Tuesday, May 6, 2014

Burco: Bilayska oo Xabsiga ku guray Arday Iska-hor imaad “Qabiil” dhex maray


Iska hor-imaadyada qabyaaladaysan ee Dugsiyada Dawladda u dhexeeya oo wali ka sii socda Burco..




DSC00031Burco(GNA)-05.05.2014-Ugu yaraan labaatan Arday oo kuwa Dugsiyada sare dhigta ah ayaa Maanta Xabsiga loo taxaabay Magaalada Burco, kaddib markii iska hor-imaad qabyaalad salka ku hayaa dhex maray Ardayda.




Wasaarada waxbarashada iyo maamulka Gobolka Togdheer ayaan wali maaro u helin iska or imaadyo ka dhaca dugsiyada sare ee Gobolka Togdheer kuwaasoo ku salaysan qabyaalad ay ardayda Dusiyadaasi isu dagaalaan muddooyinkan dambe.




Bishii labaad ee sanadkan ayaa iska hor-imaad dhex maray arday Dugsi wada dhiganaysay Magaalada Burco, waxaanay taasi sababtay inay Xukuumaddu Olole la dagaalanka Qabyaalada ah oo ardayda lagu wacyi-gelinayso ka fuliso Magaalada, hase ahaatee arrintani waa mid wali soo noqnoqonaysa  tan iyo markii ay dawlada siilaanyo talada dalka la wareegtay.




Ardaydan ayaa saaka saldhiga dhexe ee magaalada Burco loo taxaabay, kuwaasoo  wax ka baranayay  Dugsiga sare ee Sheikh Bashiir oo ah Dugsigii ugu horeeyay ee Magaalada laga dhisay waxbarashada sare.




Dadwayanaha reer burco, ayaa is waydiinaya waxa arimahan ay xal ugu wayday Dawlada iyo maamulka gobolku maadaama ay arintani nabadgelyo daro ku keeni karto gobolka.




Arimaha  farta lagu fiiqayo ee a loo sibirsaarayo iska hor-imaadyada ardayda  waxaa ka mid ah Dugsiyada dawlada oo isu bedelay kuwo ay dad yeesheen isla markaana ay Dugsiyada qaar oo uu ka mid yahay  dugsiga Sheukh bashiir aan laga bedelin maamulkiisa 18 sanaddood




 “ma yeelayno in Maamule Dugsi iska yeesho oo uu sideed iyo Toban sano iska joogo waa in wax laga qabtaa”Sidaas waxa yidhi Wasiiru dawlaha Maaliyada Somaliland Cismaan Saxariid (Cadaani) oo bishii Feberuary Khubad u jeedinayay Arday Dugsi waxbarasho ku jira.




Wasiirka ayaa  kormeer uu kaga wacyi galinayay ardayda iyo dhalinta Burco qabyaalada  ka waday magaalada Burco, xiligaasi.




Laakiinse ilaa hada waxba iskamay bedelin arrinta uu wasiir Cadaani xiligaasi ka dhawaajiyay.




Axmed Muuse Maxamed




Gobanimonews




Burco Office




Email: editor@gobanimonews.com