Darreeno amni oo ka dhashay Dhacdooyin is-xig-xigay shalay iyo Maanta oo Ganacsiga Shidaalku sababay...Hoos ka daawo.
Hargeysa(GNA)-Darreeno kala duwan ayaa laga bixinayaa Dab ka Qarxay Maalintii labaad booyad Shidaal sida Magaalad Hargeysa ee Caasimada Somaliland.
Hal qof ayaa ku dhintay ilaa saddex kalena waxa ka soo gaadhay dhaawacyo, kaddib markii Booyad shidaal sidaa ku qalimantay agagaarka xaruntii hore ee Hay’adda UNICEF, iyadoo ka sii baxaysa meel tiir ah, taasoo ka hor intaanay qarax weyn oo dab dhaliyey ka kicin, jiidhay guryo yar yar oo Buushash ah iyo dhismeyaal kale.
Muuqaal laga baahiyay Telefishanka Bulsho, ayaa laga aryey Dab xoogan oo ka holcaya goobta Gaadhigu ku dhacay.
Halkan ka Daawo:
Goob-joogeyaal ayaa Gobanimonews u sheegay inay dadka waxyeelladu gaadhay ahaayeen kuwii ka ag dhadhowaa goobta Shilku ka dhacay.
Goobta Shilku ka dhacay ayaa wax yar dhinaca waqooyi kaga beegan xarun Sirdoonka Ingiriisku ku leeyihiin Magaalada Hargeysa oo amaankeeda aad loo adkeeyo.
Ma jiro wax war ah oo ilaa hada ka soo baxay laamaha amaanka waddooyinka iyo Shirkadda Gaadhigu u rarnaa toona.
Laakiinse dhacdadan ayaa timi maalin kaddib markii dab ka kacay Kaalin Shidaal oo Gaadhi Booyad ahi shidaal ku shubayay, dabkaasoo sababay gubashada dhamaan kaalinta Shidaalka iyo qaybo ka mid ah Dhismaha Hudheelka iyo Dukaanka Kaah Business Center oo Kaalinta gubatay ku hor taalay.
Dhawr qof ayaa ku dhaawacmay dabkaasi shalay, waxaana ku gubtay ilaa toban Gaadhi oo goobta yaalay.
Dadka qaar ayaa xaasaasiyad dhanka amniga ah ka muujiyay dhacdooyinka is xig-xigay ee Shidaalka laga Ganacsadaa sababay.
“arrintan waxa sababay labadii maalmood ee ugu dambeeyay waxay u baahantahay Baadhis”sidaasi waxa yidhi mid ka mid ah Bulshada reer Hargeysa oo wariyeyaasha Gobanimo la hadlay.
Dabka ayaa wali halis ku haya bulshada ku dhaqan caasimada Hargeysa, sababbo la xidhiidha yaraanta dab-damiska iyo magaalada oo sii kordhaysa.
Hase ahaatee Maayirka Caasimadda hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid ayaa ku bushaareeyay inay shan dab-damis oo cusub ay soo gaadheen, kuwaasoo si buuxda uga hawl-geli doona qaybaha kala duwan ee Magaalada, waxna ka tari doona gurmadyada dabka ee noocan oo kale.
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: editor@gobanimonews.com