Hogaamiyaha Dhaqdhaqaaqa Boko-xaraam Abubakar Shekow, ayaa caddeeyay inay Maleeshiyaadkiisu af-duubeen in ka badan 200 oo Gabdhood oo laga kaxaystay goob waxbarasho iyagoo Imtixaan ku jira, saddex todobaad ka hor Magaalada Jibokh ee ku taala Waqooyi bari ee dalkaasi.
Madaxweynaha Nigeria Good luck jonathan ayaa axadii shalay Dadweynaha Reer Nigeria u sheegay inuu soo deynta Gabdhahaasi ka shaqaynayo, isla markaana uu xaalad kasta u waajahayo.
Hogaamiyaha Boko-haraam ayaa Telefishanka ka sheegay inay gacanta ku hayaan Gabdhahan, laakiinse tafaasiil dheeraad ah kamuu bixin Xaalada ay sugan yihiin iyo meesha lagu hayo toona.
Warkan ka soo baxay Abubakar Shekhow ayaa sii kordhiyay walaaca iyo cabsida ay ku suganyihiin qoysaska Gabdhaha la af-duubay oo tan iyo markii la kaxaystey u dheg taagayay war inay ka helaan ubadkoodii.
Kooxda Boko xaraam ayaa wali dagaallada ka sii wada Gobollada waqooyi Barri ee dalka Nigeria oo ay doonayaan inay dawlad Islaami ah ka dhisaan.
Bishii la soo dhaafay ayaa waxa lagu dilay Gobolkaasi in ka badan lixdan Arday oo Dugsi waxbarasho lagu weeraray.
Dalka Nigeria ayaa ka mid ah Wadamada Afrika ee Dibada u dhoofiya Shidaalka iyo Macdanta.
Dagaallo salka ku haya dhinaca Diimaha ayaa ka tagnaa shantii sanadood ee ugu dambeeyay.