London(GNA)-Wasiirkii hore ee Kaluumaysiga, Khayraadka Badda iyo Maamulka Dekedda Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, ayaa hadal naxli leh iyo af-xumo ku tilmaamay Eedeymo dhawaan ka soo yeedhay Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan oo ku socday Guddoomiyaha wakiiladda Cabdiraxmaan Cirro.
Dr. Maxamed Xasan, oo xalay ka qayb-galay Barmaamujka Dareenka Shacbiga ee Telefishanka Horn-cable ka baxa todobaadkii, ayaa si weyn u dhaliilay qaabka uu Wasiir Xirsi eeddeyntaasi ugu jeediyay Guddoomiye Cirro “waxaan aad uga xumay oo aan shacbiga somaliland-na ka raali gelinayaa hadal uu Wasiirka Madaxtooyadu ka jeediyay Xafladii lagu qabtay Magaalada Liverpole ee madaxweyne SIilaanyo ka qayb-galay.
hadalkaa waxaa ku jiray maahmaah uu u soo qaatay khilaafka shir-guddoonka Wakiilada, taasoo wuxuu ugu maahmaahay Gudoomiyaha iyo labada ku-xigeen ka nusqaan wayn ku ahayd masuuliyadda uu hayo{“ayuu yidhi.
Siyaasigan oo markii xilka laga qaaday lix bilood wax ka yar muddo xileedkii madaxweyne Siilaanyo, sheegay inuu xil ka qaadistiisa ku lug leeyahay Xirsi, ayaa sheegay in Wasiir xilka uu hayo ka badbadinaya uu u arko Xirsi, waxa u geeyay Guddoomiyaha Wakiilladuna ay tahay Gef iyo faro dheeraan.
Maxamed Xasan, ayaa sidoo kale , Wasiir Xirsi ugu soo halqabsaday tuducyo ku jiray Gabay uu lahaa Ismaaciil Mirre, taasoo biyo dhaca ujeedadeedu ahayd Dameer oo lagu raray biyo ama rar aanay qaadi Karin oo la daalaa dhacaysa, isagoo uga gol lahaa inaanu Xirsi xilka uu hayo masuuliyadiisa lahayn.
Wasiirka Madaxtooyada Xukuumadda Siilaanyo, ayaa hore dhaleeceymo soo noqnoqday ugala kulmay hadalo uu ka jeediyay goobo fagaare ah, sida Gabay uu ka jeediyay Xaflad London ka dhacday sanadkii hore iyo meelo kale.
Halkan ka Daawo Muuqaalka Xirsi oo Caayay labada Guddoomiye ku-xigeen ee Wakiillada:
Gobanimonews
London Office
Email: editor@gobanimonews.com