Monday, May 12, 2014

Qareen Xasan:Yuusuf iyo Axmed Cige waxa lagu ritay Shebbeg”dhegeyso


qareenHargeysa(GNA)-Qareenka u dooddayey Masuuliyiinta Wargeyska Haatuf ee shalay Xabsiga loo taxaabay Garyaqaan Xasan ayaa sheegay in Xadhiga labada Suxufi iyo eeddaha loo soo jeediyayba baalmarsanyihiin Shuruucda dalka.




Waraysigii ugu horeeyay ee uu siiyay Warbaahinta, tan iyo markii shalay xabsiga loo taxaabay nimanka uu difaacayay, ayaa caddeyay in qodobada dacwaddooda loo cuskaday iyo xadhiga lagula kacay, muujinayaan in Maxkamaddu dhibane ka tahay kiisaska loo haysto.




“Qodobada loo cuskaday eeddaha loo soo jeediyay maaha kuwo khuseeya dambiga lagu eedeynayo”ayuu yidhi.




Waxaanu intaasi raaciyay “markii Maxkamadda ay yimaadeen waxa lagu ritay Shebeg, shebegaas ayaa ilaa markii Maxkamadu dhamaatay ay ku jireen oo  kuwii eedeyay ka caayayeen. Waxaanay ahaayeen Libaax Shebeg lagu riday oo Dacawooyin ku ciyaarayaan”ayuu hadalkiisa raaciyay.




Halkan ka Dhegeyso Sir badan oo Qareenku bixiyay:[audio mp3="http://www.gobanimonews.com/wp-content/uploads/Qareenno.mp3"][/audio]