Thursday, February 13, 2014

Sanaag: Badhasaabka Isbedelka Gobolka.Maqaal


badhasaabka-sanaagCeerigaabo-(GNA)-Badhasaabka Gobolka Sanaag Prof Axmed Muxumad Geele Dacar , Raad Qabow iyo Siyaasad Fur-furan.“Sanad Kaliya oo ku suntan:  Waddo Dhisid, Lacag Badal, Unkid Saxiibo Cusub”




Waxaa laga joogaa mudo sanad ku siman kadib markii madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland mudane Axmed Maxamed Maxamuud SIlanyo uu isku badal ku sameeyey Badhasaabada gobolada dalka, halka badhasaab walba loo badalay dhul iyo deegaan aad uuga ood fog deegaankii uu markii hore ku noolaa, taasi waxay wax badan ka qabatay hanaanka dawlad wanaaga iyo is dhex galka bulshooyinka kala duwan, waxay dawaysay qalbiga dhibanaha gar doonka ah ee awal calool yow badan ka sii qabay in gartiisa uu uula tago masuul ay isku ood yihiin ka uu ka dacwoonayo, waxay kor u qaaday maamulka iyo kala dambaynta gobol kasta




Hadaba aniga oo ka soo jeedaa Caasimada gobolka Sanaag ee Ceerigaabo, waxaan qalinka u qaatay in aan dhawr kalmadood ku cabiro badhasaabka cusub ee loo soo igmaday gobolkayaga Sanaag,




Waxaa hubaal ah in kursiga iyo masuuliyadu tahay wax sammada laga soo magacaabo ee ayna dadku awood u lahayn in ay is sharfi karaan ama is dulayn karaan, waxaa sidoo kale aan la il duufi Karin in dadka iyo xilka loo dhiibeeyo ama ay noqoto mid raad qabow la kowsata ama mid dab dabada loo sudho.




Sida aad ka warqabtaan markii badhasaabkan cusub Mudane Axmed Muxumed Geele Dacar , soo degay gobolkayaga Sanaag, wuxuu cilmi baadhis iyo u kuur gal ku sameeyey baahiyaha uugu waawayn ee ragaadiyey gobolka uugu wayn dalka Somaliland waxaana cilmi baadhistaas ka soo baxday 3 qodob:




1-    Waddo La’aan




2-    Lacago badan oo is dhex guuraya oo sababa degaanaasho la’aan dhaqaale




3-    Siyaasad xidhxidhan oo gobolka uun ku eeg, isla markaana aan xidhiidh la lahayn dawlada dhexe




Bal akhirste ile eeg sadexdaas qodob maaanta halka ay marayaan ,




Waddo La’aan




Waxaa marag ma doon ah waddo la’aanta haysata gobolka sanaag ee ka dhigtay go’doon cido iyo ciirsi la’,  hadaba masuulkan gobolka madaxweynaha looga dhigay wuxuu geed dheer iyo mid gaaban-ba uu u fuulay in uu masuuliyiinta dawlada dhexe ku qanciyo in la joogo xiligii loo guntan lahaa hirgalinta jidkan dheer ee horayna uugu jiray balan qaadkii xukuumada maanta talada haysa balse u baahnayd xasuusin iyo xusul duub, Alle ayaa qalinka iyo qoraalka hayee waad aragtaan rajada quruxda badan ee maanta ka soo ifbaxsan jidkaas iyo sida dalkii oo dhan uugu heelan yahay dawlad iyo shacaba hirgalinta jidkaas, Allaylehe libin qoraal u baahan iga dhe




Lacago badan oo is dhex guuraya oo sababa degaanaasho la’aan dhaqaale




Sida intiina cilmiga dhaqaalaha iyo siyaasada wax ka taqaana aad ka war qabtaan, gobol ama qaran dhaqaalihiisu lugaha ku istaagi karo ma jiro ilaa la helo lacag sugan “Stable Currency” hadaba gobolka Sanaag waxaad la socotaan in ay ka socon jireen lacago badan oo kala duwan oo ay kamid tahay lacagtii hore ee Somalia ee GIIMBAARTu, taasi oo sababtay in gobolku jid la’aan uun maahee dhaqaale la’aana la ragaado, calool adayg waa Alle wehelkiiye Masuul Axmed Muxumed Geelle wuxuu ku go’aan iyo calool adaygay in la gaadhay xiligii laga furi lahaa dabarka lacag xumada ee Gobolka haysata, in badan waxaa laga dardaar weriyey in ayna suuro gal ahayn, balse Fadliga Illahay wuu suuro galiyey oo maanta gobolka waxaa si dhamaystiran dhaqdhaaqa ganacsi ku dhacaa lacagta Shilin Somaliland-ka, Allaylehe Guul Garaabid  u b aahan iga dhe




 Siyaasad xidhxidhan oo gobolka uun ku eeg, isla markaana aan xidhiidh la lahayn dawlada dhexe




Hadimooyinka dib u dhaca iyo dabarka ku ahaa Gobolka quruxda u saxiibka ee Sanaag waxaa kale oo kamid ahaa, xidhxidhnaan dhinaca xidhiidhka siyaasada ah, oo kaliya waddo la’aan uun maahee war la’aan a way jirtay oo cid warka Gobolka Sanaag maqli jirtayba way yarayd cid timaadana haba sheegin.




Gudoomiye Axmed Muxumed Geele , isagoo kaashanaya khibradiisii sanadaha badan soo jirtay iyo saxiibadii uu ku dhex yeeshay Siyaasada dalku waxay dhaxal siisay gobolka in uu u unkay xidhiidh saxiibtinimo iyo tohooyasho oo dhex mara dawlada hoose ee Sanaag iyo guud ahaanba dawladaha hoose ee dalka iyo dawlada dhexe ee Somaliland




Sidii loo magacaabay Gudoomiye Dacar, waxaa gobolka raad joogto ah ku soo gaadha Wasiirada, Xildhibaanada iyo masuuliyiinta sarsare ee dawlada iyagoo dhamaan ka marag kaca in ay tahay markii uugu horaysay ee ay soo gaadhaan gobolka Sanaag




xidhiidhadaas uu unkay waxaa uugu dambeeyey shirkii uugu dambeeyey ee ay ku kulmeen in ka badan toban Mayor oo ka soo jeeda dhamaan degmooyinka uugu waawayn dalku




Hadaba akhirste marka aad eegto sanad kahor halka gobolka Sanaag taagnaa iyo halka uu taagan yahay, maxaad ku sifayn lahayd Masuulka Alle noo dooray qalinkana  uu noogu qoray Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamud Silanyo?




Hadii aan libinta la iska xaasidayn, anigu waxaan ku tilmaami lahaa Shimbir loo soo diray in uu gobolka Somaliland uugu wayn ku soo xidho dalka intiisa kale, isla markaana wuxuu ku sifoobayaa Mideeyaha Somaliland Cusub.




isku soo wada duubo magacaabida Gudoomiye Axmed Muxumed Geele , waxay u noqotay Gobolka Sanaag Raad Qabow, Rajo dib u curatay, iyo Siyaasad Furfuran, Allaha Xafido oo Ilaasho.




Jaamac Xasan Bariisle




Ceerigaabo-Somaliland