada dhinacba, kaddib markii ay hadalo qadaf iyo turxaan abuuraya Warbaahinta isu mariyeen dhawr jeer.
Qodobkaas ayaa ahaa inaanay dhinacyadu isdhaafsan weedho xurguf abuuraya inta wada hadalku socdo, laakiinse taas way jabiyeen ilaa maanta oo u dambeysay.
Asxaabta Mucaaridka
Xisbiyada Mucaaridka Somaliland oo maanta si weyn u buun-buuninaya sawirka buuggan ku xardhan, ayaa hore dhaliilo uga soo jeediyay wadahadalada, waxaanay ku tilmaameen kuwo aan mabda’ a cad lahayn iyo meel ay u socdaan toona.
Si kastaba ha ahaatee waxa isweydiinta taagani tahay, hadii Sawirkani dareenka inta le’eeg abuuray, miyay u badheedhay xukuumada Madaxweyne Siilaanyo in la dhex keeno Golleyaashan oo kale?
Mise waanay dhaadanayn waxa ka iman kara?
Fadlan aragtidaada ka dhiibo..
Saleban Cabdi cali (Kalshaale)
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: curad1986@hotmail.com