Sunday, May 11, 2014

Somaliland qayb cusub ku kordhinaysa Cisbitaalka TB-da Buuhoodle


Wasiir Xaglo-toosiye oo maanta dhagax dhigay qayb cusub  oo lagu kordhinayo Cisbitaalkan oo uu kormeeray adeegyadiisa..




vlcsnap-2014-05-12-04h58m18s100   Buuhoodle(GNA)-Wasiirka Caafimaadka Somaliland Saleban Ciise Axmed (Xaglo-toosiye), oo wali ku sugan Magaalada Buuhoodle, ayaa Maanta kormeeray Cisbitaalka TB-da ee Magaaladaasi.




Cisbitaalka TB-da ee Magaalada Buuhoodle, oo haatan shaqeeya ayaa waxa Wasiirka warbixin ka siiyay Xaaladiisa iyo adeegyada uu bixiyo Dr Axmed Faarax Nuur, oo ka mid ah Dhakhaatiirta Cisbitaalka ka hawl-gasha.vlcsnap-2014-05-12-05h07m39s93




Dr. Axmed ayaa sheegay in Cisbitaalku bulshada deegaanka u fidiyo adeegyo daruuriya oo daaweyn iyo shaybaadh isugu jira, waxyaabo badan oo ka dhiman oo uu u baahanyahayna ay jiraan.vlcsnap-2014-05-12-04h59m32s79




Wasiirka ayaa soo kormeeray dhamaanba qaybaha kala duwan ee Cisbitaalku ka koobanyahay, kuwaasoo isugu jira waadhadhka Bukaanka, Shaybaadhka, qaybta Daawooyinka iyo Xafiisyada.




Wasiirka ayaa kormeerkaasi ka dib, waxa uu dhagax dhigay qaybo cusub oo lagu kordhiyo Cisbitaalka, kuwaasoo ay Wasaaradda Caafimaadka Somaliland ku kordhinayso.




Wasiir Saleban Ciise Axmed ayaa mashaariic kale hore uga dhagax dhigay deegaamo hoos yimaada Magaaladan iyo kuwo gudaha Magaalada laga hir-gelinayo, kuwaasoo u badan xarumo Caafimaad oo baahi weyn loo qabay.vlcsnap-2014-05-12-05h08m12s160




Dhaqaalaha ku baxaya Mashaariicdan ayaa waxa bixinaya Dawladda Somaliland, taasoo sanad Miisaaniyadeedka 2014 deegaamada Buuhoodle ugu dartay lacag gaadhaysa Nusmilyan Dollar oo lagu horumarinayo Kaabeyaasha adeegyada aasaasiga ah.




Najiib Cabdi wali




Gobanimonews




Buuhoodle Office




Email: editor@gobanimonews.com