Hargeysa(GNA)-Maareeyaha Xafiiska xidhiidhka Mucaawimooyinka WFP ee Somaliland Prof. Yuusuf Cismaan Garas ayaa Tacsi u diray Qaranka Somaliland iyo guud ahaanba bahda waxbarashada Geerida ku timi Alle ha u naxariistee Guddoomiyihii Waxbarashada Gobolka Togdheer oo Maanta Geeriyooday.
Yuusuf Cismaan Garas oo Gobanimonews soo gaadhsiiyay dhambaal Tacsi ah ayaa Marxuumka Illaahay uga beryey inuu Janadda ka waraabiyo intii uu ka baxayna samir iyo Iman ka siiyo.
Qoraalka ayaa u dhignaa sidan “Alle Ha u Naxaristii Waxa Maanta Duhurkii Abaaro 12:00 Duhurnimo Caasimadda Somaliland Ee Hargaysa ku Geriyoday Gudomiyihii Wasaradda Waxbarashada Ee Gobalka Togdheer Proff Cabdi Ahmed Siciid.
Hadaba waxaan halkan tacsi uga dirayaa Eheladii, asxaabtii iyo dhamaan umadda reer S/L ga'aar ahaan bahda waxbarashada Somaliland ee uu ka baxay, waxaan leenahay samir iyo iimaan hayna siiyo.
Marxuunkana Ilaahay qabrika ha u nuuriyo oo haka waraabiyo janooyinkiisa”
Inaalilaahi wa inaa Ilayhi Raajucuun