“dad baa ku mamay Dhulkii Ummada oo maalinba cid qabsanaya Guryo waaweyn iyo Baabuur Cad-cadna wata”
“Xabaalahan ugumaanu talo galin kuwa Baabuurta waa wayn haysta iyo kuwa lacagta iyo Magacyada waaweyn leh laakiin waxaanu ugu talo galnay Fuqarada Masaakiinta ah ee Jilic-da san”
Hargeysa (GNA)Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiiray (Sh.Aaden Siiro) ayaa Khudbadiisii Jimcaha ee Shalay si adag uga hadlay Cadaalada Darada iyo Boobka Hantida Umada oo uu sheegay inay Dad Gaar ah oo mansab iyo Lacag Haysataa ay Hantidii Umada boobayaan, isagoo sidoo kalena si kulul uga hadlay Cadaalada iyo arrimo kale.
waxaanu yidhi “Toban sano ka hor bay ahayd Khudbadan markii aan ka hadlay inaynu tilmaano waxaynu u baahan nahay, inaynu xusuusano Cadaalada iyo Sinaantu waxay tahay, tabashaa jirta oo bani aadamka tabasho kama dhamaado waana loolanka ka dhexeeya Xaqa iyo baadilka, Rag Gogoshii waa nabada Nabadna waxa lagu helaa Cadaalad, Tilmaamo kooban baan Naftayda iyo idinkaba Xusuusin Doonaa, waxaynu u taagan nahay laba walaalo ah oo murmayey in ka badan 22 sano oo uu arin koodo Maxkamada ku jiro oo waxa ka dhexeeyaa yahay Guri uu Aabahood ka tagay, waxaynu u taagan nahay nin iyo naagtii oo murmayey in ka badan dhawriyo toban sano oo waxa ay u taagan tahay ay tahay inay Helaan laba qof oo wanaagsan oo si yar oo fudud u kala saara oo qof walba Xuquuqdiisa, waxaynu arkaynaa Agoon badan oo dayacan, waxaynu arkaynaa dad ku mamay Dhulkii umada oo maalinba cid qabsanaya, oo suuqa meeraysanaya oo gawaadhi cad cad iyo guryo waaweyn leh oo maalinba beero loo qorshaynayo iyo meelilhii Hantida ummadu ay lahayd oo meesha uu tagoba albaabada laga furo ayeynu u taagan nahay”. You yidhi Aadan Siiro
Sheekh Aaden Siiro oo Hadalkiisa sii wada ayaa ku dheeraaday Xaqa umada iyo sida ugu Haboon ee loo baahan yahayn in loo kala Xukumo oo ah Cadaalada siday Farayso Umada Islaamka, waxaanu yidhi “Waxaan doonayaa inaan wax ka tilmaamo waxaynu ku bad baadayno ee ay umadu ku bad baadayso oo ah cadaaladu waxay tahay iyo inay umadu u sinaato wixii ay ku heshiiyeen, culimadii waawaynayd ee islaamku waxay yidhaahdeen Cadaaladu waa in la xukumo Xaqo waxa uu yahay, maanta yaa hadal badan, yaa lacagbadan yaa reer wayn ka dhashay, yaa cid xidhiidh la leh weeyaan marka meelaha Qaarkood la is kugu yimaado laakiin Cadaaladu waxa weeye in Xaqa la xukumo, oo lagu xukumo Kitaabka ilaahay, hadii laga tago kitaabka ilaahayna nin waliba tiisa ayuunbuu dhinaciisa haysanayaa,hadii aad tidhaahdaan ra’yigayga uun wax ku xukumayaa oo dadka wax ka ururin maayo waxay keenaysaa wax walba inaad dhinac ka rarto dabeeto ay dheelido” ayuu yidhi Aaden Siiro.
Sh.Aden Siiro mar uu ka hadlayey Hantida ka dhaxayso Umada ee Danta Guud waxa uu yidhi “maanta waxaynu ku heshiinay in dhulkii umadu lahay ee Hargeysa lahayn inagoo u taagan ay kooxi iibsato oo ay la tagto ama mansab iyo lacag ha sheegto ama Awood kale iyo reero ha sheegto, Dhulkana 4 milyan oo Reer Somaliland ah ayey ka dhaxaysaa, ilaahay ha laga yaabo oo Xuquuqda umada ha la ilaaliyo, dadka iyo dalnimo waxay tahay ha la ilaaliyo, intaa yar ee ay umadu leeahay ha loo daayo ee dagaalka Badan ka dhacay ee siday ku timid aad ogtihiin u daaya Umada Dhakhaatiirbaa iman doonta oo intaas oo bani aadam ah oo umada wax u qabanaysa ayaa iman doonta, hadii dhulka Muhiimka ah la wada istic maalo oo lagu kala tago halkee wax laga dhigayaa, meel dadkii lagu aasaa la laayahay”.
Waxa kale oo uu khudbaddisa Xabaalaha Woqooyiga Hargeysa oo uu sheegay inuu ugu talo galay Dadka Danyarta ah ee aan awoodi Karin Kharash badan balse,ay Buuxiyeen Dadkii Dhaqaalaha lahaa “Xabaalihii baan tagay halkan laga sameeyey Woqooyiga Hageysa, waxaan islahaa intaanad ka tagin Qaybtii kale ee Xabaalaha Hala sameeyo Xabaalahana ugu maano talo galin kuwa Baabuurta waa wayn haysta iyo kuwa lacagta iyo Magacyada waaweyn leh laakiin waxaanu ugu talo galnay Fuqarada Masaakiinta ah ee Jilicsan ee aan baloodh, magac iyo reer toona sheeganayn baanu ugu talo galnay adeer ee hadii Kaaryoone loo soo helo lagu Aasi karayo, meel lagu aaso dadkii baa la laayahay.