Garoowe(GNA):- Madaxweyne ku-xigeenka Maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Punland Cabdixakiin Cabdilaahi Xaji Cumar Camay,ayaa la sheegay inuu socdaal ku imanayo magaalada Buuhoodle oo deegaan ahaan ka tirsan Somaliland ablse aan gacanta Maamulka Somaliland ku jirin.
Magaalada Buuhoodle,ayaa waxaa la sheegay inay imika ka socdaan dhaq dhaqaaqyo ay wadaan qaar ka tirsan Madaxdhaqameedka deegaanka oo ay ugu sii gogol xaadhayaan Weftiga Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Cabdixakiin Cabdilaahi Xaaji Cumar oo la filayo inuu dhawaan magaalada Buuhoodle soo gaadho.
Madaxweyne ku-xigeenka Puntland oo markii hore sida la sheegay qorshuhu ahaa inuu maanta soo gaadho magaalada Buuhoodle,ayaa la sheegay inuu sarafkiisu u dhacay maalinta sabtida ee soo socota ka dib markii uu Madaxweynihiisu saaka u dhoofay dhanka caasimadda Soomaaliya ee Muqdhisho oo uu kaga qayb galayo aas qaran oo halkaa loogu samaynayo Raysal-wasaarihii hore ee Soomaaliya oo dhawaan ku geeriyooday dalka Maraykanka.
Magaalada Buuhoodle,ayaa waxaa imika gacanta ku haya Maamulkeeda kooxda la baxday Khaatumo State oo ku dhawaaqay Maamul goboleed ka madaxnabanaan Somaliland iyo Puntland labadaba,waxaanay marar badan dagaalo toos ahi ka dhex qarxeen Somaliland iyo Puntaland.
Maamulka Puntland iyo KOOXDA Khaatumo ayuu dagaal dad ku dhinteen ku dhex maray magaalada Taleex oo ay kooxdala baxday Khaatumo u ahayd magaalo madaxdooda dagaalkaasoo ay ku kala jabeen hoggaamiyeyaasha kooxda Khaatumo.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland ooh ore u soo noqday hoggaamiyaha kooxda Khaatumo,ayaa Puntland la soo saftay dagaal ka dhacay magaalada Taleex ee gobolka Sool 28/11/2013.dagaalkaasoo ay kooxda Khaatumo ee uu hoggaamiyo Indha-sheel ay ku sheegeen inay Puntland magaalada Taleex ka geysatay waxay ugu yeedheen xasuuq.
Xiligan oo aanay kooxda Khaatumo iyo Maamul goboleedka Puntland weli ka wada hadal dagaalkii ka dhacay magaalada Taleex isla markaana aan wax heshiis ahi dhex marin,ayuu Madaxweyne ku-xigeenka
Gobanimonews-Desk
Hargeysa/Somaliland