Qorulugud(GNA)-Waan lagu xalinayo xiisad u dhaxaysa laba deegaan oo ood wadaag ah oo wada degen Deegaamada kalshaale iyo Hagoogane, ayaa ka socota halkaasi.
Labada deegaan oo ka soo kala jeedda Bariga Burco iyo Buuhoodle, ayaa todobaadkii hore iska hor-imaad ku dhex maray maleeshiyaad Geel raacato ah.
Dedaalo lagu soo afjarayo khilaafka sababay iska hor-imaadkaasi, si looga hortago colaad ku sii hurta Gobolka, ayaa waxa ku hawlan Maamulka Gobolka Togdheer iyo dad samaha ka shaqeeya oo ka soo kala jeedda labada dhinac.
Gudida Beelaha Bariga Burco ee arrimaha nabadda iyo Dhaqanka oo qayb ka ah qorshaha nabadda ee labada Beelood, ayaa rejo wanaagsan ka muujiyay xal u helida arrintaasi.
Afhayeenka Gudidaas Abokor Cumar Aadan oo Warbaahinta uga warmay halka ay hawshu u marayso ayaa sheegay in dhinaca Deegaanka Qorulugud ka aqbalay inay dhexdhexaadinta ergooyinka u hogaansamaan.
“wali hada laysma Hor fadhiisan labada Ardaa laakiin waan waantii waanu wadnaa labada dhinacna xidhiidh bay leeyihiin,dhalintii dhinaca dhibtu soo gaadhayna hada odayaashii ayaa ka hawlgalay”ayuu yidhi.
Waxaanu intaasi ku daray “waan u mahadnaqaynaa dhinacan wax yeeladu had soo gaadhay ee naga aqbalay ergada ,waxaana laysla qaatay in aan inta waanwantu socoto inaan wax dhibaato ah la samayn oo xabadi aanay dhicin,dhinaca reer Buuhoodlena waanu balansanahay si dhakhso ah baanay wadahadaldu u bilaabmayaan”ayuu yidhi.
Labada Ardaa ayaa iska hor-imaad dhex maray laba maleeshiyo oo Geel-jireyaal ah wax aka dhashay Khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira.
Axmed Muuse Maxamed
Gobanimonews
Burco Office