Thursday, May 8, 2014

Hargeysa:Oday dhaqameedyo Muqdisho ka yimi oo ka waramay Ujeedka Socdaalkooda


“Waxaanu u nimi saddex arrimood oo ka madaxbanaan Siyaasadda…”




Waxa hore loogu sii abaabulay Cuqaal iyo Salaadiin qaabillaya




Hargeysa (GNA) – Magaalada Hargeysa, waxa maanta galinkii dambe soo gaadhay Odayaal dhaqameed tiro badan oo ka socda Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.




Arrintan ayaa dood badan ka dhex abuurtay tan iyo markii ay hadal-heynteedu soo baxday todobaadyo ka hor.




Dawladda Somaliland ayaan haba yaraatee ka hadal imaanshiyahooda iyo inay ogolaatay weftigan abaabulan ee ka yimi Koonfurta Soomaaliya oo ay Somaliland ku dhawaaqday sanadkii 1991-kii inay ka go’aday.




Xubin u hadlay Hogaan dhaqameedka Hawiye




Hasa-ahaatee xubin ka mid ah Madax-dhaqameedkan oo saxaafadda la hadlay ayaa si kooban uga waramay ujeeddada socdaalkooda Somaliland.




Xuseen Xasan oo ka mid ah Odayaashan ayaa tilmaamay in safarka ay ku yimaadeen Hargeysa uu ka madhan yahay siyaasad “Adeer, safarkayagu maaha mid siyaasi ah, waxaanu u nimid Somaliland saddex arrimood, inaanu ugu hambalyeyno wixii ay qabsadeen reer Somaliland, inaanu ka baranno wixii ay dhisteen iyo inaanu ku biirino wixii aanu talo haynno” ayuu yidhi, Xuseen Xasan, oo ka mid ah Madax-dhaqameedka Soomaaliya ee Hargeysa ku yimid safarka, waxaanu intaasi ku daray “Saddexdaa shay ayaanu u nimid, safarkayaguna siyaasad wuu ka madax banaan yahay..”




Xuseen Xasan, waxa uu sheegay in mudada ay dalka ku sugnaanayaan ay la kulmayaan Madax-dhaqameedka iyo Guurtida Somaliland “Guurtida iyo Madax-dhaqameedka Somalilandna kulamo ayaanu la yeelan doona..” ayuu yidhi.




Safarka odayaal dhaqameedkani ku yimaadeen Caasimadda Somaliland ee Hargeysa, ayaan ilaa hadda waxa aan ka hadal xukuumadda Somaliland iyo Madax-dhaqameedka dalka, balse waxa la filayaa in ilaa Khamiista berri ay xukuumaddu ka hadasho.




Dareenka Shacbiga ee imaanshiyaha weftigan la xidhiidha ayaa sii kordhay, kaddib markii Saxaafadda laga qariyay soo dhaweyntooda, isla markaana dawladdu dhabarka dhulka u dhigtay soo dhaweyntooda.




Goobaha lagu kulmo ayaa caawa ilaa maanta si weyn loogu hadal hayay mawduuca ku saabsan weftiga Soomaaliyeed ee Magaalada Hargeysa lagu soo dhaweeyay.




Abaabulo hore uga socday Hargeysa




Magaalada Hargeysa ayaa maalmihii ugu dambeeyay waxa ka socday abaabul hoose oo lagu uruurinayo Madaxdhaqameedyada dalka,sida waxa Gobanimonews u sheegay Madaxdhaqameed reer Hargeysa ah.




Abaabulkan ayaa lagu yeedhayay Cuqaasha iyo Salaadiinta, iyadoo si hoose hawshaasi u socotay.




Dhaqdhaqaaqaasi ayaa socday ilaa todobaadkii hore oo Wargeyska Madaxbanaan ee Geeska Afrika  shaaciyay imaanshiyaha kontomeedyo hogaan dhaqameedyo ah oo Hargeysa ku soo jeedda.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com