Sunday, May 11, 2014

Masuulyiinta Dawlada Hoose ee Burco Iyo Musuqii Dhacay Mudaddii ay Xilka Hayeen Q3aad


Waxaynu soo wadanay maqaal taxane ah oo aynu ku eegaynay waxayaabihii qaladka ahaa ee




Ay ku kaceen masuuliyiinta dawladda hoose ee burco hadaba waxaynu maanta ku dari doonaa Xoogaa arimo ah oo ay mariyeen dariiqii sharciga ahaa balse aynu ko horyano qybihii hore ee




Taxanaha ahaa wixii qabyadda ka ahaa sidaa lasocoteen waxaynu hore usoo sheegnay




Dhar arimood oo ay kamid yihiin arimihii wdadadda baarsiigo amma gaha hadba sida loo yaqaano




Waxaynu maqaaladdii hore ku tilmaamnay in jidkaas lagu lunsaday lacag la sheegay inlagu sameeyay




Balse aanay gelin lacagtaasi waxaanay dhamayd 100.000 kun oo dolar taas waxa waxaba kama jiraan




Ka dhigtay boodhkii durayga laga qaaday ee ay khatyaanka ka joogsadeen daweynaha xaafadaasi Ku Dhaqani iyo roobkii ka dambeeyay ee kadib markii uu da.ay biyihii is xanibay cirka isku shareereen




Waxaanay arintaas keentay in wadaddii dib loo fujiyo meelo ka midda




Sidoo kale waxa iyana hore aynu usoo tilmaamnay inay jireen laba cagaf oo ay soo iibiyeen




Rag ganacsato ah oo iyagu dawladda hoose ka qandaraasay soo iibinta cagafyadaas hadaba waxaa




Jirtay in cagfayadaas lagu soo dhaafiyay si sharci daro ah kastamka dekedda berbera oo lagaga




Soo saaray cashuur dhaaf aan sharci ahayn oo alagu sheegay in ay dawladda hoose leedahay




Markii laga soo saaraayay dekeda halkaasna cashuurtii dalka lagu lunsaday




Sidoo kale waxaynu soo sheegnay in ay jirto arin la xidhiidha iskaraabkii  la xaraashay iyo lacagtii




Lasiiyay oo aan ilaa hada meel lagu ogayn bal hadaba arimihaas oo dhan marka la eego waxay ina




Tusinayaan masuuliyad daro ka muuqata maamulka dawladda hoose gaar ahaan fulinta oo kala




Ah Moyarka Moyar ku xigeenka iyo Xoghayaha Fulinta ee dawlada hoose




Si kale hadaynu u eegno amma aynu dib ugu noqono arinta laxidhiidha iskaraabka waxa uu ahaa




Gaadiid waawayn iyo gaadiid yar yar oo tiradooddu gaadhaysay ilaa dhawr iyo tobon gaadhi




Hadaba waxa ay dawladda hoose soo iibsatay gaadiid xoogaa ah oo ay kamid yihiin 6 gaadhi oo Nooca qashinka qaada ah amma nooca loo yaqaano iska rogooyinka gaadhiga dabdamiska iyo




Booyadda daamurka walaaqda 4 nooho iyo gaadiid yaraya oo uu kamid yahay gaadhiga Gudoomiyaha degmadu oo dhamaantood sida la sheegay iyagu si sharciya ku soo




Galay gacanta dawladda hoose




Balse waxa taa bedelkeeda ah laba gaadhi oo ah nooca loo yaqaano wiishka ah




Mar qudha uun lagu dhex arkay xarunta dawladda hoose ku waas oo ay soo iibiyeen sedexda Fulintu waxabana kama oga xildhibaanadda golaha deegaanku waxana laga dareemi karayaa Halkaas in lagu lunsaday hanti qaran sababtoo ah lama soo marin dariiqii saxa ahaa




Mar hadii aanay waxababa kala socon mudanayaasha golaha deegaanku hadaba fariinta




Maqaalka ee maanta waxay ku kala socotaa laba qolo oo kala ah DAWLADDA DHEXE oo ay Mudantahay inay ka qaadato talaabadeeda waajib ee ku aadan xubinteeda kamid ah xubnahan




Fariinta kalena waxay ku socotaa mudanayaasha golaha deegaanka ee aanu soo dooranay waxanan Leeyahay mudanayaal waajibkiina ka guta waxaas oo dhibaato iyo musuq ah ee aan la qarin karin




LASCO Q4aad




by Sacad cali kaahin Raamalay Sacadplucky