Waxa looyaqaano hawlkarnimadu waa deeq ilahay baxsho oo uu cida uu doona siiyo cid kaga caban kartaana ma jirto hasayeeshee waxay xumaataa marka hawlkarka laga tago ee loo tago waxma tare laga heeryo dhigay oo ku eri iyo ka eri aan midna lahayn waliba marka uu wax xumeeyana lagu amaano isla markaana uu ka dhaxlo dalacaad iyo wanaajin.
hadaba bal aan soo qaadano maahmaahda somaaliyeed ee tidhaahda soomaalidu ninkay baraarka kaga ilwayday geela u dirtaa taasi oo uu macneheedu yahay nin isagu meeshii uu hayeyba gabay oo ku fashilmay marka meel kasaraysa loo dhiibo maxaa dhacaaya waxaa dhici doona wax aan lamahadin donon isla markaana farta dhexda laga qaniino waay waxaa ninkan lala doontay fashilaade lalama doonan inuu guulaysto waxna soo kordhiyo.
sidaa cagsigeedana waxaa dhacda in nin geela loo diray oo xariif ku ah raacista geela iyo agaasinkiisa lagu yidhaaho aduu geela kuma wacnide waxaad ku wacan tahay adhiga taasina waxay keentaa inuu ninkaasi niyad jab ka qaado hawsha loo xilsaarayna ka soo bixi waayo kuna fashilmo ilayn ma yaqaano sida adhiga loo agaasimo ee loo raaco ama loo ilaasho waxaa kale oo dhici karta in uu is dhaho iska yara seexo xiliga duhurka oo badanaaba geel jiruhu seexdaan geeluna inta badan waa xasilaa waana iska hor iyo jeedsaa ninka eegayaana waa iska yara seexdaa hadaba isaga oo ninku moodaaya in la iska seexankaro dabeeto dacawadu layso halkaana waxaa ka iman karta dayacad xoogan oon lamahadin iyana.
sidaa awgeed ayaa ay tahay abuuritaan ilahay in qof waliba meel ku wacan yahay isla markaana lagu halayn karo hawsha loo igmaday dhinaca kale waxaa iyana rabaani ah in qofba meel kuwacan yahay midka kalana meel ku xun yahay markaana waxaan dhihi karnaa ma jiro qof wax walba ku wacani waxaanay tahay in qofkastaba meel lagu ogaado laguna daba galo waxa uu wanaajiyana lagu abaal marsho.
dhinaca kale waxaan u baahanahay in ninka shaqo xumo layimaada isna lagu abaalmariyo oo isna lagu daba galo hadii ninka ugu shaqda xun ee mukharibka ahna la inaga qabto oo cida ay markaa khusaysaa ee ay shaqadeeda tahay inaga qiimeeyaan laakiin haduu shaqo uu xumeeyay hadana dalacaad ku helo waxay u muuqanaysaa in aan dhamaanteen rabnay in uu ninkaasi ama gabadhaasi sidaa yeelo.
waxaad maanta arkaysaa waxyaabo u daliil noqonkaraaya arintaasi aan kasoo hadalay oo kuu sheegaysa in ay sidaasi jirto oo aan fahmi kari waynay inaan marka hore nin waliba meesha uu ku wacan yahay loo taba baro isla markaa lagu dhiira gasho shaqo wanaaga uu layimaado haduu wax xumeeyana lagu toosiyo oo la saxo.
aduunyada wax ku qiimeeya oo kugu qiimeeya shaqada aad bulshadaada u hayso kugu kormeera hadaad waydo waxaad iska noqonaysaa sidaa daa ish dhinaca uu doonaba wax u wada.
taasi markaad eegto waxaa kugu soo noqonaysa ama aad xasuusanaysaa weedha ah dayac oo dalac taasi oo macneheedu yahay hawshi laguu xilsaaray dayac oo ha qaban banaana kaga tag dabeeto halkii ay ahayd in lagu abaaalmariyo oo lagugu ciqaabo dayaacada aad heshaba dalacaad.
W/Q: JAMAAL CABDILAAHI MUXUMED ( ABU CIZA