Thursday, May 1, 2014

Ismail Cumar Geelle, Madaxwaynaha Jabuuti Iyo Kaalinta Uu Kaga Jiro Maafiyada Afrika‏


Qormooyinkeenii Hore waxaynu ku soo qaadanay Maamulka Jabuuti Iyo Siduu U Shaqeeyo Iyo Hab Maamul Qaybsiga Beelaha Somalida Wada Dagan Jamhuuriyada Jabuuti, Haddaba Waxaynu Qormadeenan Aynu Ku Soo Qaadan Doonaa Madaxwaynaha Jabuuti Iyo Hab Dhaqankiisa , Doorka Uu Ku Leeyahay Khaarijinta , Dilalka Qorshaysan Iyo Siduu Uga Ganacsado Hubka , Lacagaha Foojarida Ah , Maandooriyaha .




Ismaacil Cumar Geele Waa Madaxwaynaha Jamhuuriyada Jabuuti , Wuxuu-na Ku dhashay Wadanka Ethopia Magaakada Diridhaba Ee Ay Somalidu Dagto ,  Ismaaciil Cumar Geelle, (Dhashay 27 Nofeember 1947) waa madaxweynaha Dalka Jamhuuriyada Jabuuti waxaana talada dalkaasi loo doortay sanaddii 1999-kii xiligaasi oo uu xilka kala wareegay madaxweynihii isaga ka horeeyey Marxuum Xasan Guuleed Abtidoon kaasi oo jabuuti madaxweyne ka soo ahaa tan iyo markii ay jabuuti ka xorowday guumaystihii faransiiska sanadku markuu ahaa 1977.. Madaxwayne ismaaciil cumar geele waxa hadana markale loodoortay jagada madaxtinimada jabuuti.Wuxuu Waxbarashadiisii Hoose Ku Soo Qaatay Isla Magaalada Diridhaba .




Ka Dib Markay Jamhuuriyada Jabuuti Xoriyadeedii Ka Qaadatay Gumaystihii Fransiiska , Waxaa Madaxwayne Loo Doortay Xasan Guuleed Abtidoon Raysal Wasaare Waxaa Loo Doortay Diini Axmed Diini . Sababaha Soo Dadajiyay Xoriyada Jabuuti Waxaa Ka Mid Ahaa Ka Dib Markii Dadka Reer Somaliland Ay Xornimadii Ka Qaateen Mustacmarkii Ingiriis Waxay Baadidooneen Sidii Shantii Soomaliyeed Ay U Wada Noqon Lahaaayeen Waddan Kaliya Waa Somalida Ethopia , NFD-da Kenya , French Somaliland , Italiya Somali , Iyo British Somaliland. Waxaa 26 June 1960 Midoobay Somalidii Waqooyiga Iyo Somalidii Koonfurta Waxaa La Sameeyay Calan Ay Xidig Shan Geesi Ihi Dhexda KaGA Taalo Taas Oo Micnaheedu ahaa sidii shanta somaliyeed . Haddaba Halgan Dheer Oo Dadkii Somaliyeed U Galeen In French Somaliland Xoriyadeeda KA Qaadato Faransiiska , Waxaa Dhabarka Ka Jabiyay Xasan Guuled Kaas Oo Qaatay In Meesha Laga Saaro Fikradii Ahayd Dhulki Somalida Ee Faransiisku Gumaysan Jiray Taas oo Loo Badalay Dhulka Qabiilka Ciisaha Iyo Canfarta , Dawladnimadiina Ay Qaybsadaan Ciise Iyo Canfari Waana Heshiiska (ISSA AND ANFAR TRETY). Waxaa La Khaarajiyay Halgamayaashii Gumaysi Diidka Ahaa Ee Doonayay Inay Walaalahood Somlida Ku Biiraan , Waxaa La Sameeyay Dacaayado Raqiis Ah Oo Odhanaaya Cali Caarif Gumaystaha In lagu hoos jiruu doonayaa waxaa gidaarada lagu sawiray cali caarif oo dhiig somali ah jaqaaya , siduu sheegay madaxwaynihiii hore ee somaliland maxamed xaaji ibraahim cigaal ILAAHAY HA U NAXARIISTEE , Oo Aad U Baadi Doonay  Israaca Shanta Somaliyeed Ayaa Sheegay Mar Uu Khayriyada Hargaysa Ka Hadlaayay Xuskii 18may 1997 In umada somaliyeed been loo sheegay oo CALI CAARIF Rabay israaca somali laakin Xasan Guuleed Uu Taa fASHILAY Qaatay-na in Canfar iyo ciise Loo qaybsado oo somalida kale laga tago waayo Isaaqa Iyo Gadarbuursi waxay ahaayeen aqoonyahankiii jabuuti ee gumaysi diidka waxayna doonaayeen in Ay Somalida la midoobaan sababtaas ayuu faransiiku heshiiskan u sameeyay xasan guleed iyo diini axmed diinu ugu doortay hogaanka jabuuti.




Haddaba Madaxwaynihii Wakhtigaas Xasan Guuleed Abtidoon Waa Qabiilka Ciisaha , jufada Mamaasan , Wuxuu Adeer U Ahaa Madaxwaynaha HADDA JABUUTI Kaligii taliye Ismacil Cumar Geele , Wuxuu Ismacil U Magacaabay Maamulaha Madaxtooyada . Markii Uu U Magacaabay Xilkan , Ismacil Cumar Geele Wuxuu Khamriga Ku Cabi Jiray Xaafada KAARTEE DEE (Q.2) Ama Xaafada Labaad . Waa Xaafada Ay Ku Taalo Meelaha Dumarka Xun-Xun Lagu Kireeyo , Khamriga Lagu Cabo , Khamarkana Lagu Ciyaaro , Wakhtigaas Ismacil Cumar Geele Wuxuu Kirayn Jiray Dumarka Xun Xun Oo Uu Ethopia Ka Keeni Jiray Maadaama Uu Afka Xabashiga Aad U Yaqaano , Ethopia Ku Dhashay . Siday Wararku SHeegayan Wuxuu Ahaa Nin Axmaq Ah , Aan Nixin Lacag Jecel , Uu Lacag Meel Walba U Galaaya , Siduu U Helana Wax Walba U Iibinaya . Xasan Guuleed Wuxuu Magacaabidan Maamulakaha Madaxtooyada Ugu Magacaabay Maadama Aanay Jirin Ciise Badan oo wax bartay , oo uu ismacil loogu qaatay in kasta oo aanu Ismacil Dugsi Sare IYo Jamacd Mid-na galin Haddana Afafka Faransiiska , Iyo Xabashiga Uu ku hadlo .




Sidaas Ayuu Ismacil Cumar Geele Siyaasada Ku Soo Galay Wuxuu Noqday Nin Awood Badan Ama Raysal Wasaare , Wuxuu Booskii Raysal Wasaaraha Ka Saaray DIINI AXMED DIINI OO Ka soo jeeda Qabiilka Canfarta Waa Sababta keentay in Diini Iyo Beeshiisii Canfareed ay qoriga qaataan lana dagaalamaan dawlada Ciisaha.




Haddaba Ismacil Cumar Geele Oo Khamriga aad u caba Iska Dib Jir AH , Maamulaha Madxtooyada ah ayaa wuxuu markaas guursaday Khadra Xayd oo ahayd gabadh aqoonyahan ah macalimad markaas ahayd isla markaasna ahayd gabadhii ugu horeysay ee dumarka jabuuti wax barata , ahna gabdh maskax badan aya dhistay , kana soo saartay badwayntii waldia uu ku jiray .




Muddadii uu hadaba joogay Maamulaha Madaxtooyada Isaga Iyo Taliyhii Ciidanka Booliska Jabuuti YAASIN YAABE GALAN Oo ISAGUNA AH QABIILKA CIISE JILIBKIISUNA YAHAY FUR-LABE . Oo ay Ismacil Cumar Geele Ka Wada Yimaadeen DIRIDHABA , AYAA Xasan Guuleed Isna Markay Xornimada Qaateen u magacaabay taliyaha bilayska jabuuti.




Haddaba labadaas nin waxay tacadiyo , dilal , Xadhig u gaysteen dad yawgi somalida ahaa ee aan ciiisaha ahayn ee aqlabiyada magaalada jabuuti ahaa , haday ganacsatdii , aqoonyahankii shaqaalihii dawlada , waayo waaggaas Ciise Jabuuti ma joogin oo badidoodu waxay daganayeen ethopia waxayna iska ahaayeen dad badaw ah , markaas dadka wax bartay ama dadka ganacsiga wadanka hayaa waxay ahaayeen Qabiilada ISAAAQA IYO SAMAROONTA. Hadaba labadaas qabiil ayay ugaadhsadeen .




Waa Nin Nooceeya Ismaicl Cumar Geele? Kaalintee Ayuu Kaga Jiraa Maafiyada Aduunka? Waa Maxay Sababta Ugu Jirta Ka Gancsiga Hubka Iyo Daraagada? Waa Maxay Sababta Uu U Maamulka IYo Gancsiga Uga Ilaaliyo beelaha Isaaq Iyo Samaroon ? Jabuuti Yaa Xaqa U Siiyay Ciise Iyo Canfar Maamulka Wadanka? Khaarijiintii Ismail Geele Ee Qareenkii Faransiiska Iyo Waliba Shakhsiyaad Carab Ah , Somali , Iyo Dad Yaw Kale ?




Sanadku Markuu ahaa 1999 ayaa madaxwayne loo doortay Ismacil Cumar Geele Oo Aadeerkii Xasan Guuleeed Xilka Ku Wareejiyay . Ka Dib Markuu Kurisgii Fadhiistay Wuxuu La Kulmay Dhaqaale Xumo , faransiiska oo dhaqaalihi uu siin jiray ka joojiyay Markuu Gofane Ismacil Cumar Geele Talada Dalka Qabtay Waxaana Sabab U Ahayad Wuxuu Khaarajiyay Ama Dilay Garyaqaan U Dhashay Wadanka Faransiiska Markuu Ahaa Maamulaha Madaxtooyada isaga oo ku Qarxiyay Hudheel.




By: WMP Warsan MP Som




La Soco.........................