Wednesday, May 14, 2014

Maxkamadda Gobolka Hargeysa oo Xukuntay Nin Itoobiyaan ah


Xeer-ilaalinta oo  gubtay $20,000 oo Dollar oo Foojari ah




Hargeysa(GNA)-Ku-xigeenka Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka, ahna Madaxa Xafiiska Xeer-ilaalinta Gobolka Maroodi-jeex Maxamed Mirre ayaa ku sheegay in Nin Itoobiyaan ah oo lagu qabtay Lacag Foojari ah  oo dhan $20,000 lagu xukumay Hal sano oo xadhig ah iyo Ganaax Lacageed.




Ninkan ayaa la qabtay isagoo Magaalada Hargeysa ka sarifanaya lacagtan Foojariga ah oo uu qayb ka mid ah Sarifleyaal ku  dhacay, sida uu sheegay Xeer-ilaaliyaha hadlay, kaasoo sheegay inay Dambi-baadhistu soo xaqiijiyeen inuu lacagtaa qayb ka mid ah sariftay oo ay Magaalada gashay.




“Bulshada waxaan u sheegaynaa inay iska jiraan dadka lacagta Foojariga ah sita”ayuu yidhi Maxamed Mire.




“sida ay xeet ilaalinta iyo Bilaysku caddeeyeen Ninkani wuxuu lacag Dollar ah oo labaatan kun gaadhaysa la soo galay dalka, dabadeed wuxuu ka sariftay sarifleyaal,ka dibna bilayska ayaa soo qabtay”sidaasna waxa yidhi Garsooraha Kiiskan dhegeysanayay oo hadlay.




Garsooraha ayaa ku dhawaaqay in la gubay dhamaan lacagtii Ninkaasi sitay ee Foojariga ahayd.




Lacagta ayaa lagu gubay  Maxkamadda gobolka horteeda, waxaana goob-joog ka ahaa Maxkamadda iyo xeer-ilaalinta Gobolka.




Dadka Itoobiyaanka ah ee Somaliland yimaada ayaa inta badan dano Ganacsi oo ay dalka waxyeelo ugu geystaan socdaalkoodu la xidhiidhaa, kuwaasoo qaar alaabooyin muhiim ah dalka kaga qaataan Lacag la’aan, qaarna ka xoogsadaan.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com