Maxaa ka dhexeeya Hanjabaada Xalay, Ambo baxa 27 xubnood ee Weftiga iyo Kulankii habeen hore dhex maray Xirsi iyo Maxamuud Xaashi weftiga oo dhan?
Hargeysa(GNA)-Sida ay Gobanimonews u xaqiijiyeen Saraakiil ka tirsan Laamaha dawladda iyo Ilowareedyo kale, dad Masuuliyiin Dawladd qaarkood dabada ka riixayaan ayaa u hanjabay xubno Odayaal ah oo ka soo hadhay wefti Dhaqameed dhawaan Magaalada Hargeysa soo gaadhay oo ka yimi Muqdisho.
Faahfaahin dheeraad ah lagama hayo sababta kaliftay Hanjabaadan oo cida ka dambeysa loo sibirsaarayo xubno Wasiiro ah oo Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ka tirsan.
Odayaashan oo degen Hudheelka Safari ee Magaalada Hargeysa, ayaa markii xalay loo hanjabay waxa loo geeyay Ciidan bilays ah ammaankooda ilaaliya, sida uu Gobanimonews u xaqiijiyay masuul ka tirsan dawladda oo ka cudur daartay inaan Magaciisa shaacino.
Arrintan ayaa si weyn looga hadal hayaa Magaalada Hargeysa Maanta, iyadoo ay wali dadku si weyn uga doodayaan ujeeddada Odayaashani u kala hadheen iyo imaanshiyahoodii hore oo aanay wali Bulshadu sawir cad ka haysan.
Xildhibaan Shalay eeddeeyay
Dhacdadan ayaa ka dambeysay, ka dib markii shalay uu Xildhibaan Maxamed Xaaji C/raxmaan oo ka mid ah Golaha guurtida Somaliland ka digay wax uu ku tilmaamay shirqool Somaliland ka dhan ah oo laga soo maleegay xafiiska qaramadda midoobay ee UNSOM ee uu madaxda ka yahay NICOLAS KAY, Shirqoolkaasoo la soo mariyay sida uu sheegay Odayaashan Muranka dhaliyay.
Xildhibaan Maxamed waxa uu ku eedeeyey UNSOM inuu socdaalka ay madaxdhaqmeedka Soomaaliya ku yimaadeen Somaliland inuu soo qorsheeyey NICOLAS KAY, taas oo xussay in lagu majaro-habaabinayo arragtida beesha caalamka ee wada-hadalada Somaliland iyo Somalia, isaga oo ka xog-waramay qorshaha cusub ee xafiiskaasi oo uu ku dooday inuu damacsan yahay in mustaqbalka dhaw wada-hadalada labada dhinac oo looga wareego wada-hadalo loo furo madaxda dhaqanka ee Somaliland iyo Somalia.
Warar laysla dhex marayo goonaha Dadka Siyaasada ku dhex jiraa ku kulmaan ayaa sheegaya inay Habeen hore Odayaashan oo isku dhan ay la kulmeen Wasiirrada Madaxtooyada iyo Duulista hawada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi iyo Xirsi Cali Xaaji Xasan.
Kulankaasi ayaan la ogayn wax lagaga wada hadlay iyo natiijada uu ku dhamaaday, balse sida la wada ogsoonyahay 27 xubnood oo ka mid ah odayaashan ayaa shalay si kedis ah u ugu dhoofay Muqdisho, taasoo dareemo kale abuurtay.
Doodda ku saabsan Imaanshiyaha Weftigan ayaa si weyn uga dhex guuxaysa Bulshada reer Somaliland.
Ma cadda waxa soo bixi doona iyo mudadada ay sii joogi doonaan Magaalada Hargeysa Odayaashan loo hanjabay oo uu ka dhex muuqdo Nin hore Mucaaridka Somaliland ugu sawireen inuu Dilaal weyn ka yahay Mashaariicda iyo xidhiidhka ka dhexeeya Dawlada Somalia iyo Madaxtooyada Somaliland.
Ninkaas oo Magaciisa la yidhaahdo Faarax, ayaa maalmo hore ka soo dhex muuqday Weftigani markii ay yimaadeen, iyadoo Saxaafaduna dhawr jeer soo hadal qaaday ka mid noqoshadiisa weftiga.
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: editor@gobanimonews.com