Wednesday, May 7, 2014

Mudane Madaxweyne miyaad ka naxdey Musharaxnimada Muuse Biixi?


1379568_180538115466384_1373620502_n(1)Mudane  madaxweyne  miyaad ka naxdey  markii gudoomiye muuse biixi ku dhawaaqey in uu taagan yahay musharaxa kursiga dalkan ugu sareeye?




Waa maxay sababta  aad uga nixi kartaa? Sidii oo dalkan aaney cid kale ku uuneyn Miyeydaan  ku heshiin, markii darka kolba lagaa waabiyey  in aad falaadha iyo gabooyaha aad adigu qaadato hashaasna aad ku gabraarato oo marka aad biciidka ku disho, doorka dambana aad isaga u dhiibto oo markiisa biciidka shiisho.arimahaas oo meel ka dhac ku ah shacbiga reer somaaliland. Keligaa maaha ee hogaamiyayaasha jaguuga ah ee afrika badidooda ayaa sidaa yeela. Waana mida sahayata ugu dambeynta. Waayo, taasi waxay ka dhigan tahay in aad dadkii caayeyso oo leedahay caqli ma lihidin. Miyaanad ku odhan waxaa tahay baydari??? Dhoogta shubey. Miyaad ilowdey  Unrevealed principles of the party, qodobadii daaha dabadiisa ee xisbiga. Kuwaas  oo ahaa in aan gudoomiyaha leysla sharixi Karin.  In aan loo joojin dadkan  aan waxba fahmeyn ee  farta iska taaganaya sida Carabeyto iyo wadka. Isaga saaxiibkey Xasan Gaafaadhi waa iska daacad oo xisbi ku sheegan hore uma barane. Mudane madax weyne  maanta  orgiga aad soo rareyso  waa la garanayaa, waxad soo kicineysaa gaabarey. Xisbiga dhexdiisa iska sharaxa aad tidhaahdo. Hase yeeshee wax kasta oo  aad keentaa dad qaarkood  wax shido ah oo ay ku haysaaba ma jirto.waxaaney aaminsan yihiin in okiyaalaha qabiilka ee laysku duudsiyayo la bixiyo isla markaa laga guuro adiga iyo kan kale ee aad meesha dhigatrey. maalintii lagu soo  doortey shirkii  beelaha jeegaanta jigjiga yar iyo bariga burco  in uu  noqdo gudoomiyaha  shanta sano ee xisbi ku sheega KULMIYE. Shirkaas oo ay diideen iney ka soo qayb galaan beelaha  Cabaaye, Goljano , Qudhac dheer , Saaxil iyo Galbeedka burco. Kuwaas oo horeba u lahaa jeegaan siyaasadeed oo  waayadan habaasku ku yara dhacay isla markaa hadda u baahan in boodhka laga afuufo.  Qaarkoodna ay qaadayaan gabaygii  Faarax Nuur:




RAGG KAA GAQAY




 




RAFIIQ NIMAAD TIHIIN




 




TALLO LAGAA REEBEY




 




MEEL AAN LAGAA RABIN




 




INDHAHA LALAMA SII RAACO.




 




Kuwaas  waxan leeyahay fadlan gabaygaas oo kale ha qaadina, iyaga ayaa bahasha beelo beelo ku celiyey, iyaga ayaa baho baho ka dhigey. karis xun iyada ayaa ku la. Laakiin waxa leydinka rabaa in aad bixisaan okiyaalaha qabiilka ee beenbeenta ah jeegaantiina aad garataan. Waa idinku taageersanahay go aamada dhaxal galka ah ee aad qaadateen.  Mana shaqeynayaan gudi doorasho  oo magaca kulmiye hoosta ku haysta iyo noocii codadka dadka xadi jirey iyo server madaxtooyadu jabsato iyaga oo isticmaalaya add and remove programme. Codadka qaarna laga jarayo, qaarkoodna lagu darayo. Doorashadan waxa loo geli doonaa si adag xisbiyada mucaaridkuna waxa laga rabaa in aaney il duufin.




 




Allaa mahad leh




WACAYS AXMED MAXAMUUD




BARRE ADDUUNYO




Germany,Frankfurt




bareadunyo@gmail.com