"Dawladii Carta Markii la dhisay waxaan ku taliyay in Hargeysa laga dejiyo,si aan dalku u kala googo'in.."
“runtii Siyaasadda Somalia wax badanbaa qabyo ah wali, laakiinse meel fiican ayay wax marayaan”.
"Kalkaaliye Caafimaad ilaa Musharax madaxweyne. hoos ka Daawo Waraysi oo Taariikhi ah..
Garowe(GNA)-Dr. Maxamed Xirsi Ducaale wuxuu ka mid ahaa Musharixiintii Kursiga Madaxweyne ku-xigeenka Puntland u tartamay sanadka 2014 Doorashadii Madaxtinimada.
Waa siyaasi Ruugcadaadi ah, oo shaqooyin badan soo qabtay tan iyo sanadkii 1969-kii oo uu Waxbarashada ku dhamaystay Magaalada Hargeysa.
Waa wasiir u dawlihii hore ee Wasaarada Caafimaadka Puntland, ee Xukuumadda Cabdiraxmaan Faroole ee dhawaan la bedelay, waxaanu xilal kala duwan ka soo qabtay Maamulkan.
Dr. Maxamed Xirsi ayaa siyaasadda Somalia ku soo jiray tan iyo markii ay bur-burtay Dawladdii dhexe ee Somalia sanadkii 1991-kii, waxaanu ka mid ahaa siyaasiyiintii tan iyo xiligaasi ku xadfanaa sidii dawlad loogu dhisi lahaa dalka.
Hase ahaatee wuxuu arrimaha siyaasadda Somaaliya faraha kala baxay, isla markaana dhinaca Puntland ku soo laabtay sanadkii 2009-kii markii ay dawladda Cabdiraxmaan Faroole talada la wareegtay.
Ka hor bur-burkii Dawladdii dhexe ee Somalia, wuxuu ka soo shaqeeyay Hay’addo kala duwan oo dawli ah, sida Wasaaradda Caafimaadka Somalia, Bilayska iyo meelo kale, isagoo wakhtigaasi ilaa hadana xubin ka ah Ururo kala duwan oo ka shaqeeya arrimaha bino-aadannimada.
Dr. Maxamed Xirsi ayaa sidoo kale macalin ka noqday Jaamacaddo ku yaala dalka Ingiriiska, isla markaana xubin sare ka ahaa Guddidii qorista Afka Somaliga.
Sida ka muuqatay C.V-giisii shaqo ee uu soo bandhigay markii uu u tartamay Kursiga Madaxweyne ku-xigeenka Puntland, waa xubin halbeeg u noqon kara u shaqeynta Umaddiisa, tan iyo markii waxbarashada ka dhamaystay Hargeysa iyo Muqdisho dhawr iyo afartan sanadood ka hor.
Hadaba wasiir Maxamed Xirsi ayaa waraysi dheer oo uu siiyay Gobanimonews, kaga hadlay arrimo badan oo ku saabsan waayo-aragnimadiisa siyaasaddeed ee arrimaha Somalida iyo waliba qodobo kale oo muhiim ah.
Dr. Xirsi ayaa waraysigan kaga waramay Xilalkii kala duwanaa ee uu ka soo qabtay Somalia, Shirarkii uu ka soo qaybgalay ee Somalida, aragtidiisa ku aadan Marxaladda waddanku hada marayo, wada hadalada u dhexeeya Somaliland iyo Somalia, sida uu arko isbedelka maamul ee k a dhacay Puntland iyo mustaqbalkiisa siyaasaddeed.
“markii dawladdii Cabdilaahi Yusuf meesha ka baxday waxaan ku soo noqday Puntland ee aan yaraantaydii ka shaqaynayay, waxaana lay magacaabay Wasiir ku-xigeenka Caafimaadka, taasoo aanu meel hoose ka soo bilownay hadana meel wanaagsan wax noo marayaan”ayuu yidhi isagoo ka hadlayay dib uga hawl-galkiisii Puntland.
“Waan sii wadayaa hawsha samo-falka Caafimaadka ee aan umadda u hayo, waayo shaqada aanu haynaa waa samo fal mar walba”ayuu hadalkiisa raaciyay.
Halkan ka Daawo Waraysiga oo dhamaystiran:
Saleban Cabdi Cali
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: curad1986@hotmail.com