Hargeysa(GNA) Munaasibad balaadhan oo lagu qabtay Xarunta wasaarada Warfaafinta iyo wacyigalinta ee Somaliland ayaa shallay Xilka ay kula kala wareegen Agaasimaha Cusub ee wasaarada Warfaafinta Md. Maxamed Cilmi Aadan (Ilkacase) iyo Agaasimhii hore Warfaafinta Cabdirashiid Jibiir Yuusuf.
Munaasibadaasi oo si qurux baddan loo soo Diyaariyey ayaa waxa ka Qaybgalay Wasiirka Warfaafinta Md.Cabdilaahi Cukuse, Wasiir ku- xigeenka Cabdiwaaxid, Wasiir Ku-xigeenka Ganacsiga Bashiir Cabdixariir, Badhasaabka Gobolka Gabiley Mustafe Shiine, Af-hayeenka Madaxtooyada Somaliland Axmed Saleeban Dhuxul, Agaasimaha Arrimaha Dibada Maxamed Xassan iyo Masuuliyiin kale oo ka kala socday hay’ado iyo dhammaan shaqaalaha wasaradaasi.
Agaasimihii hore ee wasaarada Warfaafinta iyo wacyigalinta Md. Cabdirashiid Jibriil Yuusuf oo madashaasi hadal dheer oo u badanaa waxyaabihii u qabsoomay mudadii uu xilka hayey ka jeediyey ayaa sheegay in wasaarada wax badan uu ka qabtay waxaanu sheegay in mudadii uu joogay dhismayaal badan oo cusub ay uu ku soo kordhiyey wasaarada , dhinaca qalabaynta Telefeshiinka iyo Radio hargeysa oo uu sheegay in ay aad u qalabeeyen qalab casri ah oo cusubna ay u keenen, taasi oo keentay ayuu yidhi in telefeeshinka Toos Barnaamijada iyo muunisabadaha uu u gudbiyo, waxa kale oo uu si qoto dheer uga hadlay heerarka ay maanta Marayso wasaaradu isaga oo sheegay in ay dhulka ka soo qaadeen meel fiican uu soo gaadhsiiyey.
Waxaanu yidhi.“Mudadii aan Xilka la wareegay waxa ka jirtay wasaarada dhibaatooyin faro badan oo dhinaca qalabka ah, iyo dhinaca maamulka oo xan badani ka taagnayd, iyo dhinaca shaqaalaha oo niyad jab badani uu ka taagna, wakhtigaasi oo Idaacada Radio Hargeysa ku koobnayd Hargeysa oo qudha, waxa yaalalaha kale ee dhibta nagu haysay waxa ka mid ahaa 18 may ee hore oo Telefeeshinka qaranku Toos u tabin kari wayey Munaasibadaasi, marka si aan ulla jaanqaado wasaarada warfaafinta waxaan sameyey si aan u ogaado dhibta jirta in aan La kulmo shaqaalaha iyo madaxda hoose ee wasaarada, runtii talooyinkii ay dhammaan soo wadda jeediyeen waxban ka wadda qabtay waana ta ay maanta wasaarada warfaafintu heerkaasi ku gaadhay.”Ayuu yidhi Agaasimhii hore.
Md. Cabdirashiid Jibriil Yuusuf oo hadalka sii watan waxa uu yidhi “Markii ugu horeysay waxaan u jeestay dhinaca shaqaalaha iyo maaliyadda aan la wareegay in ay tahay mid run ah iyo in kale, kadib waaxanu ogaanay in Dhawr iyo sagaashan shaqaale oo been abuur ah aanu soo saarayn, waanu soo dhajinay markii danbena liiskii waanu ka saarnay,waxyaalaha ugu badnaa ee culeyska inagu hayey waxay ahayd oo qarankan laf-jab ku ahayd, xanbadana inaga haystay waxay ahayd baahinta dibada iyo lacagta aynu ku bixino, iyadana si kooban ayaanu wakhtigaasi uga takhalusnay, siddoo kalena heshiiskasi uga baxnay, runtii heshiiskasina inaga maaliyad badan ayaa inaga bixijirtay Xukumada Somaliland, markii aynu heshiiskaasi ka baxnay muddo labba bilood ah ayaan Telefeshinka gaar u hayey, kadiban waxaan ku wareejiyey khaddar cali gaas oo marka madaxweynaha Somaliland uu u soo magacaabay, iyada oo aan u sameyey qorshe ah kaan ugu tallo galay in aan ku haggo, wada shaqayn joogta ahna waxaanu dhammaan masuuliyiinta wasarada ku yeelanay sidii aanu u dhaqaajin lahayn Wasaarada.”Ayuu yidhi.
Dhinca kale waxa uu Agaasimhii hore sheegay in xidhiidh caalami ah uu la sameyey dawlada Itoobiya, Jabuuti, Masar iyo waddamo kale si uu suxufiyiinta Aqoon kororsi uu ugu raadiyo, isaga oo tilmaamay in waxana ay suurto galeen waxa kale jidka ku soo jiraan.
Md. Cabdirashiid Jibriil Yuusuf oo ka hadlaya Sada uu u arko xilka qaadistiisa waxa uu yidhi. “Madaxweynaha Magacaabistaydii waan uga mahad naqayaa, Xil ka qaadista laftigeedan waan uga mahad celinaaya, Muddo igu fillan oo aan wax badan qabtayna waan joogay, Madaxweynuhu wuxu ka dhigan yahay hadaad isyar waydiinayseen in uu agaasimaha guud ka hadlo xilkaqaadistiisa ama fataho, xilka qaadista madaxweynuhu waxay la mid tahay masuuliyad uu qaranka ugu xilsaarna yahay, Madaxweynuhu wuxu la mid yahay siddii Tababare Ciyaartooy soo galiyey Garoon, oo dushan ka daawanaya, marku tababaruhu Ciyaartooyaga badalayo waxyaabo badan ayuu ku badala, waxyaalaha waxa ka mid ah haaddii uu uu ogaado in uu Guul gaadhay wuxu nasiiya ninka uu is leeyahay wuu ugu xariifsan yahay, si aanu ciyaartan ugu dhaawacmin oo ciyaarta danbe u ciyaaro, marka nasiinban u qaadanaya.”Ayuu yidhi Md. Cabdirashiid Jibriil Yuusuf
Badhsaabka Gobolka Gabiley Mustafe Shiine iyo Wasiir Ku-xigeenka Warfaafinta Cabdiwaaxid Cabdiqaadir oo iyaguna madashaasi ka hadlay ayaa waxay Aaman Weyn u jeediyeen Agaasimihii guud ee hore Warfaafinta Cabdirashiid Jibriil Yuusuf oo ay sheegen in mudadii uu xilka hayey waxa badna uu qabtay uuna ahaa nin hawlkar ah, waxayna sheegen in aanu marna ka fogaanayn wasaarada.
Wasiirka Ku-xigeenka Wasaarada ganacsiga Bashiir cabdi xariir iyo Af-hayeenka Madaxtooyada Somaliland Axmed Saleeban Dhuxul oo iyaguna halkaasi ka hadlay ayaa Sheegay in agaasimihii hore iyo agaasimaha cusub ay yihiin rag qaranka xilal u hayey muddo, iyaga oo si gaar ah u sheegay in uu Agaasimihii hore uu ahaa Nin shaqo fiican wasaarada ka qabtay.
Agaasimaha Cusub ee Wasaarada Warfaafinta Maxamed Cilmi Aadan (Ilkacase) oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in aanay hadal badani u banaanayn maadama uu xilka maanta uu la wareegayo hadalka badidiisi uu yidhi agaasimahii hore, waxa kale oo uu balan qaaday in uu hawsha halka la soo gaadhsiiyey uu ka sii dhaqaajin doono.
Wasiirka Warfaafinta iyo wacyigalinta Md. Cabdilaahi Daahir Cukuse ayaa Gabogabadii xilka u kala wareejiyey labbada agaasime waxaanu sheegay in agaasimhii hore wax badan qabtay oo uu makhraati ka yahay, Aagasimaha cusubna laga filay in uu shaqada halkaa ka sii waddo.
Gabogabadii shaqaalaha wasaarada warfaafintu waxay shahaadooyin badan gudoonsiyeen Agaasimihii hore ee wasaarada warfaafinta Cabdirashiid Jibiir Yuusuf