Monday, May 12, 2014

Maamulka Jubba Express oo fariin la xidhiidha xuska 18 May u diray Shacbiga Somaliland


Xawaaladda Juba Express Oo Shacbiga Somaliland U Diray Dhambaal Hambalyo Ah Munaasibadda 18-May Awgeed




JubahHargeysa (GNA) Maamulka Xawaaladda Juba Express Mudane Muuse Daahir ayaa dhambaal Hambalyo ah oo  ku wajahan munaasibadda 18-ka May u diray guud ahaan shacbi waynaha  Somaliland ee ku sugan gudaha dalka iyo dibadiisaba.




Maamulle Muuse Daahir Sidoo kale Waxa uu dadweynaha reer Somaliland ugu baaqay inay ilaashadaan nabad-gelyadda dalka, isla markaana ay dhinac uga soo wada jeestaan fal kasta oo saamayn xun ku yeelanaya ammaanka iyo xasiloonidda dalka.




Xawaaladda Juba Express oo ka mid ah shirkadaha gaarka loo leeyahay ee wadaniga ah, ayaa sida xaqiiqda ah waxa ay kaalin weyn oo mug leh ka qaadataa horumarka dalka iyo guud ahaan qaranimada Somaliland,  waxaanay maalmihii ugu dambeeyay ay shikada juba expess ay ku hawlanayd u diyaar garoowga xuska munaasibada 18-ka may, iyada oo ay shaqaalaha  maalmihii u danbeeyay si balaadhan ugu diyaar garoobeen dabaal dega xuska munaasiabda 18-ka May oo ku began maalinta Sabtida ee soo socota.




Maamulaha xawaalada Juba Express isagoo ku hadlayay magaca shirkadda Juba Express, ugu horrayna waxa uu dhambaal hambalyo ah u diray  shucuubta Somaliland oo uu u rajeeyay inay sanadkan sanadkiisa kale ku gaadhaan horumar, xasilooni iyo barwaaqo.




 “Waxaan dhambaal hambalyo ah u dirayaa dadweynaha Somaliland ee ku dhaqan gobolada kala duwan ee dalka iyo dalka dibadiisaba munaasibadda xuska 23 guuradda ka soo wareegtay  dib ula soo noqoshada madax-banaanida Somaliland oo ku beegan maalinta 18-ka bishan May,” ayuu  yidhi maamulaha shirkada xawaalada Juba Express mudane Muuse Daahir Yuusuf, waxaanu intaa raaciyay “Shaqaaluhu maalintaasi waxay dhammaantood soo wada xidhan doonaan Astaamaha 18-may iyo  dirayska aanu ku shaqayno oo cusub, garamo iyo calanka Somaliland,”




Waxa kale oo Maamulka  Xawaaladda Juba Express ku baraarujiyay  guud ahaan  shacbiga Somaliland ee ku dhaqan daafaha dunida iyo  gobollada dalka  gaar ahaan Hargeysa  iyo nawaaxigeeda inay isugu soo baxaan dabaal-degan si ka weyn sidii kuwii hore,isagoo ka hadlayana waxa uu yidhi,. “ Xuskani waa uu ka duwanaan doonaan xusaskii hore, waxaanu dadweynaha  ka codsanaynaa inay si xoog leh oo xamaasad leh ay ugu soo baxaan isla markaasina ay si dhab ah u tusaan beesha caalamka in ay ka go’antahay madaxbanaanidoodu.”




Maamulka iyo Shaqaalaha Xawaaladda Juba Express  ayaa maalmihii u dambeeyey ku hawlanaa kor u qaadka iyo waynaynta xuska munaasibadda 18,may ee fooda inagu soo haysa iyagoo  soo bandhigay astaamo waawayn oo ay ku muujinayaa maalinta gooni isu taaga Madaxbanaanida qaranimada Somaliland, waxaanay meel walba ka taageen Calamo iyo astaamo kale oo badan.




Dhanka kale waxa uu ugu baaqay guud ahaan bulshada Reer Somaliland gaar ahaan kuwa dalka gudihiisa ku sugan in ay illaaliyaan oo ay meel uga soo wada jeestaan sugida amniga dalka isagoo ka hadlayana waxa uu yidhi.”waxa aan shacbiga Somaliland ugu baaqayaa  inay ilaashadaan nabad-gelyadda dalka dhinacna uga soo wada jeestaan fal kasta oo saamayn xun ku yeelanaya ammaanka iyo xasiloonidda dalka.




Geesta kalena guddoomiye ku xigeenka ururka Xawaaladda Somaliland  Mudane Muuse Daahir ayaa isagoo ku hadlaaya magaciisa iyo kan ururkaba waxa uu dhambaal Hambalyo ah oo kan la mid ah u diray guud ahaan shacbi waynaha  Somaliland ee ku sugan gudaha dalka iyo dibadiisaba.




guddoomiye ku xigeenka Sidoo kale Waxa uu bulshadda reer Somaliland ugu baaqay inay ilaashadaan nabad-gelyadda dalka iyo xasiloonidooda isla markaana ay dhinac uga soo wada jeestaan fal kasta oo saamayn xun ku yeelanaya ammaanka iyo xasiloonidda dalka.




Sikastaba ha ahaate qaban qaabada udiyaar garowga xiisada iyo xamaasada magaalada badhan ayaa ka duwan sidii sanadihii hore shacbiga reer somalilnad ay ku qaabili jireen xuska iyo jiritaanka maalinta gooni isu taaga qaranimada somaliland ee 18may Iyada oo dhamaanba wasaaraddaha hay’adaha kala duwan ee dawlada, Ciidamadda jaamacadaha, dugsiyada waxbarashada, Hayadaha dawliga ah iyo kuwa gaarka loo leeyahay iyo sidoo kale dadka shacabka ahiba ay ku hawlan yihiin sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen dabaal dega maalinta qaran ee 18-ka May.




Axmed Macalin




Hargeysa/Somaliland