Boorama-(GNA) -Munaasabad Balaadhan oo ay shirkada korontada Ee Boorama Power Station Ee Magaalada Boorama kula wareegaysay kuna iibsatay Kooxda Kubadda Cagta ee Asluubta Qaranka Somaliland Ee Gobolka Awdal ayaa maanta ka dhacday Hotel Rays Ee Magaalada Boorama.
Munaasabadan ayaa ugu horeyn waxaa ka hadlay madasha shaqaalaha ee shirkada adeegyada korontada Ee Borama Power Stataion Mudane C/laahi Xaaji C/raxmaan Cismaan (Aw-gamboole) waxa uuna sheegay in kooxdan horey ugu ciyaari jirtay ciidanka asluubta Gobolka Awdal ay ku iibsadeen lacag dhan 10650,000 Tobban Milyan, lix boqol iyo kontonkun oo Shilinka Somaliland ah taas oo uu sheegay in ay u dhiganto,lacag kor u dhaafayso $1500 Kun iyo shan boqol oo Dollarka Maraykanka.
Mudane C/laahi ayaa sidoo kale sheegay in ay arintan u sameeyeen in ay dhiirigaliyaan da’yarta balwadaha iyo tahriibka miciin badi lahaa hadii suuqa lagu siin dayn lahaa waxa kale oo uu sheegay in maanta laga bilaabo kooxdani tahay koox dhisan oo u ciyaari doonta shirkadan Borama power Station.
Sidoo kale waxaa isna halkaas ka hadlay Tababaraha kooxdan ciidanka asluubta ka soo diga rogatay ee ay iibsadeen Shirkada Borama Power Station Mudane Sakariye Axmed Yuusuf (Sakariye Dheere) waxa uuna sheegay in ay maanta laga bilaabo yihiin koox u ciyaari doonta shirkadan ayna sidaas ku leeyihiin, waxa kale oo uu dhaliil u soo jeediyay ciidankii asluubta ee ay horey uga tirsanaayeen ee ay u ciyaari jireen isaga oo sheegay in ay dayaceen sidaasna ay ku go’aansadeen in ay gorgortan la galaan shirkadan Borama Power Station.
Ugu danbayn waxa ay mahadnaqeen mas’uuliyiinta shirkadan talaabada wanaagsan ee ay horey u qaadeen shirakadan Borama power Station.
Gabogabadii munaasabadan ayaa waxaa halkaas hadalo mahadnaq iyo taageero xanbaarsan shiradakan Adeegyada Korontada Ee BoramaPower Station u soo jeediyay , Isuduwaha Wasaarada sportiga Gobolka Awdal Mudane Samaroon C/laahi Cilmi, gudoomiye ku xigeenka golaha degaanka Boorama ahna kusimaha gudoomiyaha Maxamed Muxumad Faarax Dheerayste Iyo xoghayaha Fulinta Gobolka Awdal Mudane Asad Cabdi Jaamac waxa ayna dhamaantood hoosta ka xariiqeen in ay shirkadani BoramaPower Station mudan yihiin in lagu daydo ayna noqdeen shirkadii ugu horeysay ee Geeska Afrika ciyaarooyo noocanoo kale ah iibsada.
Si kastaba ha ahaatee Shirkadan BooramaPower Station ayaa noqonaysa shirkadii ugu horeysay geeska afrika ee ciyaartooyo noocanoo kale ah iibsada kuwaas oo ay dayaceen xukuumada Axmed Siilaanyo oo ay ciidanka asluubta horey ugu ciyaari jireen haatana ay ka mid yihin ciyaartooyo u ciyaari doona shirkadan waxa ayna mudan yihiin ku dayasho wanaagsan oo ay xariiq wacan u jeexday shirkadani shirkadaha kale.
Gobanimo news
Borama-somaliland
#Mustafe caraale