Cabdifataax Geesaay: Waan ka bad-baaday weerarka Alshabaab
Al-shabaab: 20-baa ku dhintay Qaraxa
Muqdisho(GNA)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Cabdiwali Sheekh Axmed Maxamed ayaa ku dhawaaqay inay Dawladdu diyaarad gurmad ah oo soo qaadaysa dadkii ku dhaawacmay qarax galabta Baydhabo ka dhacay ay dirayaan.
Ugu yaraan 12 Ruux ayaa ku dhintay oo Saraakiil ciidan ku jiraan, tiro aan wali sugnayna waxa ka soo gaadhay dhaawacyo, weerar ismiidaamin ah oo galabta lagu qaaday Kolanyo uu ka mid ahaa Guddoomiyihii hore ee Gobolka Bay Cabdifataax geesay, kaasoo bartilmaameedka weerarku ahaa isaga balse ka badbaaday.
Weeerarkan waxa sheegatay Masuuliyadiisa Kooxda Alshabaab.
War ka soo baxay Dawladda.
Reysal-wasaare Cabdiwali oo caawa ka hadlay weerarkan ayaa ugu horayn tacsi u diray dadka ay ku dhinteen eheladdooda aan waxba galabsan qaraxan.
Waxa kale oo uu xusay Ra’iisul Wasaaruhu in dhaawaca halista ah uu u dirayo diyaarad ka soo qaadda magaalaada, taasoo xukuumaddu ka taageeraysaa maamulka maxalliga ah sidii uu arrinkan naxdinta leh u wajahi lahaa.
“Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa dhammaan ehelkii iyo qaraabadii dadkii ku geeriyooday qaraxii maanta ka dhacay magaalada Baydhabo. Waxaan Allah u weydiinayaa muwaadiniintaas ay gacanta ka xaqa daran dishay inuu naxariista Jannada ku soo dhoweeyo.
“Dadka dhaawaca ah waxaan Allah u weydiinayaa inuu caafimaad degdeg ah siiyo. Waxaan Baydhabo u diraynaa diyaarad soo qaadda dhaawaca halista ah si ay u helaan daryeel caafimaad oo dheeri ah.
“Waxaan dhaleeceeynayaa kuwa arxanka daran ee dhiigga Muslimiinta ku daadinaya fikrado gurracan oo shareecada ka baxsan. Arxan uma hayaan dadkeenna iyo dalkeenna waxaanan sii wadeeynaa dagaalka aan kula jirno nabad-diidkan dadka ku dhex jira illaa aan ka dhammeeyno dalkeena.”ayuu yiri.
Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay xukuumadda ku garab istaagaan dagaalka ka dhanka ah argagixisada.
“Falalka fuleynimada ah ee argagixisada waxay noqonayaan kuwo nagu guubaabiya in aan midowno, oo aan labalaabno beegsiga kuwa dembiga galaya,” ayuu yiri.
C/fataax Ibraahim Geesey
C/fataax Ibraahim Geesey oo ahaa Gudoomiyihii hore ee Gobolka Bay ahna Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Maamulka la magac baxay Koofur Galbeed ee lixda gobol ayaa sheegay inuu ka bad baaday qaraxii ismiidaaminta ee maanta ka dhacay Baydhabo.
Weerarkan ismiidaaminta oo loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo uu kaxeynayay ruux naftii hure ah ayaa waxaa ku dhintay ilaa 11-ruux oo ay ku jiraan ciidamo ka tirsan kuwa dowladda.
C/fataax Geesey ayaa sheegay in qaraxaas ujeedkiisa ahaa in isaga lagu qaarijiyo, balse aanay tiisa gelin, isagoo ku tilmaamay qaraxa inuu ahaa mid fuleynimo ah.
"Alle mahad leh, qaraxa wuxuu dhacay maanta, wuxuu ahaa mid fuleynimo ah, nimankaas argagixisada ayaa sheegtay oo meelaha internet-ka ku qortay, waa ka bad baaday, waxaa u tacsiyadeynaya dadkii ku dhintay ee gacanta xaqdarada ay dishay"ayuu yiri C/fataax Geesey.
C/fataax Geesey oo sii hadlayay ayaa yiri "Dhimashada waa tobaneeyo ruux, qaar ka mid ah ilaaladeyda ayaa ku dhimatay, kuwo kalena waa ku dhaawacmeen, gaariga NOAH ayuu ahaa oo nin naftii halige ah ayaa waday, meesha ayaa aniga ku sugnaa"
Sarkaalkan ayaa intaasi ku daray in xaalada magaalada ay tahay mid degan, isagoo xusay in ciidamada ammaanka iyo kuwa AMISOM ay wadaan howl galo lagu xaqiijinayo ammaanka.
Al-shabaab oo sheegatay weerarka
Warar lagu baahiyay Baraha Internet-ka ee Ururka Al-shabaab taageera ayaa lagu sheegay in Dagaalyahano ku tirsan xarakadaas ay fuliyeen weerarkan.
Wararka ka soo baxaya Ururka Alshabaab ayaa tirada dadka dhintay ku sheegaya 20 ruux oo todoba ka mid ahi Ciidan yihiin.
Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Ciidamada Amisom oo dhacdadan la xidhiidha.
Weerarkan ayaa wuxuu ka dhacay afaafka hore ee Xafiiska Shirkadda Xawaaladaha ee Dahabshiil ku leedahay Baydhabo.
Ilaa hada ma cadda in wax khasaare ah soo gaaray Xafiiska Shirkadda iyo dadkii ka shaqaynayay.
Gobanimonews
Miuqdisho Office
Email: editor@gobanimonews.com